luudniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg luuditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudniin
-ka: (magac, lab, keli) fuudidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuditaan
-ka: (magac, lab, keli) socod qunyar ah, luudid ku socosho. Dh: luudniin,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhniin
-ka: (magac, lab, keli) quudhitaanka laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luudin
(Luudin-ta)
Si tabar yar u socodsiin; aayar wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luudin
m.f.dh eeg luudi². la-mid: luudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod tallaabo yar oo itaaldarro ka muuqato cid kale aayar u wadid oo socodsiin. Saca luudin baan ku soo hooyay. Dh: tukubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudniin
(Gudniin-ka)
Wax gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudniin
m.l la-mid: gudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudniin
vl. n. act of circumcision ~ clitorectomy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gudniin
-ka: (n) circumcision (ser kom sishiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudniin
-ka: (magac, lab, keli) qof kale, baaro ka goyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudniin
cf: beejo ~ buuryo (male); kintir (female)
de: act of circumcision ~ clitorectomy
lx: gudniin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gudniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gudniin
ختان
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladniin
-ka: (magac, lab, keli) «isku ~» isku ladidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ledniin
-ka: (magac, lab, keli) si raaxo leh u seexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulniin
m.l la-mid: lulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lunniin
-ka: (magac, lab, keli) lumitaanka iyo habaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudniin
m.l la-mid: mudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudniin
-ka: (magac, lab, keli) turqanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurniin
-ka: (magac, lab, keli) buuritaan ku samayn. Buurniin kama muuqdo wiilka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsiin
m.dh la-mid: duudsiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuudsiin
(Fuudsiin-ta)
Fuud cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsiin
m.f.dh eeg fuudsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, fuud dhansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulniin
-ka: (magac, lab, keli) koritaanka meel sare. Dh: fuulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuurniin
-ka: (magac, lab, keli) wax dibbiraad ama neef buuxisay kolkuu dhintay ahaan. Dh: fuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg laaditaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liidniin
vl. n. humiliation, contempt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liidniin
-ka: (n) humiliation (hiyumiliyeey-shin); degradation ~ liidid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liidniin
de: humiliation, contempt
lx: liidniin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: liidniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudsiin
m.dh la-mid: muursiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qarsoodi u saarid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuxniin
-ka: (n) epilepsy (eptt-lap-si), fainting (feeynting)', convulsive seizures ~ qallaal, suuxdin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugniin
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, baryitaan: dadka gacanta hoos dhigitaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuurniin
tuurniin: m.l la-mid: tuurid.
tųurniin: m.l la-mid: tųurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuubniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg yuubni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuucniin
-ka: (magac, lab, keli) yuucitaanka laftiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuusniin
-ka: (magac, lab, keli) yuusidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) fuud cabsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuqniin
-ka: (magac, lab, keli) 'xoolo' shuuqitaankooda laftiisa.
shuuqniin -ka: (magac, lab, keli) 'dheecaan shuuqitaankiisa laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luudi
(Luudi-ga)
Kal yar oo bir ah oo wax lagu tumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luudi
luudi¹: m.l (-iyo, m.dh) Kal yar oo bir ah oo lagu tumo geedaha shaaha lagu darsado iyo bunka.
luudi²: f.g2 (-iyay, -isay) Wax tartiib u wadid; si tabar yar u socodsiin (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luudi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax tartiib u wadid; si tabar yar u socodsiin (qof). m.f.dh, luudin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luudi
v. lead gently ~ slowly, accompany, help someone walk
luudi m. n. implement for mashing food; small iron pestle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luudi
-yey I say: (v) help someone to walk slowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudi
(fal) socod tallaabo yar oo itaaldarro ka muuqato cid kale aayar u socodsii. Luudi neefku wuu bukaaye. Dh: tukubi.
luudi -ga: (magac, lab, keli) qof debedda looga tego.
luudi -ga: (magac, lab, keli) kal yar oo bir ah oo wax lagu tumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuudin
(Cuudin-ta)
Cuud u shidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuudin
m.f.dh eeg cuudi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) masaajid, aqal iyo wixii la mid ah, cuud u shidid oo udgoon ka dhigid. Dh: cuudis.
cuudin-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) duulal, ardooyin, quruumo iyo wixii la mid ah, ka shidid, ka bidin; ka cuudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudin
m.f.dh eeg duudi. la-mid: duudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudin
m.f.dh eeg fuudi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luudid
(Luudid-da)
Si tabar yar u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luudid
m.f.dh eeg luud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudid
-da: (magac, dhedig, keli) socod tallaabo yar oo itaaldarro ka muuqato socosho. Dh: tukubid, luudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luudis
m.l la-mid: luudin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudis
-ka: (magac, lab, keli) cid kale aayar u tukubin. Dh: luudin.
luudis -ta: (magac, dhedig, keli) aayar u tukubid. Dh: luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luulin
m.f.dh eeg luuli².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luuqin
(Luuqin-ta)
Hees ama wax la mid ah, luuq u yeelid. ku qaadid; luuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luuqin
m.dh la-mid: luuqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuqin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) hees ama wax la mid ah, luuq u yeelid; hees ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudin
m.f.dh eeg muudi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudin
-ta: (magac, dhedig, keli) si qarsoodi ah saarid; kayn jiq ah si qarsoodi ah uga dhex dusin.
muudin-ta: (magac, dhedig, keli) muud ka keen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuunin
m.f.dh eeg nuuni. la-mid: nuunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quudin
(Quudin-ta)
Quud siin; dheefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudin
m.f.dh eeg quudi. la-mid: quudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid baahan cuntaysiin, quud siin. Dh: dheefin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuniin
vl. n. hammering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuniin
de: hammering
initial: t
lx: tuniin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: tuniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuudin
m.f.dh eeg tuudi. la-mid: tuudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tuumin; tuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg ugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg uritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadniin
-ka: (magac, lab, keli) meel ka dhaqaaqid oo tu kale u socdaalid. Dh: aadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidniin
-ka: (magac, lab, keli) bididitaanka wax aanad hubin. Bidniin wax kuma qiyaasi kartid.
bidniin -ka: (magac, lab, keli) noole ama wax baad leh bididitaankiisa. Bidniin markay kari weyday bay shimburtu geedka ku degtay Dh: duulniin, lalniin, haadniin.
bidniin -ka: (magac, lab, keli) rifmitaanka timaha. Bidniinkii wuu ka joogsaday timihii gabadha, Dh: rifniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg bulitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhin
m.f.dh eeg buudhi. la-mid: buudhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaalin geel ah oo u baahata awr abaahiya. Buudhinta qaalintu barwaagadii baasha ka orgootay. Dh: buudhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg cubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufniin
-ka: (magac, lab, keli) meel gufayn.
cufniin -ka: (magac, lab, keli) walax, adkayn oo wax cufan ka yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg culliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunniin
m.l God, dab iyo wixi lamida ciid ku aasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunniin
-ka: (magac, lab, keli) cunitaanka laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: duudsi³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedniin
-ka: (magac, dhedig, keli) gef aad geysatay, midhihiisa khadhaadh u ayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidniin
-ka: (magac, lab, keli) fiditaanka iyo baahista war iyo wax la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqniin
-ka: (magac, lab, keli) fuqidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furniin
m.l la-mid: furid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furniin
vl. n. divorce; act of opening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furniin
-ka: (n) legal dissolution of a marriage: divorce (divoorsi) ~ furitaan, furriin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furniin
a: furriin
de: divorce; act of opening
lx: furniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: furniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) fuudh ku cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley maraq cabsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuudsii
v.caus: give someone broth to sip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudsii
(fal) fuud, waraabi oo raqsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuudsii
de: give s.o. broth to sip
lx: fuudsii
pd: (fuudsiiyey)
ps: v2a=caus
key: fuudsii
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
godniin
-ka: (n) the act of curving, bending or forming an arc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubniin
(Gubniin-ka)
1. Wax gubid.
2. Saamayska gubashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubniin
m.l la-mid: gubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubniin
vl. n. act of burning ~ setting fire to