luqluqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqluqad
(Luqluqad-ka)
Luqluqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqluqad
m.l la-mid: luqluqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqluqad
-ka: (magac, lab, keli) maydhidda afkal inta biyo la kabbado lagu dhex ruxo oo la tufo. Dh: afdhaqasho, luqluqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqluqid
(Luqluqid-da)
Biyo luqluq ah afka gudihiisa ku mayrid, ku nadiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqluqid
m.f.dh eeg luqluq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqluqid
-da: (magac, dhedig, keli) «u ~» cid kale biyo kabbisiin oo afka kolba dhinac ugu ruxid si loo nadiifiyo. Dh: luqluqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaq
(fal) «u ~» afka cid kale u maydh; cid kale u luqluq. Ilmaha intaanad cuntada siin u afdhaq.
afdhaq -a: (magac, lab, keli) afka oo biyo lagu maydho; afka luqluqid. Dh: luqluqad, afmaydh.
afdhaq -a: (magac, lab, keli) biyaha faraxalka ah ee gacmaha iyo afka lagu maydho cuntada ka dib ama ka hor. Afdhaq innoo diyaari, cuntadii waa la keenaye. Dh: faraxal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaqad
-ka: (magac, lab, keli) afmaydhadka qof wax cunay ama dhamay. Dh: luqluqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqluq
(Luqluq-a)
1. Biyo yar oo afka gudihiisa lagu mayro.
2. Afmayridda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqluq
luqluq¹: m.l Biyo yar oo afka gudahiisa lagu dhaqdo.
luqluq²: f.mg1 (-qay, -qday) U l.: cid afka u dhaqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqluq
m. n. gargle, mouthwash, solution to rinse the mouth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luqluq
-a: (n) gargle (gaargal) ~ luqluqasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqluq
(fal) afka biyo luqluq ah ku maydh.
luqluq -a: (magac, lab, keli) biyaha yar ee afka lagu dhaqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqluq
de: gargle, mouthwash, solution to rinse the mouth
lx: luqluq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: luqluq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luuqad
m.dh (-do, m.l) Af ay ummadi leedahay oo ay isku fahmaan. la-mid: luqad, luqo, luuqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luuqad
m.dh (-do, m.l) Af ay ummadi leedahay oo ay isku fahmaan. la-mid: luqad, luqo, luuqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luuqad
f. n. language
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luuqad
-da: (n) language (laangu weeyj) ~ luqad, luuqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuqad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lugad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luuqad
a: luqad, luqo, luuqo
bw: Arabic
de: language
lx: luuqad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: luuqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqluqo
f.mg3 (-qday, -qatay) Afka gudihiisa biyo yar ku dhaqasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luqluqo
f.mg3 (-qday, -qatay) Afka gudihiisa biyo yar ku dhaqasho. m.f.dh, luqluqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqluqo
v. gargle, wash one's mouth out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luqluqo
-luqluqday / luqluqatay: (v) gargle (gaargal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqluqo
(fal) biyo cantuug oo in cabbaar ah afka ku hay oo ku dhaqo, dabadeed na iska tuf.
luqluqo-da: (magac, dhedig, keli) biyo yar oo afka gudihiisa lagu maydho oo lagu afdhaqdo. Dh: luqluq.
luqluqo-da: (magac, dhedig, keli) afmaydhidda lafteeda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqluqo
de: gargle, wash one's mouth out
lx: luqluqo
nt: luqluqad (ka) [vn-m], luqluqasho (/da) [vn-f]
pd: (luqluqday)
ps: v3b=
key: luqluqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqluqasho
(Luqluqasha-da)
Biyo luqluq ah, afka ku mayrasho; af-dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqluqasho
m.f.dh eeg luqluqo. la-mid: luqluqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqluqasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo luqluqo ah, afka ku dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulad
(Lulad-ka)
Lulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulad
m.l la-mid: lulasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lulad
vl. n. shaking; act of churning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ka soo laallaada, soo halwad. Dh: lulasho, ruxmad.
lulad-ka: (magac, lab, keli) meel ka soo deldellaan oo hoos u lulasho. Luladka waa lagu maskax guuraa. Dh: lulasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lulad
a: lulasho (/da) [vn-f]
de: shaking; act of churning
lx: lulad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: lulad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqad
(Luqad-da)
Af; hadal; (ama luqo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqad
m.dh la-mid: luuqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqad
f. n. language
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luqad
-da: (n) language (laanguweeyj) ~ luuq-da, af
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqad
-da: (magac, dhedig, keli) af lagu hadlo. Dh: lugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqad
bw: luqo, luuqo, luuqad
de: language
lx: luqad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: af, hadal
xv: Arabic
key: luqad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaqid iyo ruxmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqmad
(Luqmad-da)
In cunno ah oo kol afka la geliyo ama la goosto; rudmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqmad
m.dh (-do, m.l) In cunto ah oo hal mar afka la geliyo ama la goosto. la-mid: luqmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luqmad
m.dh (-do, m.l) In cunto ah oo hal mar afka la geliyo ama la goosto. la-mid: luqmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqmad
f. n. mouthful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqmad
-da: (magac, dhedig, keli) cunta in kol afka la geliyo oo la liqi karo. Luqmad hilib ah oo uu liqay ayaa Cali ku joogsatay. Dh: cantuugo, qantuugo, kabasho, rudhmo, hudhmo.
luqmad -da: (magac, dhedig, keli) eeg locob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqmad
bw: Arabic
de: mouthful
lx: luqmad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: rudmo
key: luqmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuqay
(fal) (ku ~) ku hees oo cod wanaagsan ku qaad. Ku luuqay Quraanka. Dh: codee, luuqee, luuqey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muuqad
(Muuqad-ka)
Muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muuqad
m.l la-mid: muuqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muuqad
-ka: (magac, lab, keli) wax muuqda oo la arki karo ahaan. Muuqadka cadceedda saab ma qariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuqad
(Suuqad-da)
Alaabada dumarku isku qurxiyo oo dahabka iyo lacagta laga sameeyo, guud ahaan; siyaakhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuqad
m.dh Waxyaabo dahab, qalin iyo wixi lamida ka samaysan oo dumarku isku qurxiyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuqad
m.dh Waxyaabo dahab, qalin iyo wixi lamida ka samaysan oo dumarku isku qurxiyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuqad
f. n. jewelry, piece of jewelry
suuqan [derived] [adjective] long and thin
suuqan [inchoative] v. get elongated, become long and thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqad
-da: (magac, dhedig, keli) alaabada dumarka isku qurxiyo oo dahabka iyo lacagta laga sameeyo, guud ahaan; siyaakhad soo gala. Suuqadda ayaa lagu iibiyaa dukaankan. Dh: siyaakhad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuqad
de: jewelry, piece of jewelry
initial: s
lx: suuqad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: suuqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaluqad
m.dh (-do, m.l) B. ah: gabar qaangaar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh qaan-gaadh ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juqjuqay
(fal) ku guji hadalka oo ku mudmud hadallada. Dh: turuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqleqid
-da: (magac, dhedig, keli) leqid oo mar kale leqid. Dh: liqligid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luflufid
m.f.dh eeg lufluf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luflufid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lufluf ah gurgurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqfurad
-da: (magac, dhedig, keli) iimaan.
muqfurad-da: (magac, dhedig, keli) duco xafladeed oo lagu sagootiyayo cid meel tegeysa. Dh: sagootin Li: dhaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqruqid
-da: (magac, dhedig, keli) daadasho oo soo fuqfugid. Dh: fuqfugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butuluqsad
-ka: (magac, lab, keli) wax kaa miisaan weyn tunka ku qaadid, la budtuluqsasho. Butuluqsad baan ku soo gaadhsiiyey kiishka sonkarta ah halkan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liiqliiqad
(Liiqliiqad-ka)
Liiqliiqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liiqliiqad
m.l la-mid: liiqliiqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liiqliiqad
-ka: (magac, lab, keli) kolba dhan u liicid. Dh: liicliicad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luusluusad
m.l la-mid: luusluusasho.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
af, luqad
لغة، قم
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BUQBUQATO
Phyllanthus maderaspatensis 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUQBUQATO
(Bugbugato) C Phyllanthus maderaspatensis L. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buqbuqayn
(Buqbuqayn-ta)
Buqbuqo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqbuqayn
m.f.dh eeg buqbuqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) buqbuqo ka yeelid. Buqbuqaynta caanaha ka ilaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqlay
(fal) biyo, meel cidhiidhi ah ka soo bood oo coday. Dh: buqdho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqbuqood
m.l la-mid: buqbuqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqood
-ka: (magac, lab, keli) dhay iyo ciir la isku daray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cululubad
(Cululubad-ka)
Cululubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cululubad
m.l la-mid: cululubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cululubad
vl. n. memory, recall, recollection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cululubad
-ka: (magac, lab, keli) arrin ama talo hore u dhacday oo kol danbe la garwaaqsaday siday ku qummanayd. Dh: cululubasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cululubad
a: cululubasho (/da) [vn6-f]
de: memory, recall, recollection
lx: cululubad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cululubad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruqsad
m.l la-mid: durruqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fushuqsad
m.l la-mid: fushuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lullumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lullumo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muquunsad
(Muquunsad-ka)
Muquunsasho; muquunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquunsad
m.l la-mid: muquunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunsad
-ka: (magac, lab, keli) xoog ku qaadasho oo awood ku muquunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkuqaad
m.l Illaabi waayidda la illaabi waayo wax lays yeelay. la-mid: uurkusiddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkuqaad
m.l Illaabi waayidda la illaabi waayo wax lays yeelay. la-mid: uurkusiddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkuqaad
-ka: (magac, lab, keli) caloolxumada iyo nacaybshaha aan la iska saamaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqfuuqsad
(Fuuqfuuqsad-ka)
Fuuqfuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqfuuqsad
-ka: (magac, lab, keli) dhammayn is dabajoog ah.
fuuqfuuqsad -ka: (magac, lab, keli) dareere gun hoose ku hadhay afka la raacraacid, hambo weel guntii ku jirta ka heenheemin. Dh: heenheemin, heeheemin.