m.d.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
M.D.
/em-dhii/ (abbr) takhtar caafimaad. (Doctor of Medicine oo lasoo gaabiyey).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ATP
m.dh (kiimika) Iskudhis orgaanika ah oo ka kooban adaniin ribows iyo saddex kooxood oo foosfeyt aan orgaanik ahayn. ATP-du waa niyukliyotaydh. Waxaanay mas'uul ka tahay inay tamarta si ku meel gaadh ah u keydiso intay socoto neefsashada unuggu. Waxay ka samaysantay ADP lagu daray foosfeyt saddexaad taas oo keydisa tamar soona saarta marka looga baahdo dariiqad kale oo dheef samayneed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
RNA
m.dh (baayoloji) Iskudhis kakan oo orgaanik ah. Lagana helo unugyada nool kaas oo saameeya samayska borotiin. Fayrasyada qaarkood, RNAdu waxa kale oo ay u tahay walax hiddo side.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Soomaali
Soomaali¹: m.l.kh Luqadda Soomaalida u gaarka ah.
Soomaali²: m.dh Dadka Soomaaliya deggen ama ku hadla af-Soomaaliga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Soomaalinnimo
m.dh Soomaali ahansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabbannimo
m.dh Aabbe ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabbe
m.l (aabbayaal, m.l/m.dh) 1. Nin ubad dhalay. 2. (u.j) Aabbow! Wiilkaygiyow! la-mid: aabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabbur
aabbur¹: m.l (aabburro, m.dh) Weel yar, wax lagu shuban karo, oo dhiilaha, haamaha iyo wixi lamida afka lagaga xiro.
aabbur²: f.g1 (aabburay, aabburtay) Dhiil, haan iyo wixi lamida weel yar oo wax lagu shuban karo afka kaga xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabonimo
m.dh (siyaasad) Mowqifka dawlad, ama mujtamac kale ku muujinayaan in ay go'aan kasta u sameeyaan dadka ay mas'uulka ka yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aad
aad: mu.dhm.y Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha ama wax loo qoraha). “Ninka aad la hadashay waa walaalkay”. la-mid: aa², aydin.
ąad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Isku ąa. cayaar: isku beegnaan cayaar. 2. la-mid: aadid.
ąad²: m.dh.fk (-dyo, m.l) 1. Isku beegnaanta laba meelood ama shay. 2. Badan, si daran. 3. A. yar: la-mid: aayar.
ąad³: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid. 2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid. 3. (f.mg) Ku ąa.: cunto cabid iyo wixi lamida cid ku filnaan. 4. (f.mg) Ku ąa.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid. 5. (f.mg) Ku ąa.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadaab
m.dh 1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay. 2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadaminnimo
aadaminnimo¹: m.dh Aadami ahaansho. la-mid: aadminnimo.
aadaminnimo²: m.dh 1. (fals.) Isku taxluujin ku xiran danaha aadamiga, anshaxiisa iyo barashadiisa. 2. (fals.) Dhaqanka qorista (qarnigii 14aad ilaa iyo kii 16aad ee ku saleysan barashada Giriigga iyo Roomaaniyiintii hore).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddamid
m.dh la-mid: aadaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadeer
m.dh la-mid: adeeryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadin
m.dh la-mid: aaddin.

aadminnimo
m.dh la-mid: aadaminnimo¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadsiin
m.dh la-mid: aaddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadyar
m.dh.fk la-mid: aayar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaf
m.dh.u Meel la deggenyahay ama ceel agagaarkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafayn
m.dh eeg aafee. la-mid: aafeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
A.D.
/ey-dii/ (abbr) harfy laha gaabiyi oo ing teeghyng: Anno Domino oo Laatin eh. way lyng etheegsytheeyi naby lisy dhalyshithis ku reed.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
M.A.
/em eey/ (abbr) shahaadada mastareydka qaybta adabka (Master of Arts oo la soo gaabiyey).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
M.S.
/em-es/ msc.(abbr) shahaadada mastareeydka oo lugu sameeyo qayb cilmi ah (Master of science).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
Ph.D.
/pii-eyj-dhii/ (abbr) shahaadada ugu sarraysa jaamacadda ~ 'doctor of philosophy' oo la soo gaabiyey.