lunsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lunsad
m.l la-mid: lunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luncad
m.l Marka beerta roobka ka hor la abuuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luncad
-ka: (magac, lab, keli) marka beerta roobka ka hor la abuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lunsan
Wax lumay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax lumay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax lumay ahaansho. m.f.dh, lunsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lunsan
der. [adjective] lost
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lunsan
-aa: (adj) lost (loost) ~ dhunsan. Ex: ilmihii lunsanaa; the lost children
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lunsan
(tilmaame) wax lumay, mid dariiqa saxda ah ka baydhsan; wax lumay ah. Nin lunsan lama raaco. Dh: dhunsan, hallawsan, baadiyaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lunsan
de: lost
lx: lunsan
pd: (lunsanaa)
ps: adj-der
key: lunsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunsad
(Qunsad-ka)
Qunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunsad
m.l la-mid: qunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunsad
m.l la-mid: uunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uunsad
-ka: (magac, lab, keli) uunsi shidasho; dhir udgoon shidasho. Dh: uunsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lunsasho
m.f.dh eeg lunso. la-mid: lunsad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
luna
s.f. - dayax, bil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisad
m.l la-mid: lisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lisad
vl. n. act of milking; act of sharpening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisad
-ka: (magac, lab, keli) neef irmaan, lisasho. Dh: maalasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lisad
de: act of milking; act of sharpening
lx: lisad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: lisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulad
(Lulad-ka)
Lulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulad
m.l la-mid: lulasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lulad
vl. n. shaking; act of churning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ka soo laallaada, soo halwad. Dh: lulasho, ruxmad.
lulad-ka: (magac, lab, keli) meel ka soo deldellaan oo hoos u lulasho. Luladka waa lagu maskax guuraa. Dh: lulasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lulad
a: lulasho (/da) [vn-f]
de: shaking; act of churning
lx: lulad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: lulad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lunar
/luunar/ (adj) dayaxa (ee dayaxa).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lunsi
-ga: (n) embezzlement (em-bezel-ment)-, breach of trust; misappropriation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lunso
f.g3 (-saday, -satay) Ammaano ama baadi cid haysay ku tagri falasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lunso
f.g3 (-saday, -satay) Ammaano ama baadi cid haysay ku tagri falasho. m.f.dh, lunsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lunso
v. embezzle, appropriate for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lunso
-lunsaday / lunsatay: (v) embezzle (embezal)-, defraud (difaroodh)-, misappropriate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lunso
de: embezzle, appropriate for oneself
lx: lunso
pd: (lunsaday)
ps: v3a=tr
key: lunso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqad
(Luqad-da)
Af; hadal; (ama luqo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqad
m.dh la-mid: luuqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqad
f. n. language
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luqad
-da: (n) language (laanguweeyj) ~ luuq-da, af
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqad
-da: (magac, dhedig, keli) af lagu hadlo. Dh: lugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqad
bw: luqo, luuqo, luuqad
de: language
lx: luqad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: af, hadal
xv: Arabic
key: luqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Unkad
(Unkad-ka)
Unkasho; bilaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unkad
m.l la-mid: unkasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
unkad
vl. n. inventing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unkad
-ka: (magac, lab, keli) wax aan hore u jirin bilaabasho, Unkadka shaqada marka hore ku dadaal. Dh: unkasho, bilaabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
unkad
a: unkasho
de: inventing
initial: u
lx: unkad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: unkad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unsar
m.l Wasakh yar oo ku jirta weel hoore ku jira salkiisa. la-mid: usar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unsar
-ka: (magacwadareed) wasakhda iyo huubaha dareeraha dhex kaca. Dh: usar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursad
m.dh 1. Cudur ku dhaca eyga iyo naasleyda la bahda ah oo ay calaamo u tahay biyonicid iyo laystaannimo. 2. la-mid: ursasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ursad
m.dh Cudur ku dhaca eyga iyo naasleyda la bahda ah oo ay calaamo u tahay biyonicid iyo laystaannimo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ursad
name-m to smell or sniff. Lit: first born girl after a long period of time of childlessness. Syn: Ursi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ursad
ama Ursi, magac loo baxsho ilmo dhalashadiisa muddo la sugay guurkii ka dib oo jacayle awgeed loo ursaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursad
-ka: (magac, lab, keli) eeg ursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bundad
(Bundad-da)
Xirmo dhar ah oo daaqado badani ku jiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bundad
m.dh (-do, m.l) Xirmo dhar ah oo ka kooban dhawr daaqadood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bundad
f. n. bundle, bale
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bundad
-da: (n) [Pl. bundado-ha] bundle (bandhel); package (paakeeyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bundad
-da: (magac, dhedig, keli) xidhmo dhar ah. Bundad hudhaydh ah baan Khamiista furaynaa. bunduq-a: (magac, lab, keli) nooc hubka fudud ka mid ah oo le dhuun dheer oo gudaha maraaro ay rasaastu sii marto oo xawligeeda biiriya ku leh. Dh: qori, buntukh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bundad
de: bundle, bale
lx: bundad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: bundad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursad
m.l la-mid: bursasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bursad
-ka: (n) pursuing (peer-suuing); chasing (jeeysing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bursad
-ka: (magac, lab, keli) inta badan qaadasho; dheeraad ku darsasho. Bursad baad ku heshaa waxaad doonto adiguye. Dh: badsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugsad
(Dugsad-ka)
Dugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsad
m.l la-mid: dugsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsad
-ka: (magac, lab, keli) dhaxan kaga gabbasho oo dugsi ka dhigasho. Dh: dugaalsad, dugsash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dumiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dumiyey ahaansho. m.f.dh, dunsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dunsan
der. [adjective] broken, fractured, demolished
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dunsan
-aa / ayd: (adj) collapsed (kolaapsidhy demolished (di-moolishidhy destroyed (dis-tarooyidh) ~ burbursan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunsan
(tilmaame) burbursan oo wax dumay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dunsan
de: collapsed, broken, fractured, demolished
lx: dunsan
pd: (dunsanaa)
ps: adj-der
key: dunsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duxsad
m.l la-mid: duxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuqsad
(Fuqsad-ka)
Fuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuqsad
m.l la-mid: fuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqsad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ku dhegsan, xoog u soo goosasho. Dh: goosad, rujisad, fujisad, ruqsasho, rujisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fursad
(Fursad-da)
Kansho, waqti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fursad
m.dh (-do, m.l) 1. Xaalaad ku habboon in wax la qabsado. 2. Waqti wax la qabto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fursad
m.dh (-do, m.l) 1. Xaalaad ku habboon in wax la qabsado. 2. Waqti wax la qabto.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
fursad
chance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fursad
f. n. chance, opportunity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fursad
-da: (n) opportunity (appartuniti); occasion (okeey-shin); chance (jaans); opening, break ~ munaasabad. Ex: fursad dahab ah; golden opportunity.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fursad
-da: (magac, dhedig, keli) munaasabad faa'iido lagu helayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fursad
de: chance, opportunity
lx: fursad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fursad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gensad
-da: (magac, dhedig, keli) wax diidid ama kahasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaad
m.l Nabar kor ka biskooday oo hoos ka jirran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gunaad
m.l Nabar kor ka biskooday oo hoos ka jirran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunaad
m. n. hardened scab from a wound that has not healed completely and can be infected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunaad
-ka: (magac, lab, keli) nabar dusha ka bogsaday oo hoostana dhidh ku yeeshay.
gunaad-ka: (magac, lab, keli) lugta jabtay ee kolkii la kabay dhulka gaadhayn. Dh: gaabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunaad
de: hardened scab from a wound that has not healed completely and can be infected
lx: gunaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gunaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunnad
(Gunnad-da)
Kolay laga sameeyo harag ama dun ama wax kale oo lacag iyo alaabo kaleba lagu rito; kiish; qundul; qandi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunnad
m.dh (-do, m.l) Weel yar oo caw, dun iyo wixi lamida ka samaysan oo leh midabyo badan iyo aabbur waxyaabaha udgoon oo la shito lagu rito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunnad
f. n. bag (of woven fiber); handbag, purse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunnad
-da: (magac, dhedig, keli) qindi yaroo caw, dun ama harag ka samaysan oo wax lagu gurto. Dh: qandi, qindi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunnad
de: bag (of woven fiber); handbag, purse
lx: gunnad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: gunnad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hansad
m.dh (-do, m.dh) Dhul gariir iyo dabayl xooggan oo ka dhasha meel qarax weyn iyo wixi lamida ku dhacay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hansad
m.dh (-do, m.dh) Dhul gariir iyo dabayl xooggan oo ka dhasha meel qarax weyn iyo wixi lamida ku dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hansad
-ka: (magac, lab, keli) sugashada ay kalsoonida iyo rajuhu ku jiraan. Saddex lagama kaco, hansad gabadheed habaar waalid iyo hadimo xoolaad. Dh: hasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubsad
(Hubsad-ka)
Hubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsad
m.l la-mid: hubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsad
-ka: (magac, lab, keli) arrin, runteeda ka sal gaadhid; ka niib keenid; ka salgaadhid. Dh: hubsi, hubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufsad
(Kufsad-ka)
Kufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufsad
m.l la-mid: kufsasho.