lunso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lunso
f.g3 (-saday, -satay) Ammaano ama baadi cid haysay ku tagri falasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lunso
f.g3 (-saday, -satay) Ammaano ama baadi cid haysay ku tagri falasho. m.f.dh, lunsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lunso
v. embezzle, appropriate for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lunso
-lunsaday / lunsatay: (v) embezzle (embezal)-, defraud (difaroodh)-, misappropriate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lunso
de: embezzle, appropriate for oneself
lx: lunso
pd: (lunsaday)
ps: v3a=tr
key: lunso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lungo
agg. - dheer.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lunsi
-ga: (n) embezzlement (em-bezel-ment)-, breach of trust; misappropriation
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lusso
s.m. - faajofaajo, tamaaliyaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Xoolo iyo wixi lamida meel u kaxaysasho. 2. Dan, arrin iyo wixi lamida meel marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qunso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Xoolo iyo wixi lamida meel u kaxaysasho. 2. Dan, arrin iyo wixi lamida meel marsasho. m.f.dh, qunsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunso
v. get exactly as one wants, attain, achieve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qunso
-qunsaday / qunsatay: (v) help oneself to; help yourself to; take advantage of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunso
(fal) muraad aad leedahay qabso. Dh: fusho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunso
de: get exactly as one wants, attain, achieve
lx: qunso
nt: qunsad (ka) [vn-m], qunsasho (/da) [vn-f]
pd: (qunsaday)
ps: v3a=tr
key: qunso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunso
f.mg3 (-saday, -satay) Uunsi shidasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uunso
f.mg3 (-saday, -satay) Uunsi shidasho. m.f.dh, uunsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uunso
de: perfume oneself with incense
initial: u
lx: uunso
pd: (uunsaday)
ps: v3a=
key: uunso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba'so
ba'so: (fal) xoolo ammaano ahaa, si farsamaysan u lunsod sad
ba'so: (fal) xoolo aanad lahayn lunso.
ba'so: (fal) wax xumayso oo dhanka ba'an u leexi. Walaal ha na ba'sane barbar noo dhaaf.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
alunno
s.m. - arday.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
flusso
s.m. - qulqul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guunso
m.dh Surta inteeda adag; gaws.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lunsad
m.l la-mid: lunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lunsan
Wax lumay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax lumay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax lumay ahaansho. m.f.dh, lunsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lunsan
der. [adjective] lost
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lunsan
-aa: (adj) lost (loost) ~ dhunsan. Ex: ilmihii lunsanaa; the lost children
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lunsan
(tilmaame) wax lumay, mid dariiqa saxda ah ka baydhsan; wax lumay ah. Nin lunsan lama raaco. Dh: dhunsan, hallawsan, baadiyaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lunsan
de: lost
lx: lunsan
pd: (lunsanaa)
ps: adj-der
key: lunsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuunso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku uruursasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuunso
v. amass, accumulate, pile up for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuunso
(fal) wax tuunsan ka dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuunso
de: amass, accumulate, pile up for oneself
initial: t
lx: tuunso
pd: (tuunsaday)
ps: v3a=tr
key: tuunso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
luminóso
agg. - if leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lunsasho
m.f.dh eeg lunso. la-mid: lunsad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lunsasho
-lunsashada: (n) embezzlement (em-bezel-ment)-, breach of trust; misappropriation ~ lunsi -ga
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Lunsasho
Disappropriazione
Misappropriation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo si aan xaq ahayn u adeegsasho. Dh: xadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lun
(Lun-ta)
1. Meel god ah ama ceel oo ciid jilicsan ama dhoobo qoyani ku daboolan tahay, oo wixii ku dhaca liqa.
2. Beeraha, godadka abuurka lagu rido, midkiiba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lun
lun¹: m.l 1. Meel dhoobo qoyan oo jilicsan leh oo marka cagta la saaro hoos ula degta. 2. (- uman, m.l) God marka beeraha la abuurayo miraha lagu duugo.3. God hoos u dheer. 4. L. ah: dhar duug ahoo diindiimaya.
lun²: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Wax dhumay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lun
lun¹: m.l 1. Meel dhoobo qoyan oo jilicsan leh oo marka cagta la saaro hoos ula degta. 2. (- uman, m.l) God marka beeraha la abuurayo miraha lagu duugo.3. God hoos u dheer. 4. L. ah: dhar duug ahoo diindiimaya.
lun²: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Wax dhumay noqosho. m.f.dh, lumid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lun
Loss
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lun
v. be lost, get lost
lun [feminine] n. furrow, hole in the ground (e.g., for planting)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lun
-lumay I tay: (v) disappear (disappiir)-, be lost; get lost
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lun
(fal) hallaw oo waddadii ka habaw. Dh: dhun, ambo.
lun -ta: (magac, dhedig, keli) beeraha, godadka abuurka lagu rido, midkiiba.
lun-ta: (magac, dhedig, keli) meel god ah ama ceel ah oo ciid jilicsan ama dhoobo qoyani ku daboolan tahay oo wixii ku dhaca liqda. Dh: hataq, booraan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
uno
agg. - kow.
uno: pron. - mid, midkoo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Uso
Dhaqan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
uso
s.m. - isticmaal.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fuso
s.m. - birta dheer ee fulaanadaha lagu tolo; (fusi orari: 24 ka dhigeed ee dhulka loo qaybiyey oo mid walba ku jaangoysan tahay hal saac).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guno
m.dh la-mid: gunno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juno
(Juna-da)
(xoolo) Dhaqayo;
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juno
m.l.kh la-mid: junuf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juno
f. n. livestock that produces little milk
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juno
cf: dhaqayo
de: livestock that produces little milk
lx: juno
pd: (/da)
ps: n-f
key: juno
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lens
Bikaaco
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lens
Bikaac
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
lens
lens: (n) (m) a carefully ground and molded piece of glass, plastic, or other transparent material used for changing the size or shape of an image.
muraayada indhaha xadigeedo leeg yahay wiilka, wiilka korkiisana la saaro
lens: (n) (m) a transparent part of the eye between the iris and the vitreous using to direct light onto the retina.
qaybta isha ee nalku ka gudbo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lens
/lens/ (n) bikaaco (muraayad loogu tala galo aragga ookiyaalaha, kaamarada iwm).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
léso
agg. - dhaawacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Mindi iyo wixi lamida lisin ku afayn. 2. Xoolo maalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Mindi iyo wixi lamida lisin ku afayn. 2. Xoolo maalid. m.f.dh, lisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liso
v. milk for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liso
(fal) xoolo caano ka maal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liso
de: milk for oneself
lx: liso
pd: (listay)
ps: v3b=
key: liso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulo
(Lula-da)
Lulmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulo
lulo¹: m.dh la-mid: lulmo.
lulo²: f.g/mg3 (-ushay, -ulatay) 1. (f.g) Caano iyo wixi lamida si subag looga dhaliyo ruxasho. 2. (f.g) Geed si miro looga daadiyo ruxasho. 3. (f.mg) Barwaaqo ku noolaansho. 4. (f.mg) Ka l.: wax meel sare ka soo laallaadsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lulo
f.g/mg3 (-ushay, -ulatay) 1. (f.g) Caano iyo wixi lamida si subag looga dhaliyo ruxasho. 2. (f.g) Geed si miro looga daadiyo ruxasho. 3. (f.mg) Barwaaqo ku noolaansho. 4. (f.mg) Ka l.: wax meel sare ka soo laallaadsasho. m.f.dh, lulasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lulo
v. shake; swing; be suspended
lulo v. churn milk into butter (for oneself)
lulo [feminine] n., [abstract] sleepiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulo
(fal) ruxmo ama halwo.
lulo: (fal) caano rux oo subag kala soo bax.
lulo-da: (magac, dhedig, keli) eeg lulmo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
luna
s.f. - dayax, bil.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lune
lune, n.f. - Dayax.
lune de miel - Maalmaha arooska ugu horreysa ee ay labada is guursatay nasashada ku jiraan; bil-malabeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lung
Sambab
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
lung
(n) either of two spongy, saclike respiratory organs occupying the chest cavity together with the heart, and functioning to remove carbon dioxide from the blood and provide the body with oxygen.
sambab
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lung
/lang/ (n) sambab; sanbabka.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lupo
s.m. - yey, uubato, uuley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqo
(Luqa-da)
Hadal dad ama qolo ku hadasho; af; (ama luqad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqo
m.dh la-mid: luuqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqo
f. n. language
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqo
-da: (magac, dhedig, keli) af ay cidi ku hadasho oo ay isku afgarato oo cod iyo xarfo leh. Luqadda aan ku hadlaa waa Soomaali. Dh: luqad, af, luuqad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqo
a: luuqad ~ luqad
bw: Arabic
de: language
lx: luqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: luqo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lush
/lash/ (adj) 1. caws iyo cagaar aad u baxay (aad u faalalay) 2. raaxo leh oo qani ah 3. qofka markasta cabsan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lust
/last/ (n) shahwad; hawo; damac.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
muso
s.m. - gafuur.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
undo
/andhuu/ (v) furid (fur-furid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unfo
m.dh Qarandi, saddexsulley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unfo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad dofaarka ka tirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unko
f.g3 (-kaday, -katay) Weel toliddiisa ama caw, harrar iyo wixi lamida falkintooda billaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
unko
v. begin to make something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unko
(fal) wax billawgiisa ku dhaqaaq; unug samayso. Unko hawsha markaa ha lagu siiyo gacan ee. Dh: bilaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
unko
de: begin to make s.t. for oneself
initial: u
lx: unko
pd: (unkaday)
ps: v3a=tr
key: unko
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
unto
agg. e s.m. - dufanle; dufan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urso
f.g3 (-saday, -satay) Wax ur leh sanka saarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
urso
f.g3 (-saday, -satay) Wax ur leh sanka saarasho. m.f.dh, ursasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
urso
v. smell at, sniff at
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
urso
-ursadayursatay: (v) smell (ismeel); snuff (isnaaf); sniff (isniif) ~ uri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urso
(fal) sanka saar oo urtiisa dareen. Urso cadarkan, ma udgoon yahay?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
urso
de: smell at, sniff at
initial: u
lx: urso
pd: (ursaday)
ps: v3a=
key: urso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bunbo
* (Bunba-da)
Jaliilad, qunbulad, (ama bumbo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bunbo
f. n. bomb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bunbo
-bunbada: (n) [Pl. bunbooyin-ka] hand-grenade (haandh-gareneeyd)-, bomb (baam)