luqunjab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqunjab
(Luqunjab-ka)
1. Luqunta jabkeeda kore;
2. Luqun-xanuun; barkadhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjab
m.l Qoor xanuun, barkin ka dhac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luqunjab
m.l Qoor xanuun, barkin ka dhac. lur¹: m.dh Dhibaato, shiddo, luggooyo.
lur²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid dhibid, shiddayn, luggoyn. m.f.dh, lurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqunjab
m. n., [compound] upper part of the neck; pain in the neck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjab
-ka: (magac, lab, keli) qoorta oo hurdada ku xanuunta. Dh: barkindhac, barkimadhac.
luqunjab -ka: (magac, lab, keli) luqunta jabkeeda kore.
luqunjab -ka: (magac, lab, keli) barkimadhac ama luqunxanuun hurdada ka dib la dareemo. Dh: barkimadhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqunjab
de: upper part of the neck; pain in the neck
lx: luqunjab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: luqunjab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjablayn
m.f.dh eeg luqunjablee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjebi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: luqunjibbaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjablee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Xoolo dhicis weyn soo ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjablee
(fal) barkindhaclee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjebin
m.dh la-mid: luqunjibbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqunjebis
m.l la-mid: luqunjibbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqunjibaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg lugunjibbaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqun
(Luqun-ta)
Oogada, xubinta u dhexaysa madaxa iyo garbaha; sur; qoor; marmar; tun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqun
m.dh (-umo/-qmo, m.l) Oogada nafleyda, inta u dhexeysa madaxa iyo garbaha; sur; qoor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luqun
m.dh (-umo/-qmo, m.l) Oogada nafleyda, inta u dhexeysa madaxa iyo garbaha; sur; qoor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqun
f. n. neck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luqun
-ta: (n) neck (neek) ~ qoor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqun
-ta: (magac, dhedig, keli) inta madaxa iyo garbaha u dhexaysa. Dh: sur, qoor, marmar, tun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqun
bw: tun
de: neck
lx: luqun
pd: (-ta Pl: luqumo ~ luqmo (/ha))
ps: n1-f, n3-f
syn: qoor ~ qoodh, sur
key: luqun
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Luqun-ta
cou.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muunajab
(Muunajab-ka)
Muunabbeel; sharaf jab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunajab
muunajab¹: m.l Luminta qof lumiyo sharaf uu lahaa. la-mid: muunajebid.
muunajab²: f.mg1 (-bay, -btay; -jebi) Sharaf iyo qiimo qof lahaa dhumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muunajab
m. n. dishonor, spoiling of someone's reputation ~ something's quality
muunajab v. lose face, lose one's reputation ~ prestige; lose quality ~ value
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunajab
(fal) bilicsan iyo midabqurxoon oo hore waa oo foolxumaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luunqabad
m.l la-mid: dhuunqabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muquunsad
(Muquunsad-ka)
Muquunsasho; muquunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquunsad
m.l la-mid: muquunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunsad
-ka: (magac, lab, keli) xoog ku qaadasho oo awood ku muquunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqundhejis
(Luqundhejis-ka)
Suuqada haweenku surka ku xirto mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqundhejis
m.l (-syo, m.dh) Suuqadda dumarku qoorta ku xirto jaad ka mid ah oo gaaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqundhejis
m. n., [compound] necklace (a kind worn by women)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqundhejis
-ka: (magac, lab, keli) cid la ciqaabayo ama la xidhxidhayo oo luquntiisa dib u laabid. luqundhejis -ka: (magac, lab, keli) magaca guud ee wax kaste oo dumarku qurux ahaan ay qoorta ugu xidhaan sida cabbaadh, silis iyo wixii la mid ah. Luqundhejis dahab ah ayay gabadhu sidataa. Dh: kuul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqundhejis
de: necklace (a kind worn by women)
lx: luqundhejis
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: luqundhejis