maalceedhiin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalceedhiin
m. n., (mass n.): raw material
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalceedhiin
de: raw material
lx: maalceedhiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: maalceedhiin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alaab ceedhiin
n. phr. raw material
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alaab_ceedhiin
de: raw material
lx: alaab ceedhiin
pd: (~ ceeriin)
ps: np
key: alaab_ceedhiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleeshiin
m.dh la-mid: haleelsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleeshiin
-ta: (magac, dhedig, keli) siinta kansho ay cid kaga bogato hawl ay qabanayso.
haleeshiin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kaa durugsan wax gaadhsiin ama wax tegey ka dab ageyn. Dh: gaadhsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliid ceedhiin
n. phr. crude oil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliid_ceedhiin
de: crude oil
initial: s
lx: saliid ceedhiin
pd: (~ ceeriin)
ps: np
key: saliid_ceedhiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayodhiin
m.l (kiimika) Curiye adke ah oo bida midabkiisuna yahay buluug madow kana tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayodhiin
m.l (kiim.) Curiye adke ah oo bida midabkiisuna yahay buluug madow kana tirsan haloojiinada (ururka 7aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayodhiin
-ka: (magac, lab, keli) curiye adke ah oo uu midabkiisu yahay buluug madow kana tirsan haloojiinada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaldhiig
(Baaldhiig-ga)
Baalasha haadka kuwooda buka oo laga rifo ama laga soo siibo; tinmood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaldhiig
m.l Cudur digaagga ku dhaca oo baalasha salkooda dhiig u yeela.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaldhiig
m.l Cudur digaagga ku dhaca oo baalasha salkooda dhiig u yeela.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaldhiig
-ga: (magac, lab, keli) baalasha buka ee haadka. Baaldhiigga waa laga rifaa haadka, haddii uu cudur ku faafo. Dh: tinmood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel qorraxda waxba aanay ka xigin dhigid; debed u soo saarid oo cadceedda u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaneedin
(Haaneedin-ta)
Haaneed ka dhigid; hab wanaagsan u yeelid; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedin
m.f.dh eeg haaneedi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneedin
-ta: (magac, dhedig, keli) lisidda geela lafteeda. Haaneedinta hasha ayrada ah labo nin uun baa iska xajin karta.
haaneedin -ta: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan oo loo haneedi karo u joojin.
haaneedin -ta: (magac, dhedig, keli) haaneed ka dhigid; hab wanaagsan u yeelid. Dh: haaneedis, qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleeshii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: haleelsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleeshii
(fal) cid kale, hawl, kanshe u sii.
haleeshii: (fal) cag dambe cag hore gaadhsii. Ragga inna haleeshii. Dh: gaadhsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leedihiin
v., pl., present habitual: you all have ~ own something
leedihiin v., pl., present habitual: you all say ~ are saying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leedihiin
(pronoun plus have) you (all) have. Ex: shan cad baad leedihiin; you have five pieces; maxaad leedihin? what are you (all) saying?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maacuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) sugid cid wax laga sugo iyada oo sidii looga heli lahaa lagu dadaalayo. Nin maacuudin wax lagaga waayay waa laga malaystaa. Dh: dhursugid. Li: quusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalgelin
m.f.dh eeg maalgeli. la-mid: maalgelis.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maalgelin
Investment
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalgelin
vl. n., [compound] investment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maalgelin
-ta: (n) investment (in-vest-mant); finance (fe naasi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maalgashi.
maalgelin -ta: (magac, dhedig, keli) hantida ama saamiga lacageed ee la gashado mashruuc si faa'ido looga helo kol dambe. Lacag maalgelin ah ayaa shirkadda la siiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalgelin
de: investment
lx: maalgelin
pd: (-ta)
ps: vn1-f-cmp
syn: hantiggelin
key: maalgelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaweelin
(Maaweelin-ta)
Wax maaweelo ah, cid u sheegsheegid, ku soo jeedin, u hayn; madaddaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaweelin
m.f.dh eeg maaweeli. la-mid: maaweelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaweelin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid maaweelo iyo baashalin u samayn. Dh: maddadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haleelsiin
(Haleelsiin-ta)
La kulansiin; ku duwid; kansho u siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleelsiin
m.f.dh eeg haleelsii. la-mid: haleeshiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) kansho u siin uu hawsha kaga bogto. Dh: haleelsiis, haleeshiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laameedhsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg laamadood.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Maleeshiya
-da (n) Malaysia; Kuala Lumpur is the capital and the largest city
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayeedhaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu bedo wax hallaabay ama dhintay oo magac iyo muuqaalba kii maqnaa la mid ah sida: baabuur lagu bedo baabuur, faras lagu bedo faras, bir lagu bedo bir oon beddel ama magdhaw ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalsoodejin
vl. n., [compound] importing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalsoodejin
de: importing
lx: maalsoodejin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
key: maalsoodejin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaab caydhiin
m.dh.u (-bo ..., m.l) 1. Walax ama shay dabiici ah oo aan gelin weli warshado ama aan la farsamayn. 2. Alaab ay isticmaalaan warshaduhu si ay u farsamotumaan uguna beddelaan alaab la isticmaali karo; alaabta caydhiin waxaa qayb ahaan ka mid ah alaab farsamotuman, oo ay ka mid yihiin looxa jarjaran, burka qamadiga, kuwaas oo sii mara farsamotumid dheeraad ah. la-mid: alaab ceyriin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alaab caydhiin
m.dh.u (-bo ..., m.l) 1. Walax ama shay dabiici ah oo aan gelin weli warshado ama aan la farsamayn. 2. Alaab ay isticmaalaan warshaduhu si ay u farsamotumaan uguna beddelaan alaab la isticmaali karo; alaabta caydhiin waxaa qayb ahaan ka mid ah alaab farsamotuman, oo ay ka mid yihiin looxa jarjaran, burka qamadiga, kuwaas oo sii mara farsamotumid dheeraad ah. la-mid: alaab ceyriin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Alaab caydhiin
Raw materials
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
ALAAB CEERIIN
Materie prime
Raw material
Waa dhammaan waxa loo isticmaalo tacab soo saarka Warshadaha, sida khayraadka kala duwan ee dhulka, badda iyo xoolaha.