luqunjebin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjebin
m.dh la-mid: luqunjibbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjebi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: luqunjibbaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjebis
m.l la-mid: luqunjibbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjibbaarid
m.f.dh eeg luqunjibbaar². la-mid: luqunjebin, luqunjebis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqunjab
(Luqunjab-ka)
1. Luqunta jabkeeda kore;
2. Luqun-xanuun; barkadhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjab
m.l Qoor xanuun, barkin ka dhac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luqunjab
m.l Qoor xanuun, barkin ka dhac. lur¹: m.dh Dhibaato, shiddo, luggooyo.
lur²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid dhibid, shiddayn, luggoyn. m.f.dh, lurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqunjab
m. n., [compound] upper part of the neck; pain in the neck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjab
-ka: (magac, lab, keli) qoorta oo hurdada ku xanuunta. Dh: barkindhac, barkimadhac.
luqunjab -ka: (magac, lab, keli) luqunta jabkeeda kore.
luqunjab -ka: (magac, lab, keli) barkimadhac ama luqunxanuun hurdada ka dib la dareemo. Dh: barkimadhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqunjab
de: upper part of the neck; pain in the neck
lx: luqunjab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: luqunjab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunajebin
m.f.dh eeg muunajebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunajebin
-ta: (magac, dhedig, keli) foolxumayn oo bilic iyo muuqaal hore oo uu lahaa dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjablayn
m.f.dh eeg luqunjablee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barkindhac, luqunxanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqundhejis
(Luqundhejis-ka)
Suuqada haweenku surka ku xirto mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqundhejis
m.l (-syo, m.dh) Suuqadda dumarku qoorta ku xirto jaad ka mid ah oo gaaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqundhejis
m. n., [compound] necklace (a kind worn by women)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqundhejis
-ka: (magac, lab, keli) cid la ciqaabayo ama la xidhxidhayo oo luquntiisa dib u laabid. luqundhejis -ka: (magac, lab, keli) magaca guud ee wax kaste oo dumarku qurux ahaan ay qoorta ugu xidhaan sida cabbaadh, silis iyo wixii la mid ah. Luqundhejis dahab ah ayay gabadhu sidataa. Dh: kuul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqundhejis
de: necklace (a kind worn by women)
lx: luqundhejis
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: luqundhejis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjablee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Xoolo dhicis weyn soo ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjablee
(fal) barkindhaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjibaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg lugunjibbaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunjeyn
m.f.dh eeg qunjee. la-mid: qujeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuunbin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, ururin oo si aad ah u kaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuunbin
-ta: (magac, dhedig, keli) muquurid oo biyo ku dhex libdhin. Ninkaan dabbaal aqoon yuunbinta wuu ka baqaa. Dh: dhunbin; kunbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buquujin
m.f.dh eeg buquuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buquujin
-ta: (magac, dhedig, keli) nakhaska ku dhejin. Buquujinta waa lagu dhintaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafajebin
m.dh Hadal saamayn weyn leh oo sharafta iyo shaqsiyadda qofka dhaawaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafajebin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, waxyeellayn iyo hagardaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunajebi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof sharaf iyo qiimo uu lahaa ka dhumin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muunajebi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof sharaf iyo qiimo uu lahaa ka dhumin. m.f.dh, muunajebin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muunajebi
v., [compound] make someone lose face; make something lose quality ~ value
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muunajebi
de: make s.o. lose face; make s.t. lose quality ~ value
lx: muunajebi
pd: (muunajebiyey)
ps: v2a=cmp
key: muunajebi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunajebid
m.f.dh eeg muunajab². la-mid: muunajab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunajebid
-da: (magac, dhedig, keli) bilicsan iyo midabqurxoon oo hore waayid oo foolxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalinjebin
(Qalinjebin-ta)
Waxbarasho dugsi ebyid, dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalinjebin
m.f.dh eeg qalinjebi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalinjebin
vl. n., [compound] graduation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalinjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) waxbarasho ka aflixid oo soo afjarid. Ardaygii qalinjabintiisii ayaa soo dhawaatay. Dh: aflixid, ebyid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalinjebin
a: qalinjebis (ka) [vn-m]
de: graduation
lx: qalinjebin
pd: (-ta)
ps: vn2-f-cmp
key: qalinjebin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qalinjebin
تَخَرُّج
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) karaarkii uu ku socday, si kedis ah u naaqusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjibaadh
-ka: (magac, lab, keli) legdan ka dib buquujin iyo curduduub uu qof xoogweni ku itaal yar ku sameeyo. Dh: luqunjibaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjibbaar
luqunjibbaar¹: m.l Legdidda nafley la legdo iyadoo qoorteeda la wareejinaayo.
luqunjibbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Nafley iyadoo luqunteeda la wareejinaayo legdid. la-mid: luqunjebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballanjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ballan-baajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamiinjebin
m.f.dh eeg kamiinjebi. la-mid: kamiinjebis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muuna-jabin
-ta: (n) wounded pride; mortification (moortifi-keey-shin); humiliation ~ niyad jabin, liidid, ihaaneyn