maala'abbaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maala'abbaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg mala'awaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mala'abbaar
(Mala'abbaar-ka)
Mala'awaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mala'abbaar
-ka: (magac, lab, keli) malayn la saadaaliyo sida ay wax noqon doonaan xilliga soo socda. Mala'abbaar ayaa shinnida la waydiiyaa. Dh: male, saadal, odoros, mala'awaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maala-abbaar
m.l Mala'awal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mala-abbaar
mala-abbaar¹: m.l Mala'awaal.
mala-abbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax mala'awaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mala-abbaar
f.g1 (-ray, -rtay) Wax mala'awaalid. m.f.dh, mala-abbaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mala-abbaar
m. n. estimate, conjecture, supposition; hypothesis
mala-abbaar v. guess, suppose
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mala-abbaarid
m.f.dh eeg mala-abbar².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sallax Abbaar
Plane of incidence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalaabbax
(fal) booqashooyin is daba joog ah samee; kolba meel gal oo ka bax.
gaalaabbax-a: (magac, lab, keli) booqashooyin is daba joog ah; kolba meel gelid oo ka bixid ama meel ku noqnoqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mala'awaal
(Mala'awaal-ka)
(wax, arrin) male ku dhisan; mala'abbaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mala'awaal
mala'awaal¹: m.l Wax aan la hubin oo male ku dhisan.
mala'awaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) Wax aan la hubin qiyaasid. m.f.dh, mala-awaalid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mala'awaal
Imagination
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mala'awaal
-ka: (magac, lab, keli) eeg mala'abbar.
mala'awaal-ka: (magac, lab, keli) hindise aan dhab ahayn oo ku salaysan sawir maskaxeed keliya. Mala'awaal ayaad ku nooshee runta isku sheeg.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal Abbaar
Angle of incidence
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaabbax
galaabbax¹: m.l Socod badan oo meel horay iyo gadaal loogu socdo. la-mid: galoobbax¹.
galaabbax²: f.mg1 (-xay, -xday) Meel horey iyo gadaal ugu noqnoqosho. la-mid: galoobbax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbayr
(Kalabbayr-ka)
Meel labo dhabbe ama labo xarriiqood isku weydaartaan, ku kala bayraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbayr
m.l (-ro, m.dh) Meel laba dhabbe ama xarriiqood isku weydaartaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalabbayr
m.l (-ro, m.dh) Meel laba dhabbe ama xarriiqood isku weydaartaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalabbayr
m. n. fork in a road
kalabbayr v. split (off), fork, divide
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalabbayr
-ka: (n) crossroads (karoos-roowdhis)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kalabbayr
Incrocio
Juncture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabad
-ka: (magac, lab, keli) wax iska fidsanaa laalaabasho. Dh: duudduubad, duuduubasho.
laalaabad -ka: (magac, lab, keli) kolba noqosho iyo warwareeg: laabad oo haddana soo noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abla'ablay
(fal) baro xeerarka lagu kala sooCo noolaha inta nool iyo iyo intii tirantay.
abla'ablay: (fal) kala soocsooc xoolo isla socda ama wax kale. Riyaha iyo idaha abla'ablay.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar abbaar
Point of incidence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawaabdaar
-ka: (magac, lab, keli) afhayeen, jawaabdaar ayaad ahayd mudo dheer. Dh: wakiil.
jawaabdaar-ka: (magac, lab, keli) qof hadalkiisa la yeelo. Jawaabdaarkii inadeyl ahaa Jaamac ma illaawey.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maalmahaan
(adv) nowadays (nowadheeys)-, these days ~ ayaamahaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaabnaan
m.f.dh eeg makaaban. la-mid: makaabnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makaabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) karkaarnaan oo wax afka qoryo kaga raaran ahaan. Ceelashu makaabnaanta ayay ku fiican yihiin. Dh: raarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mala-awaal
mala-awaal¹: m.l Wax aan la hubin oo male ku dhisan.
mala-awaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) Wax aan la hubin qiyaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mala-awaal
m. n. guess; hypothesis
mala-awaal v. guess, form a hypothesis; initiate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mala-awaal
-ka: (n) assumption (a sam shan); speculation (ispaki-leey shin); hypothesis (haay-pootha-sis); guesswork (gas-woork); imagination (i-maaji-neey-shin) mala-abbaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malaasnaan
(Malaasnaan-ta)
Wax malaasan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaasnaan
m.f.dh eeg malaasan². la-mid: malaasnaansho, malaasni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaasnaan
f. n., [abstract] state of being dressed with lime; stiff ~ smoothed off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la malaasay ahaan. Malaasnaanta waan ugu imidday uun. Dh: malaasni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malaasnaan
de: state of being dressed with lime; stiff ~ smoothed off
lx: malaasnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: malaasnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaarsaar
(Maqaarsaar-ka)
(xoolo) ilmo dhintay oo maqaarkooda ilmo kale la saaro, si neefkii dhalay ugu dagmo oo u godlado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaarsaar
maqaarsaar¹: m.l 1. Saaridda hal ama sac ilmo ka dhintay maqaarkiisa loo saaro ilmo kale si ay ugu godlato. 2. M. ah: qof waxa uu u magacaabanyahay aan awood u lahayn. 3. la-mid: maqaarsaarid.
maqaarsaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Hal ama sac ilmo aysan dhalin maqaar u saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqaarsaar
m.l 1. Saaridda hal ama sac ilmo ka dhintay maqaarkiisa loo saaro ilmo kale si ay ugu godlato. 2. M. ah: qof waxa uu u magacaabanyahay aan awood u lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqaarsaar
vn-m-idiom: cover up; trick, deceit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqaarsaar
-ka: (n) puppet (pap'it) Ex: dawlad maqaarsaar ah; a puppet government
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaarsaar
-ka: (magac, lab, keli) maqaarka neef yar oo dhinta oo neef kale la dulsaaro ama tigaad iyo maryo laga buuxiyo oo neefkii loo ekeysiiyo dabadeedna neefkii dhalay lagu irmaaneeyo ama lagaga liso. Hashu ha godlatee maqaarsaar u samee. Dh: haragsaar.
maqaarsaar-ka: (magac, lab, keli) wax la dhalliilayo oon raalli laga ahayn. Gumaysigu wuxu noo dhisi jiray dawlado maqaarsaar ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqaarsaar
de: cover up; trick, deceit
lx: maqaarsaar
pd: (-ka)
ps: vn-m-idiom
see: u maqaarsaar
key: maqaarsaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abla'ablayn
m.dh (-no, m.dh) Barashada aragtida, jaraynta, iyo xeerarka kala soocidda naflayda kuwii dabar go'ay iyo kuwa hadda jooga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abla'ablayn
m.dh (-no, m.dh) Barashada aragtida, jaraynta, iyo xeerarka kala soocidda naflayda kuwii dabar go'ay iyo kuwa hadda jooga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abla'ablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barashada jaraynta iyo xeorashada kala soocidda nafleydii dabargo'day iyo ta weli dhaqan.
abla'ablayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax isku jiray kala soocsoocid; wax isku darsanaa kala soorid. Abla'ablayn buu odaygu xoolaha ku bilaabay. Dh: abla'ablays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abla'ablays
-ka: (magac, lab, keli) eeg abla'ablayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalfallaar
(Baalfallaar-ta)
Mid ka mid ah shinbiro wadajir u duula oo xilliba dal u talaaba; caloosha waa ka caddahay, dhabarkuna waa madow iyo buluug isku darsan; waxay leedahay baalal dheerdheer oo fallaarta u eg, iyo dabo ganto leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalfallaar
m.dh Shinbir dhabarka ka cad, calooshana madow ciiro bus ah ku leh, oo dabo ganto ah iyo baalal dhadheer oo u eg kuwa fallaarta leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baalfallaar
f. n., [compound] swallow (bird)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalfallaar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baalfallaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baalfallaar
de: swallow (bird)
lx: baalfallaar
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
key: baalfallaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaalabbar
gadaalabbar¹: m.l 1. Barashada, qaabka iyo xeeladaha kudmada. 2. la-mid: gadaalabbarid.
gadaalabbar²: f.g1 (-ray, -rtay) Qaabka iyo xeeladaha kudmada barid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadaalabbar
v., [compound] teach about reproduction and reproductive organs, sex education
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaalabbar
(fal) cid kale, sida laboodka iyo dheddigoodku isugu tagaan bar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadaalabbar
de: teach about reproduction and reproductive organs, sex education
lx: gadaalabbar
pd: (gadaalabbaray)
ps: v1=cmp
key: gadaalabbar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labajibbaar
(Labajibbaar-ka)
In, in kale oo le'eg lagu daro; labo jeer tiro isku dhufad; laballaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labajibbaar
labajibbaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Tiro, tiro la eg lagu dhuftay. 2. Isku laabidda xarig laba jeer laysku laabo.
labajibbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Tiro, tiro la eg ku dhufasho. 2. Xarig laba jeer isku laabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labajibbaar
labajibbaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Tiro, tiro la eg lagu dhuftay. 2. Isku laabidda xarig laba jeer laysku laabo.
labajibbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Tiro, tiro la eg ku dhufasho. 2. Xarig laba jeer isku laabid. m.f.dh, labajibbaarid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Labajibbaar
Square
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labajibbaar
m. n. double ~ doubling; square {mathematics}; square {geometry}
labajibbaar v. double (multiply by two); square (multiply by itself), raise to the second power {mathematics}
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Labajibbaar
Raddoppiare
To redouble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labajibbaar
(fal) tiro, in kale oo le'eg ku badi; labo tiro oo isle'eg isku dhufo. Dh: laballaab.
labajibbaar -ka: (magac, lab, keli) tirada oo tiro kale oo le'eg lagu dhufto ama lagu badiyo. Lix iyo soddon waa labajibbaarka lix.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sal jibbaar
Base of power
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sal-jibbaar
m.l (-lal ..., m.l) (xisaab) Tirada jibbaarkeedu tusinaayo inta jeer ee tiradaasi la isku dhuftay. Tusaale ahaan 2(4), 2 waa salka, 4-tuna waa jibbaarka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sal-jibbaar
m.l (-lal ..., m.l) (xisaab) Tirada jibbaarkeedu tusinaayo inta jeer ee tiradaasi la isku dhuftay. Tusaale ahaan 2(4), 2 waa salka, 4-tuna waa jibbaarka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laablaabnaan
m.f.dh eeg laablaaban². la-mid: laablaabnaansho, laallaabnaan, laallaabnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaabnaan
m.dh la-mid: laablaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangaabnaan
m.f.dh eeg maangaaban. la-mid: maangaabnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangaabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax garaadkiisu yar yahay ahaan; kasmo yaraan, caqli yaraan; fiiro yaraan. Maangaabnaantu waa Alla u dhalin. Dh: maangaabni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaay'abbaay
-da: (magac, dhedig, keli) digri iyo duco haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweenay uur leh ay dhowaato, ama markii la xusayo Abbaay Faadumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abla'ablaysan
(tilmaame) wax kala sooran; kala soocsoocan. Waxa ay wadaan adhi abla'ablaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsamabbarad
m. n. apprentice, beginner, learner
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farsamabbarad
de: apprentice, beginner, learner
lx: farsamabbarad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: farsamabbarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalama'adkaan
-ka: (magacwadareed) dad ama wax kale oo itaal iyo cudud isku dhigma leh oo aan kala xoogganayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballaabnaan
m.f.dh laballaabnaansho, labanlaabnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballaabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax labo jeer isku laalaaban.
laballaabnaan -ta: (magac, dhedig, keli) shakisnaan; walaacsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labanlaabnaan
m.dh la-mid: laballaabnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ma nabad baa?
greeting: how are you?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ma_nabad_baa?
de: how are you? Lit: Is it peace?; Answer: Waa nabad. 'I'm fine' [lit: It is peace]
lx: ma nabad baa?
ps: greeting
key: ma_nabad_baa?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majarahabaabi
(fal) dad ku raacsan meel qaldan u hoggaami. Umadda majarahabaabi ha is odhan. Dh: marrinhabaabi, hallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjagaargaar
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc quraanjada ka mid ah oo sida jinaca u guurta oo raashinka godad ku kaydsata. Manjagaargaartu dadka ma qaniinto. Dh: mijagaargaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskabjabnaan
m.dh la-mid: maskarjabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabnaan
m.dh eeg maskarjaban. la-mid: maskabjabnaan, maskabjabnaansho, maskabjabsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalaabbixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg gaalaab-bixid.