luqunjablayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjablayn
m.f.dh eeg luqunjablee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barkindhac, luqunxanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjablee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Xoolo dhicis weyn soo ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjablee
(fal) barkindhaclee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjebin
m.dh la-mid: luqunjibbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjibaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg lugunjibbaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjibaadh
-ka: (magac, lab, keli) legdan ka dib buquujin iyo curduduub uu qof xoogweni ku itaal yar ku sameeyo. Dh: luqunjibaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjibbaar
luqunjibbaar¹: m.l Legdidda nafley la legdo iyadoo qoorteeda la wareejinaayo.
luqunjibbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Nafley iyadoo luqunteeda la wareejinaayo legdid. la-mid: luqunjebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuquulayn
(Cuquulayn-ta)
Dhabiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquulayn
m.f.dh eeg cuqulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuquulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala dhabiilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqdabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhagrid oo khiyaanayn; mardabayn; sirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjebi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: luqunjibbaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luunqabad
m.l la-mid: dhuunqabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muunadayn
(Muunadayn-ta)
Muunad u yeelid; xurmayn; weyneyn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunadayn
m.f.dh eeg muunadee. la-mid: muunayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) midabyo qunoon u yeelid. Dh: naqshadayn, midabayn, aslid.
muunadayn -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale si sharaf iyo qaddarin ah u soo dhawayn oo u xur mayn. Dh: xurmayn, tixgelin, muunadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) buulal yar yar kolba beel ka dhisid. Magaalada buulallaynta ha laga daayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjebis
m.l la-mid: luqunjibbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabqablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) alaab iyo wax la mid ah qabqabta hayn oo iska dabadhicid. Gaadhiga faaruqnimada ayaa qabqablaynta ugu wacan.
qabqablayn -ta: (magac, dhedig, keli) qabqable iska dhigid oo jiidhjiidh iyo arbush wadid. Qabqablayn wax laguma helee qun yar soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadablayn
m.f.dh eeg labadablee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjibaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) legdan dabadii, buquujin iyo curduduubid qof laga itaal weyn yahay ku samayn. Dh: luqunjibaarid, buquujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjibbaarid
m.f.dh eeg luqunjibbaar². la-mid: luqunjebin, luqunjebis.