ma nabad baa?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ma nabad baa?
greeting: how are you?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ma_nabad_baa?
de: how are you? Lit: Is it peace?; Answer: Waa nabad. 'I'm fine' [lit: It is peace]
lx: ma nabad baa?
ps: greeting
key: ma_nabad_baa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabdaaddiyid
(Nabdaaddiyid-da)
Cid ma nabad baa? ku dhihid; salaamid; gacanqaadid; gacansaarid; bariidin; nabdaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weeye
1. Erey dadka warramaya lagaga warguro; waa tahay; haye; kow.
2. Sidee la yahay? Maxaa la sheegay? iska warrama; ma nabad baa?.
3. Wuxuu la macne yahay waa (waxayse ku kala duwan yihiin, weeye ereyga ama hadalka ay weheliso waa ka dabadhacdaa, sida: Cali weeye - waa Cali; wiil wanaagsan weeye - waa wiil wanaagsan; ...).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adeer
m.l (-rro, m.dh) 1. Nin waxa uu u yahay ilmaha walaalkii dhalay. 2. Hab xurmo leh oo qof da'weyn loogu yeero. Tusaale: Adeer Axmed, ma nabad baa?. 3. (u.j) adeerow! 4. (u.j) wiilka aan adeerka u ahayow!; gabadha aan adeerka u ahayey!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waa_nabad
de: I'm fine! Lit: It is peace; Answer to greeting: Ma nabad baa? (q.v.)
initial: w
lx: waa nabad
ps: expr
key: waa_nabad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ma ... baa?
question word, [expression] YES-NO QUESTION
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ma habayaal
Impermeable rocks, Impervious rocks
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka badbadi
v. exaggerate, blow out of proportion, make a big deal of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
martabaday
(fal) derejo iyo mansib u yeel. Ninku soddon sanuu askari yahaye martabaday. Dh: martabadee.
martabaday: (fal) maamuus iyo xushmayn u samee Macallinkaaga martabaday: Dh: martabadee, xushmee, maamuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadnabbaab
(Wadnabbaab-ka)
Liidaanyo; laqanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnabbaab
wadnabbaab¹: m.l Dhicid iyo miyirdoorsan yar oo tabarxumo ama dhiigyaridu sababto.
wadnabbaab²: f.mg1 (-bay, -btay) Baahi ama tabar yaro darteed la diidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wadnabbaab
wadnabbaab¹: m.l Dhicid iyo miyirdoorsan yar oo tabarxumo ama dhiigyaridu sababto.
wadnabbaab²: f.mg1 (-bay, -btay) Baahi ama tabar yaro darteed la diidid. m.f.dh, wadnabbaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadnabbaab
m. n. feeling of extreme weakness and dizziness
wadnabbaab [inchoative] v. feel extremely weak and dizzy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnabbaab
-ka: (magac, lab, keli) tamardaro xaga wadnaha ah. Odaygii jaarku wadnabbaab ayuu u dhintay. Dh: wadnaxanuun.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Bannaan bax
Manifestazione
Manifestation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanawadaag
-ga: (magac, lab, keli) in qof ka badan, caano ku wada dhamid. Dh: hoobsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) tirabadnaan; wax aad u badan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaal baah
m.l (fiisikis) Baahidda ama qalloocsanka hirar, marka ay dhexmarayaan dalool ama la laabmayaan wareegga geftinka oodan ama hor-joogsi sida derbi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaal baah
m.l (fiisikis) Baahidda ama qalloocsanka hirar, marka ay dhexmarayaan dalool ama la laabmayaan wareegga geftinka oodan ama hor-joogsi sida derbi.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gadaal baah
Diffraction
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka dabadhac
v. follow someone; keep going after someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxadkaan
-ta: (magac, dhedig, keli) keni adkaan oo wax tiisa mooyee ta dadka aan maqlin ahaan. Ilmaha madaxadkaanta waa laga waaniyaa. Dh: madax'adayg, keni'adkaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mala'abbaar
(Mala'abbaar-ka)
Mala'awaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mala'abbaar
-ka: (magac, lab, keli) malayn la saadaaliyo sida ay wax noqon doonaan xilliga soo socda. Mala'abbaar ayaa shinnida la waydiiyaa. Dh: male, saadal, odoros, mala'awaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mala-abbaar
mala-abbaar¹: m.l Mala'awaal.
mala-abbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax mala'awaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mala-abbaar
f.g1 (-ray, -rtay) Wax mala'awaalid. m.f.dh, mala-abbaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mala-abbaar
m. n. estimate, conjecture, supposition; hypothesis
mala-abbaar v. guess, suppose
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Malqabad-da
fichu (porté par les femmes).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manaafacaad
manaafacaad¹: m.l Waxtarka iyo faa'iidada wax leeyihiin.
manaafacaad²: f.mg3 (-day, -dday) Ku m.: wax ka faa'iideysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
manaafacaad
manaafacaad¹: m.l Waxtarka iyo faa'iidada wax leeyihiin.
manaafacaad²: f.mg3 (-day, -dday) Ku m.: wax ka faa'iideysasho. m.f.dh, manaafacaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
manaafacaad
m. n. benefit, profit, advantage, usefulness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
manaafacaad
-ka: (n) (Plural of manfac -a] uses (yuusis); usefulness (yuusfuulnes); benefits (ban e fitis); beneficial uses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manaafacaad
-ka: (magac, lab, keli) waxtar iyo faa'iido. Dh: nafci, manaaficaad. Li: khasaare, dhib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
manaafacaad
de: benefit, profit, advantage, usefulness
lx: manaafacaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: manaafacaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
martabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) derejo iyo mansib siin. Martabadaynta askartu waa sida ay u kala mudan yihiin.
martabadayn -ta: (magac, dhedig, keli) ixtiraamid iyo xushmayn. Waalidku martabadaynta ayuu ku wanaagsan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
martabadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg martabadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masabidnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la masabiday oo dembi ay galin la saaray ahaan. Dh: masabidnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danabaysnaan
m.f.dh eeg danabaysan. la-mid: danabaysnaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danabaysnaan
m.f.dh eeg danabaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la danabeeyey oo shuxnad kooraan loo yeelay ahaan. Saqafta kolka lagu feedho danabaysnaan ayaa laga dareemaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maala'abbaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg mala'awaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maala-abbaar
m.l Mala'awal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardaddabaan
(Mardaddabaan-ka)
Qof mardabo badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardaddabaan
m.l la-mid: mardabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardaddabaan
m. n. treacherous person; trouble-maker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardaddabaan
-ka: (magac, lab, keli) qof khiyaamo iyo xeelad ku nool. Dh: khaa'in, khaatil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardaddabaan
de: treacherous person; trouble-maker
lx: mardaddabaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mardaddabaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaabaxnaan
m.dh la-mid: masaamaxnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaabaxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) saamaxnaan oo dembi ka cafisnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masabiditaan
-ka: (magac, lab, keli) masabidid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
markab-dagaal
(n) warship (woor-ship)