luudi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luudi
(Luudi-ga)
Kal yar oo bir ah oo wax lagu tumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luudi
luudi¹: m.l (-iyo, m.dh) Kal yar oo bir ah oo lagu tumo geedaha shaaha lagu darsado iyo bunka.
luudi²: f.g2 (-iyay, -isay) Wax tartiib u wadid; si tabar yar u socodsiin (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luudi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax tartiib u wadid; si tabar yar u socodsiin (qof). m.f.dh, luudin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luudi
v. lead gently ~ slowly, accompany, help someone walk
luudi m. n. implement for mashing food; small iron pestle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luudi
-yey I say: (v) help someone to walk slowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudi
(fal) socod tallaabo yar oo itaaldarro ka muuqato cid kale aayar u socodsii. Luudi neefku wuu bukaaye. Dh: tukubi.
luudi -ga: (magac, lab, keli) qof debedda looga tego.
luudi -ga: (magac, lab, keli) kal yar oo bir ah oo wax lagu tumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luudid
(Luudid-da)
Si tabar yar u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luudid
m.f.dh eeg luud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudid
-da: (magac, dhedig, keli) socod tallaabo yar oo itaaldarro ka muuqato socosho. Dh: tukubid, luudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luudin
(Luudin-ta)
Si tabar yar u socodsiin; aayar wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luudin
m.f.dh eeg luudi². la-mid: luudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod tallaabo yar oo itaaldarro ka muuqato cid kale aayar u wadid oo socodsiin. Saca luudin baan ku soo hooyay. Dh: tukubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luudis
m.l la-mid: luudin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudis
-ka: (magac, lab, keli) cid kale aayar u tukubin. Dh: luudin.
luudis -ta: (magac, dhedig, keli) aayar u tukubid. Dh: luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luud
f.mg1 (-day, -dday) Tabardarro awgeed tartiib u socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luud
f.mg1 (-day, -dday) Tabardarro awgeed tartiib u socosho. m.f.dh, luudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luud
v. walk feebly ~ weakly, totter
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Luud
name-m hidden; Lut; Prophet in the holy Qur'an
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luud
-ay / day: (v) move or walk heavily; plod (paloodh) ~ tukub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luud
(fal) socod tallaabo yar oo itaaldarro ka muuqato soco; si tabaryari ah u soco. Dh: tukub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luud
de: walk feebly ~ weakly, totter
lx: luud
pd: (luuday)
ps: v1=intr
syn: huddan
key: luud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudi
-da: (magac, dhedig, keli) halqabsi loola jeedo marka hore, shey waliba billawgiisa.
buudi -ga: (magac, lab, keli) qofka diinta buudiyada haysta. Dallaylaama waa buudi wuxuna u dhashay dalka Niibbaaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuudi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax, meel cuud ku udgin. 2. (f.mg) Ka c.: cid rooxnaan, dhir udgoon uga shidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuudi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax, meel cuud ku udgin. 2. (f.mg) Ka c.: cid rooxnaan, dhir udgoon uga shidid. m.f.dh, cuudin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuudi
v. burn incense, perfume with incense
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuudi
-yey / say: (v) incense with aromatic gum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuudi
(fal) (ka ~) cuud u shid oo duulal, ardooyin, quruumo iyo wixii la mid ah ka shid, ka buufi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuudi
de: burn incense, perfume with incense
lx: cuudi
pd: (cuudiyey)
ps: v2a=
key: cuudi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Weel biyo yar oo salkiisa ku haray ka shubid. 2. Lafo heen ka bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duudi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Weel biyo yar oo salkiisa ku haray ka shubid. 2. Lafo heen ka bixin. m.f.dh, duudin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duudi
(fal) weel biyo yar oo salkiisa ku haray ka shubid.
duudi: (fal) lafo heen ka bixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudi
f.mg2 (-iyay, -isay) U f.: cunto jilicsan si tartiib ah cid u siin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lundi
lundi, n.m. - maalinta Isniinta; Isniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luuli
(Luuli-ga)
Qurux, xarrago, mardaaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luuli
luuli¹: m.l.kh Luuli ah: qurux, xarrago.
luuli²: f.g2 (luuliyay, luulisay) Xarig giijin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luuli
m. n., [abstract] beauty, splendor, elegance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuli
-ga: (magac, lab, keli) wax la jeclaysto oo fiican. Dh: qurux, xarrago, mardaaddi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luuli
cf: mardaaddi, qurux, xarrago
de: beauty, splendor, elegance
lx: luuli
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: luuli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luuqi
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: luuqee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luuqi
v. intone (a poem), chant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuqi
-da: (magac, dhedig, keli) hees ama wax kale ku luqayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luuqi
a: luuqee
de: intone (a poem), chant
lx: luuqi
pd: (luuqiyey)
ps: v2a=
key: luuqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudi
f.g2 (-iyay, -isay) Biyo, kayn iyo wixi lamida wax dhex marin, iyadoo aan la arkayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudi
(fal) muud ka keen. Aalaha muudi oo eeg inuu macaan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley cunto siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quudi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley cunto siin. m.f.dh, quudin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quudi
v. feed, nourish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quudi
-yey / say: (v) feed (fiidh); provide food or nourishment; cook for.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudi
(fal) quud sii, cunto sii. Ardayga quudi inta uu dugsiga dhammaynayo. Dh: dheefi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quudi
de: feed, nourish
lx: quudi
pd: (quudiyey)
ps: v2a=tr
key: quudi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suudi
(Suudi-ga)
Kulaylka qorraxda; milic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suudi
m.l Kul aad u badan oo qorraxeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suudi
m. n. heat of the sun
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Suudi
name-m heat of the sun. Lit: born during the height of a heat wave
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suudi
-ga: (n) solar heat; midday sun heat ~ milic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Suudi
magac loo baxsho wiil dhashay xilli ay cadceedu kululayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suudi
-ga: (magac, lab, keli) kulaylka qorraxda waqtiga duhurka ah. Suudiga ayaad dhex socotaaye maanad lafahaaga u baqanayn. Dh: milic.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suudi
de: heat of the sun
initial: s
lx: suudi
pd: (-ga)
ps: n-m
syn: milic
key: suudi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuudi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hal la rabo in la ogaado in ay rimantahay foori ugu yeerid. 2. Laf heen ka bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuudi
(fal) wax meel ku tuur. Dh: tuumi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xuudi
nickname; name-m whale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huddamid
(Huddamid-da)
Socod tabar yar socosho; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiitamid
(Jiitamid-da)
1. Wax aan toos u socona hayne la jiida hayo.
2. Dabasocod culus; cagajiid; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiicid
(Tiicid-da)
Liicid; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Socod si kala dambayn ah qofba mar u yimaado. 2. H. ah: dad si kala dambaysa qofba mar u yimaado. 3. Daal ama gaajo la luudidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadeec
hadeec¹: m.l Socod luudid ah oo nafley aad u tamar yari socoto. la-mid: hudeec¹.
hadeec²: f.mg1 (-cay, -cday) Nafley aad u tamar yar luudid. la-mid: hudeec².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heec
heec¹: m.l Itaaldarro ka muuqata dad ama xoolo ay baahi, cudur, iyo wixi lamida hayso.
heec²: f.mg1 (-cay, -cday) Dad ama xoolo, itaal darro awgeed la luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitiqi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley hitiq u socodsiin; luudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huddan
huddan¹: m.l Socod tabar darro ku jirto.
huddan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Socod tabar yar socosho; luudid.
huddan³: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la huday ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiici
f.g2 (-iyay, -isay) Cid luudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukub
tukub¹: m.l la-mid: tukubid.
tukub²: f.mg1 (-bay, -btay) 1. Nafley socod tartiib iyo tabar yari leh socosho. 2. Ku t.: ul ku luudid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tukub
f.mg1 (-bay, -btay) 1. Nafley socod tartiib iyo tabar yari leh socosho. 2. Ku t.: ul ku luudid. m.f.dh, tukubid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dumbbell
/dhambel/ (n) 1. luudi ama bir labada gees culays is-le'eg ku leh, siiba kuwa jir-dhisidda. (n) 2. doqon.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mince
/mins/ (v) 1. jar-jarid (siiba googooynta hilibka) 2. luudid (aayar u socod).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
plod
/plodh/ (v) 1. luudid (si tartiib ah u socosho) 2. si caga jiid ah u shaqayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shamble
/shaambal/ (v) luudid (si aayar ah oo guur-guurasho ah u socosho).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luudi_1
de: lead gently ~ slowly, accompany, help s.o. walk
hm: 1
lx: luudi
pd: (luudiyey)
ps: v2a=tr
key: luudi_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luudi_2
cf: kal
de: implement for mashing food; small iron pestle
hm: 2
lx: luudi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: luudi_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhi
buudhi¹: m.l Qaalin geel ah isbeddel abaahidoon ah oo xubinteeda taranka ka muuqata.
buudhi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Qaalin geel sabiisheeda barar abaahidoon ka muuqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhi
(fal) qaalin geel ah u baaho abaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuudid
(Cuudid-da)
Cayaarta cuudka cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuudid
m.f.dh eeg cuud².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuudid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta cuudka ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuudin
(Cuudin-ta)
Cuud u shidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuudin
m.f.dh eeg cuudi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) masaajid, aqal iyo wixii la mid ah, cuud u shidid oo udgoon ka dhigid. Dh: cuudis.
cuudin-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) duulal, ardooyin, quruumo iyo wixii la mid ah, ka shidid, ka bidin; ka cuudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuudis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cuudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudin
m.f.dh eeg duudi. la-mid: duudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudis
m.l la-mid: duudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duudsi
(Duudsi-ga)
Mag ama gar kale oo qof lahaa oo aan wax laga soo qaadin ee ogaal iyo kas loo seejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsi
duudsi¹: m.l Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.
duudsi²: m.l la-mid: duudsasho.
duudsi³: f.lg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xaq qof lahaa seejin. la-mid: duudsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duudsi
duudsi¹: m.l Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.
duudsi³: f.lg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xaq qof lahaa seejin. m.dh, duudsiyid. la-mid: duudsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duudsi
v. deny, refute
duudsi vl. n. denial, refutation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duudsi
-ga: (n) injustice (in-jastis); violation of one's rights ~ caddaalad-daro
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Duudsi
Senza compenso
Forefeiture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duudsi
(fal) xaq qof uu lahaa weysii ama muran ka geli. Dh: dulmi.
duudsi -ga: (magac, lab, keli) cid waxay leedahay loo diido hadal qof yidhi oo uu iska diido. Dh: dafiraadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhi
(fal) fuudh ku cabbir. Fuudhi inta marada kaa dhiman. Dh: cabbir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuudid
(Fuudid-da)
1. Fuud cabbid.
2. Wax la cabbo oo kulul, aayar cabbid; fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudid
m.f.dh eeg fuud².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudid
-da: (magac, dhedig, keli) sida fuudka u cabbid; fuud cabbid.