maahey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahey
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maahas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haahey
Haa; haaheeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haahey
qr. la-mid: haa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haahey
inter. yes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haahey
(tilmaame) waa sidaa; waa runtaa. Dh: haa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haahey
de: yes Also: 'I'm here' (response when called)
lx: haahey
ps: intj
key: haahey
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maadey
name-m Muhammad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadey
(fal) eeg maadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahay
-da: (magac, dhedig, keli) dhallaanka, dumarka, duqayda, naafada iyo dhammaan dadka tabarta yar ee gacanqabadka u baahan ee in lagu xadgudbaa aanay bannaanayn. Waar maahayda meel aammin aha geeya. Dh: maahey, maahays, maxas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maahee
(ma + aha + e).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maahee
v., neg.-expr: it is not ...
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahee
(falkaabe) loo adeegsado ka salgaadhidda iyo aad wax uga ogaanta arrinta laga hadlayo oo u dhigma 'arrintaa aad ma u hubtaa?' Inta badanna waxay tustaa yaab iyo tacajub. Faarax wuxu yidhi samaalaa yimid calina wuxu uga jawaabay maayee! Waar warkaa halkeed ka keentay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maahee
de: it is not ... = ma + aha + ee
lx: maahee
ps: v5a-neg-expr
key: maahee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maaleeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadeyn
(Maadeyn-ta)
Hadal maad ah sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeyn
m.f.dh eeg maadee. la-mid: maadeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeyn
-ta: (magac, dhedig. keli) bandhig maaweelo oo lagu qoslo samayn; hadal maad ah sheegid. Jigjigaawi iyo Miicaad Miiggane maadeyn waa looga hadhay. Dh: majaajillayn, maaweelayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadeys
(Maadeys-ka)
Sheeko suugaaneed oo dhacday ama dhici karta, oo inta dad jilo la daawado si waxbarasho ama aqoon kale looga dheefa ama muusikada iyo cayaaraha ku jira loogu raaxaysto; riwaayad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeys
m.l 1. (riw.) (-syo, m.dh) Jilid qosol leh. 2. la-mid: maadeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maadeys
m.l 1. (riw.) (-syo, m.dh) Jilid qosol leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadeys
m. n. comedy, comic act; play; concert
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maadeys
-ka: (n) amusement; laughter; wit, humor ~ maad-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg maadays.
maadeys -ta: (magac, dhedig, keli) eeg maadeyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maadeys
cf: riwaayad
de: comedy, comic act; play; concert
lx: maadeys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: maadeys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadley
m.dh (-yo, m.l) Haweenay shaaciro badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadley
f. n. witty woman (with a sense of humor), vivacious female, comedienne
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maadley
-da: (n) female comedian; comedienne; humorist (hiyuu-mariist)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadley
-da: (magac, dhedig, keli) naag maadaynta ku ba'as oo dadka ka qoslisa. Sareedo waa maadley laga hadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maadley
de: witty woman (with a sense of humor), vivacious female, comedienne
lx: maadley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: maadley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahays
-ka: (magac, lab, keli) qof aan garaad badan lahayn oo wuxuu sameeyaana inta badan wax ka soo qaad lahayn. Maahayska ninmankii nii malmalay muranku waa ceebe. Dh: maangaab.
maahays -ka: (magac, lab, keli) inta tamarta yar ee in loo naxo oo la dhawro mudan. Xilliga dagaallada mahayska iyo rayadka lama laayo. Dh: maati, maxas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareyn
m.f.dh eeg maaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashay
(fal) wada gaadh oo wanaag ku caan yeel. Dh: nimcee, wanaaji, maashee, maanshee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maashee
f.g2 (-sheeyay, -shaysay) Hafin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maashee
v. drown; overwhelm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashee
(fal) eeg maashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maashee
cf: hafi
de: drown; overwhelm
lx: maashee
pd: (maasheeyey)
ps: v2b=
key: maashee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Madaxey
name-m chief, boss, official; or he whose head was disproportional to his body frame at birth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Madaxey
magac ama naanays loo bixiyo wiil markii uu dhashay madaxiisu weynaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maah
(fal) noqo wax muuqiisu joogo maankiisuna maqan yahay. Hadduu maas ku haysto orod bannaanada ku maah.
maah -ha: (magac, lab, keli) mashquulsanaan maskaxda ah oo qufku isaga oo muuqiisa la arkayo haddana maakiisu waxa dhaca uu la socon oo wax kale ku xidhan yahay. Maaha ka soo noqo oo dadka dhegeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaha
Ma aha (ama maahan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaha
v., neg., present habitual: it is not
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaha
(falkaabe) diidmo ah oo u dhigma 'sidaa si ka duwan weeyaan'. Dh: maaha, maahin, maahane, sidaas, maahan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaha
de: it is not
lx: maaha
pd: (ma aha)
ps: v5a-3-neg-prhb
xe: Today the weather is not cold.
xv: Maanta hawadu qabow maaha.
key: maaha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maahi
mąahi: f.g2 (-iyay, -isay) Wax maahsan ka dhigid; is m.: qof caqligiisu maqanyahay iska dhigid; is khaafin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maahi
v. make deficient; make absent-minded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahi
(fal) sidii qof maqan iska dhig adoo isyeelyeelaya. Si laguu dhaafo is maahi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maahi
cf: maahsan
de: make deficient; make absent-minded
lx: maahi
pd: (maahiyey)
ps: v2a=tr
key: maahi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maame
-ha: (magac, lab, keli) midab aad u madow sida haldhaaga. Maame weeye midabkeed, ciridkuna madawyahay. Dh: madaw. Li: caddaan.
maame -ha: (magac, lab, keli) nooc noocyada saararka ka mid ah. Ninkii maame ayaa laga tumay Dh: saar.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maheh
sauf, à l'exception de.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayey
-ga: (maagac, lab, keli) roob is daba jog ab oon kala qaad lahayn oon duufaan iyo dabylina la socon oo shubma. Dh: miiraale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahay
(fal) qaadhaan qof u ururi; u soo dhawrtee; dadka u soo dhexmar: baaha u soo gur. Dh: baahee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahee
f.g2 (-heeyay, -heysay) U b.: qof ama dad dhibaateysan hanti u uruurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaney
neg., vl. pron. she / they ... not,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaney
(v) it is the one she didn't... Ex: Ali baaney arag; Ali is one she didn't see
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaney
a: beeyan
de: she / they ... not + [FOCUS] = baa + aan + ay
lx: baaney
pd: (baanay)
ps: focus + neg + vpro
xe: It is vegetables that the children dont like to eat.
xv: Carruurtu khudaar baaney jecleyn iney cunto.
key: baaney
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaney
m.dh la-mid: caaneeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caawey
adv., time: this evening
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caawey
de: this evening
lx: caawey
ps: adv-time
key: caawey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadey
Haadey!
Erey, qof dhibaato weyni gaartey, inti is celin waayo, ku dhawaaqo; duulay! hoogey! jabay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadey
e.d Erey dareen tilmaama, taah naag murugaysan la qayliso. la-mid: hoohey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haadey
inter. Woe is me!, Alas!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haadey
(expression) used to express sorrow or regret of danger; alas (a-laas) ~ hoogey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadey
haadey! (ereydhawaaq) erey qof dhibaato weyni gaadhay uu ku tayaaqsado. Haadayey maxaa ilmahaygii helay! Dh: hoogay, ba'ay, balanbalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haadey
de: Woe is me!, Alas! Exclamation of great distress
lx: haadey
ps: intj
key: haadey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawey
(Haawey-da)
Haadun; hoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawey
m.dh Dad sabool ah oo ku nool qaraab iyo wixii ay helaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawey
f. n., [collective] the poor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawey
-da: (magacwadareed) dad sabool ah oo fara madhan; dad aan hanti lahayn. Dh: haadun, hoomo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haawey
de: the poor
lx: haawey
pd: (-da)
ps: n0-f-col
syn: haadun
key: haawey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laallay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) (riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maadee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) (riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo sheegid. m.f.dh, maadeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadee
v. make jokes, say something funny
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maadee
-yey / maadeysay: (v) make one laugh; make a funny remark; be great fun; be witty; joke (jowk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadee
(fal) maad samee oo dad ka qosli. Sidii Boon Xirsi iyo miicaad miiggane u maadee. Dh: majaajillee, maadey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maadee
de: make jokes, say s.t. funny
lx: maadee
pd: (maadeeyey)
ps: v2b=intr
key: maadee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maahan
v., neg.-expr: it is not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maahan
[pronoun plus negative] it is not ~ maaha, ma aha. Ex: Soomali maahan; he or she is not Somalian
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahan
(tilmaame) mashquulsan oo maankiisu meel kale ku maqan yahay ah. Nin maahan ayaad la hadlaysaa. Dh: maahsan.
maahan -ta: (magac, dhedig, keli) ma 'aha oo waa wax kale. Mawaad maahanta la haysaa wixii jirab sheeg. Dh: maaha; ma'aha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maahan
a: maaha
de: it is not
lx: maahan
ps: v5a-neg-expr
key: maahan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maahin
(Maahin-ta)
Wax maahsan ka dhigid; (is maahin) qof caqligiisu maqan yahay iska dhigid; is khaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maahin
mąahin: m.f.dh eeg mąahi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof caqligiisu maqan yahay oo mashquulsan iska dhigid. Waar is maahinta iska daa oo na dhegeyso. Dh: khaafin, isyeelycelid, maahis.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maahir
name-f adventurer, explorer
name-m clever, expert, skillful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahir
-ka: (magac, lab, keli) qof ragannimo iyo aqoon dheeriya isku darsaday. Shagadaada nin maahir ah u dhiibo. Dh: fas, waxgarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahis
-ka: (magac, lab, keli) eeg maahin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahu'
-ga: (magac, lab, keli) garaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaray
(fal) si wanaagsan u maamul. Shaqada laguu dhiibo daacad u maaray.
maaray: (fal) daxalee oo wax midhidh yeeshay ka dhig. Billaawaha maaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid. m.f.dh, maarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaree
v. organize, direct, guide (through difficulty ~ danger)
maaree v. rust, make rusty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaree
-yey / maareysay: (v) manage (maanij); handle (handhal); supervise (suuparvaayz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maasay
-da: (magac, dhedig, kei) xigga marka laga shaqeeyo ama la xigo inta miiqyada la nadiifiyay ah ee xadhkaha laga sooho. Maasay aan wadhaf ka sameeyo ii keen. Dh: masay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maayay
(fal) heesta ugaadha ku hees. Haddaad hal'abuur tahay maayay Dh: hees, maayee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maceey
f. n. sweetie!, sweety!
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MACEEY
(Maey) S Crotalaria comanestiana Volk. & Schwein. Papilionaceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maceey
de: sweetie!, sweety! {S}
lx: maceey
ps: np-f-voc
key: maceey
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mâcher
mâcher, v. - Calaalid; Raamsi (cunto calaalin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malley
-ga: (magac, lab, keli) xayawaan biyaha ku nool oo jaadad badan leh oo ka neefsada waafyo. Cad wanaagsan weeyee cuna malleyga. Dh: kalluun, mallaay.