m,m
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
M,m
/em/ 1. xarafka saddex iyo tobnaad ee alifbeetada ingiriiska 2. 'meter' oo la soo gaabiyey (mitir ~ halbeegga dhererka).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaliki
maaliki¹: m.l (dii.) Qofka mad'habta maalikiyada haysta; maalikiyadu waxay ka midtahay afarta mad'habood oo waa weyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Maalik (715-795 M.).
maaliki²: m.dh (dii.) Afarta mad-habood oo waaweyn ee diinta Islaanka mid ka mid ah.

macaash
macaash¹: m.l 1. Faa'iidada laga helo badeeco la gaday. 2. Badeeco.
macaash²: f.g1 (-shay, -shtay) Ka m.: macaash ka helid; faa'idid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiir
majiir¹: m.l la-mid: majiirid.
majiir²: m.l (-rro, m.dh) 1. Dib u celinta wax ama arrin soconayey gadaal loo celiyo. 2. (-rro, dh.) Suunka dhanka hoose ee kooraha ka lusha oo caloosha faraska looga xiro.
majiir³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax jahada uu u socday ka weecin. 2. Maro qoyan majuujin si biyuhu ugu daataan. 3. Is m.: wax socda dhankii uu ka yimid isla markiiba ku noqosho. 4. Isku m.: meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqiiq
maqiiq¹: m.l la-mid: maqiiqid.
maqiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Ku m.: meel xoog ku jiirsiin (wax). 2. Ku m.: wax wax kale si xoog leh ugu tuurid. 3. Isku m.: si gabbasho la'aan ah oo dagaal ku jiro cid isugu taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matatari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xoolo muquuno ah cid siin. 2. Nafley meel aan laga arki karin gelin. 3. Isku m.: meel ciriiri ah si dhib iyo xoog leh ku dhexgelin (nafley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mawjad
mawjad¹: m.dh (-do, m.l) 1. Dhaqdhaqaaqa biyuhu sameeyaan marka ay dabeeshu ku dhacdo. 2. Qulqul baahsan, xiriir ah oo ay samayso korontadu marka hawada lagu sii daayo. la-mid: mowjad, hir.
mawjad²: m.dh (-do, m.l) (juqraafi) Kicidda iyo degista oogada badda, ugu dhowaan laba jeer maalintii, oo uu dhaliyo cufisjiidadka dayaxa iyo xoogga kan qorraxda ah. Oogada badweynta, faraqa u dhexeeya mawjadaha sare iyo kuwa hoose wuu ka yaryahay 1 m.; laakiin badaha godan ee qaaradaha xadka la leh waxaa laga yaabaa inuu ka bato 6 m., mawjadaha afafka dhuuban ee webiyada wuxuu gaadhaa 15 m. ama ka badan. Qulqul mawjadeed: waa u socodka biyaha mawjadda xagga khoori, af-webi, deked, iyo wixi lamida ee fatah mawjadeedka ama dusheeda ama mawjad noqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meer
meer¹: m.l (-rar, m.l) 1. Xarig dheer oo lagu wareejiyo aqal Soomaaliga dadkiisa sare, si aysan dabayshyu u qaadin. 2. la-mid: meerid.
meer²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Socod wareeg ah socosho. 2. Ku m.: xarig wax ku xirid. 3. Ku m.: maal, derejo iyo wixi lamida cid kale ku wareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadso
f.mg3 (-saday, -satay) Soo m.: muraad qunsasho; danaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muud
muud¹: m.l la-mid: muudid.
muud²: m.l (-do, m.dh) (baayoloji) Dareere hurdi-caddaan saafiya ah, kaasi oo soo hadha marka dhiiggu xinjiroobo kaddib, badanaana wuxuu ka kooban yahay balaasmo aan lahayn wakiillada xinjirowga dhiigga.
muud³: f.mg1 (-day, -dday) 1. Si dhuumasho ama qarsoodi ah kayn ama biyo dhexdood u marid. 2. Ka m.: biyo, kayn iyo wixi lamida meeshii laga galay ma'ahee meel kale oo ka fog ka soo bixid. 3. U m.: meel si qarsoodi ah u aadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maaliki
maaliki¹: m.l (dii.) Qofka mad'habta maalikiyada haysta; maalikiyadu waxay ka midtahay afarta mad'habood oo waa weyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Maalik (715-795 M.).
maaliki²: m.dh (dii.) Afarta mad-habood oo waaweyn ee diinta Islaanka mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macaash
macaash¹: m.l 1. Faa'iidada laga helo badeeco la gaday. 2. Badeeco.
macaash²: f.g1 (-shay, -shtay) Ka m.: macaash ka helid; faa'idid. m.f.dh, macaashid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majiir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax jahada uu u socday ka weecin. 2. Maro qoyan majuujin si biyuhu ugu daataan. 3. Is m.: wax socda dhankii uu ka yimid isla markiiba ku noqosho. 4. Isku m.: meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid. m.f.dh, majiirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqiiq
f.mg1 (-qay, -qday) 1. Ku m.: meel xoog ku jiirsiin (wax). 2. Ku m.: wax wax kale si xoog leh ugu tuurid. 3. Isku m.: si gabbasho la'aan ah oo dagaal ku jiro cid isugu taagid. m.f.dh, maqiiqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mawjad
mawjad¹: m.dh (-do, m.l) 1. Dhaqdhaqaaqa biyuhu sameeyaan marka ay dabeeshu ku dhacdo. 2. Qulqul baahsan, xiriir ah oo ay samayso korontadu marka hawada lagu sii daayo. la-mid: mowjad; hir.
mawjad²: m.dh (-do, m.l) (juqraafi) Kicidda iyo degista oogada badda, ugu dhowaan laba jeer maalintii, oo uu dhaliyo cufisjiidadka dayaxa iyo xoogga kan qorraxda ah. Oogada badweynta, faraqa u dhexeeya mawjadaha sare iyo kuwa hoose wuu ka yaryahay 1 m.; laakiin badaha godan ee qaaradaha xadka la leh waxaa laga yaabaa inuu ka bato 6 m., mawjadaha afafka dhuuban ee webiyada wuxuu gaadhaa 15 m. ama ka badan. Qulqul mawjadeed: waa u socodka biyaha mawjadda xagga khoori, af-webi, deked, iyo wixi lamida ee fatah mawjadeedka ama dusheeda ama mawjad noqdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meer
meer¹: m.l (-rar, m.l) 1. Xarig dheer oo lagu wareejiyo aqal Soomaaliga dadkiisa sare, si aysan dabayshyu u qaadin.
meer²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Socod wareeg ah socosho. 2. Ku m.: xarig wax ku xirid. 3. Ku m.: maal, derejo iyo wixi lamida cid kale ku wareegid. m.f.dh, meerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muraadso
f.mg3 (-saday, -satay) Soo m.: muraad qunsasho; danaysasho. m.f.dh, muraadsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muud
muud¹: m.l (-do, m.dh) (baay.) Dareere hurdi-caddaan saafiya ah, kaasi oo soo hadha marka dhiiggu xinjiroobo kaddib, badanaana wuxuu ka kooban yahay balaasmo aan lahayn wakiillada xinjirowga dhiigga.
muud²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Si dhuumasho ama qarsoodi ah kayn ama biyo dhexdood u marid. 2. Ka m.: biyo, kayn iyo wixi lamida meeshii laga galay ma'ahee meel kale oo ka fog ka soo bixid. 3. U m.: meel si qarsoodi ah u aadid. m.f.dh, muudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buur
f. n./m: mountain, bare-topped hill
buur v. make a mountainous object; enlarge; bundle up
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subax
f. n./m: morning
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
anorexia
(n) (m) marked deviation from the normal standard.
ka leexashada habka toosnaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mam
f.mg1 (-may, -mtay) Wax isticmaalkooda caadeeysasho. la-mid: mab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mam
f.mg1 (-may, -mtay) Wax isticmaalkooda caadeeysasho. m.f.dh, mamid. la-mid: mab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mam
(fal) meel ad wax ku baratay ku walaf oo mar walba ku noqnoqo: u baro. Wanaagga kolka lagu tuso ku dheg oo ku mam.
mam-ka: (magac, lab, keli) caado ah in qofkut waxa uu mar qudha dhadhansho uu ku noqnoqdo si joogto ah oo uu mar walba doono. Mamka ad cuntada ku mamtay cilmi u beddel.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mom
/mom/ (ame) mum (bre);(n) hooyo (mother oo la soo gaabiyey).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mum
/mam/ (n) hooyo.