ereyga

m.a.

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

M.A.

DHAN

/em eey/ (abbr) shahaadada mastareydka qaybta adabka (Master of Arts oo la soo gaabiyey).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caarid

DHAABAN
1

caarid¹: m.dh la-mid: caar¹.

2

caarid²: m.dh (-dyo, m.dh) (juqraafi) Hirar waa tallantaaliga kicitaanka iyo dhicitaanka ee badda dusheeda, kaas oo dhaca ugu dhawaan maalintii labo jeer waxaana sababa cufisjiidadka dayaxa iyo ka qorraxda oo isna si kan yar u sababa. Badweynnada furan, faraqa u dhexeeya heerarka hirarka sare iyo hirarka gaaban wuxuu ka yaryahay 1 m, laakin badaha gunta gaaban ee qaaradaha saaran faraqu wuxuu gaarayaa in ka badan 6 m, gacannada dhuuban ee hirarka leh waxaa dhici karta faraqu inuu gaaro 15 m ama ka badan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dabar-lammaan

DHAABAN

m.l (-rro ..., m.dh) (kiimika) Dabar elektaroon, wadaag ah oo isku haya laba atam kaas oo ka kooban laba lammaane elektaroon oo hal lammaane u dhigmo dabar keliya (lammaanaha sigma) kan kalena sa)m. aynaayo dabar dheeraad ah (dabarka bay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhama'

DHAABAN
1

dhama'¹: m.l 1. Dayow ka dhasha gaajo iyo harraad. 2. la-mid: dham'id. la-mid: dala'¹.

2

dhama'²: f.mg1 (-m'ay, -ma'day; -m'i) Gaajo iyo harraad la dayoobid. la-mid: dala'².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gama'

DHAABAN
1

gama'¹: m.l 1. Gelidda la galo hurdo. 2. la-mid: gam'id.

2

gama'²: f.mg1 (-m'ay, -ma'day; -m'i) Hurdo gelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maaddi

DHAABAN
1

maaddi¹: m.l.kh M. ah: qof lacagta, xoolaha aad u jecel oo dantiisa wax kasta ka hormariya.

2

maaddi²: m.l.kh (fiisikis) M. ah: tibix la cabbiri karo ama qiimaheeda xisaabeed la soo saari karo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maalooti

DHAABAN

m.l 1. la-mid: magallooti (3) Si daran wax u laaya (bahal ama geesi); aan biqin; dhiigyacab. 2. M. ah: qof waxmatara ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maandow

DHAABAN
1

maandow¹: m.l.kh M. ah: qof gabow awgiis wax la kala garan waayey.

2

maandow²: f.mg1 (-ay, -day) Gabow awgiis wax la kala garan waayid (qof).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maangal

DHAABAN

m.l.kh M. ah: hadal caqligu oggolyahay, caqliggal, suurtaggal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maarso

DHAABAN
1

maarso¹: m.dh Bisha saddexaad ee sannadka miilaadiga ah.

2

maarso²: f.mg3 (-saday, -satay) 1. Ka m.: arrin falkeeda ka cabsasho; biqid. 2. Ka m.: wax fursasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

macangag

DHAABAN
1

macangag¹: m.l.kh M. ah: qof aan waxba laga dhaadhicin karin.

2

macangag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku m.: arrin diididdeeda ama fulinteeda ama aad ugu adkeysasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

macduun

DHAABAN

m.l M. ah: wax helitaankiisu dhif iyo naadir ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

macduur

DHAABAN

m.l.kh (dii.) M. ah: qof waajib uu gudan lahaa ka baaqdo cudurdaar awgii; marmarsiinyo haysto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

macquul

DHAABAN

m.l.kh M. ah: wax suurta gal ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

macruuf

DHAABAN

m.l 1. Ixsaan; wanaag; samafal. 2. (- fyo/-caariif, m.dh) M. ah: qof aad loo yaqaan, caan. 3. la-mid: macriifo. Xiriir aan saaxiibnimo gaarsiisnayn oo cid ka dhexeysa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

macsaro

DHAABAN

m.dh 1. Saliid m. ah: saliid sisin lagu sameeyay. 2. la-mid: macsarad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

madluun

DHAABAN
1

madluun¹: m.l 1. M. ah: qof niyad xun oo aan raalli ahayn. 2. Qof la dulmiyey. 3. la-mid: madluumid.

2

madluun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay; -uumi) Qof niyad xun oo aan raalli ahayn noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

magaag

DHAABAN
1

magaag¹: m.l 1. Jirro dadka ku dhacda oo ka timaaddo nafaqo xoolaad la'aan. 2. M. ah: faras aan la jarabarin. 3. la-mid: magaagid.

2

magaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Nafaqo xoolaad la'aan darteed la jirrasho. 2. Iska m.: laf feenasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

magguuraan

DHAABAN

m.l 1. M. ah: astaan ama wax kale oo jiritaankooda aanu tirmin. 2. Hantida aan socon karin sida beeraha, guryaha iyo wixi lamida. la-mid: magguure.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

magguurto

DHAABAN

m.dh 1. Hanti m. ah: hanti aan guurguurin oo deynta lagu qaadan karo, sida beeraha guryaha iyo wixi lamida. 2. Dad si joogto ah meel u deggan oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

magoog

DHAABAN
1

magoog¹: m.l 1. Tacabka beeraha. 2. M. ah: geed har weyn leh geed-saar ka dulbaxay. 3. Qof aan waxtar lahayn. 4. la-mid: magoogid.

2

magoog²: f.g1 (-gay, -gtay) Daash, geed iyo wixi lamida har u yeelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

B.A.

DHAFANDHAAF

/bii ey/ (abbr) shahaado jaamacadeed oo lugu qaato adabka (arts) ama cilmiga bulshada. e.g. He took a B.A. in languages.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

D.A.

DHAFANDHAAF

/dhii-ey/ (n) xeer-ilaaliyaha degmada (District Attorney, oo la so gaabiyey).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

M.D.

DHAFANDHAAF

/em-dhii/ (abbr) takhtar caafimaad. (Doctor of Medicine oo lasoo gaabiyey).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

M.S.

DHAFANDHAAF

/em-es/ msc.(abbr) shahaadada mastareeydka oo lugu sameeyo qayb cilmi ah (Master of science).

waa la naqliyay ✓