lumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Habaabin; anbin. 2. Xoorid; khasaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Habaabin; anbin. 2. Xoorid; khasaarid. m.f.dh, lumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lumi
v. lose; waste
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lumi
-yey / say: (v) cause to disappear or lost
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumi
(fal) wax hallee oo wax aan il lagu hayn kat dhig. Dh: ambi, hallaabi, dhumi, faki. Li: hel.
lumi: (fal) jidka toosan ka leexi oo khatal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lumi
de: lose; waste
lx: lumi
pd: (lumiyey)
ps: v2a=tr
key: lumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lumid
(Lumid-da)
Wax la waayey noqosho; hallaabid; habaabid; anbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumid
m.f.dh eeg lun².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lumid
vl. n. becoming lost
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lumid
-da: (n) disappearance (dis-apiirensi); losing (luusing); loss (loos) ~ lumis -ta
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Lumid
Perdizione
Loss
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumid
-da: (magac, dhedig, keli) hallaabid oo waddadii ama yoolkii la rabay ka habaabid. Dh: dhumid, ambasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lumid
de: becoming lost
lx: lumid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: lumid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lumin
(Lumin-ta)
Wax hallaabay ka dhigid; habaabin; anbin.
2. Xoorid; khasaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumin
m.f.dh eeg lumi. la-mid: lumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumin
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka toosan ka leexin. Dh: khatalid, lumis.
lumin-ta: (magac, dhedig, keli) ka yeelista wax hallaabay oon gacan lagu hayn. Dh: hallayn, fakin, ambin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumis
m.l la-mid: lumin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lumis
-ta: (n) disappearance ~ see [eeg] lumid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumis
-ka: (magac, lab, keli) wax la hayay, daayicid. Dh: lumin.
lumis-ta: (magac, dhedig, keli) jidka toosan ka baydhid. Dh: lumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaji
(Abaaji-ga)
Lumid waa danbe la tabo; tasow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbasho
(Anbasha-da)
Jid ama meel ka habaabid; dhumid; lumid; anbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbin
(Anbin-ta)
Jid ama meel ka habaabin; dhumin; lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baadiyayn
(Baadiyayn-ta)
Baadi ka dhigid; lumin; habaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhumid
(Dhumid-da)
Wax la waayey noqosho; hallaabid; habaabid; lumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaabid
(Habaabid-da)
Iska socosho, iyadoo aan dhulka la mara hayo, la kala garanayn; lumid; anbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaabin
(Habaabin-ta)
Qof, kd., dhul uusan kala aqoon ku dhex lumin; anbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hallaabid
(Hallaabid-da)
1. Xoolo ama alaabo aan la aqoon meel ay aadeen ama jiraan; baxsasho; lumid.
2. Waxyeello gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasaarin
(Khasaarin-ta)
(ganacsi) si khasaaro ah, ku bixin, ku lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasir
(Khasir-ka)
1. Maal lacag ah oo si aan habboonayn lagu bixiyo ama lagu lumiyo.
2. Ganaax; xaal; yake.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasirid
(Khasirid-da)
1. Lacag bixin; lumin.
2. Ganaax lacageed saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laayac
(Laayac-a)
1. (qof) xoolaha lumiya oo aan si wanaagsan u ilaalin.
2. Layac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layicid
(Layicid-da)
(xoolo, kd.) ilaalin la'aan; lumin, dayicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luggooyo
(Luggooya-da)
Wax qof waqti ka lumiya ama faa'ido seejiya ama mihiya ama si kale dhibaato u gaarsiiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luufluufid
(Luufluufid-da)
Luufluuf ku dhicid; kala lumid; wax yari ka harid; bi'id; le'asho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luufluufin
(Luufluufin-ta)
Wax luufluufay ka dhigid; kala lumin; wax yar ka reebid; baabbi'in; layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadeeco
(Wadeeca-da)
1. Meel aammin ah ama cid aammin ah oo wax lagu ogaado, ama wax loo dhiibto (wax aan isku filnayn oo haddii kale lumi lahaa ama wax gaari lahayeen ama si kale baylah u noqon lahaa, ...) ammaano; (wadeeco Allah ammaano Allah).
2. Dayac; baylah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aamminbax
ąamminbax: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Ka ąa.: qof, cid aamminkii uu ku qabay lumin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lui
pron. - isaga.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lui
lui, pron. pers. - Isaga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dhisme burburin. 2. Dhisme furfurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dhisme burburin. 2. Dhisme furfurid. m.f.dh, dumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dumi
v. destroy, dismantle, demolish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dumi
-yey / say: (v) destroy (dis-tarooy ); tear down; break up; demolish (di-moolish); raze (reeyz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumi
(fal) wax dhisan rid oo dhulka soo dhig. Dh: burburi. Li: dhis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dumi
de: destroy, dismantle, demolish rw: dun
lx: dumi
pd: (dumiyey)
ps: v2a=tr
key: dumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kumi
m.l la-mid: kuumi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kumi
m. n. ten cents, 'dime'; coin (in general)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kumi
-ga: (n) dime (dhaaym); ten cents
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kumi
a: caanad
cf: lacag, shilin {C & S}
de: ten cents, 'dime'; coin (in general)
lx: kumi
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: kumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luki
(Luki-da)
Shinbir-guri; diyaad; digaag; dooro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luki
m.dh Digaag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luki
m.dh Digaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luki
f. n. chicken, hen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luki
-da: (magac, dhedig, keli) digaagga ta dhidig ee ukunta dhasha. Li: doore, diig.
luki-da: (magacwadareed) shinbirgurida digaagga loo yaqaan magac guud oo labkiisa, dheddigiisa iyo yar iyo weynkiisaba kulmiya. Dh: dooro, digaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luki
de: chicken, hen
lx: luki
pd: (-da)
ps: n2a-f
syn: digaag, dooro
key: luki
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lume
s.m. - ilays, nuur.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
lump
(n) a swelling or small mass.
soo bax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lump
/lamp/ (n) 1. kuus (wax aan qaab gaar ah lahayn oo kuusan) 2. barar xanuun badan 3. cad afar-gees ah oo sonkor ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
lump
n., (a mass) fud, -ki, kuus, -ki; a lump of sugar, fud sonkor ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Xoolo kaxayn. 2. (f.mg) U q.: awr hal abaahinaya caarka ugu toosin. 3. (f.mg) U q.: cid arrin iyo wixi lamida u fulin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Xoolo kaxayn. 2. (f.mg) U q.: awr hal abaahinaya caarka ugu toosin. 3. (f.mg) U q.: cid arrin iyo wixi lamida u fulin. m.f.dh, qumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qumi
v. direct, correct, straighten, make go straight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qumi
-yey / say: (v) lead (liidhy, direct (di-rekt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumi
(fal) hasha awrka u tu'i oo inuu dhoodo u farsamee. Awrka hasha u qumi. Dh: hagaaji.
qumi: (fal) meel ku hagaaji oo ku toosi. Dawga ku qumi oo toosi.
qumi: (fal) fududee oo in wax la qabto suura geli hawl fududee oo sida u fiican ka dhig. Ragga waxay doonayaan u qumi. Dh: samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qumi
de: direct, correct, straighten, make go straight
lx: qumi
nt: qumin (ta) [vn-f]; rw: qun
pd: (qumiyey)
ps: v2a=tr
key: qumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumi
uumi¹: m.l 1. Humri kulul. 2. Kul; diirimaad.
uumi²: f.g2 (-iyay, -isay) Wax dab ku diirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uumi
m.l 1. Humri kulul. 2. Kul; diirimaad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Uumi
Steam, Vapour
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uumi
-ga: (n) steam (is-tiim)-, vapor (veey-per) ~ bukhaar, qaac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumi
(fal) kulayl iyo uumi ku diiri.
uumi -ga: (magac, lab, keli) oomaarka iyo qiiqa kulaylku sababta u yahay ee ka soo baxa meel da ka shidmayo ama wax lagu karinayo. Uumigii ka baxayay dheriga ayuu arkay. Dh: bukhaar, oomaar.
uumi-ga: (magac, lab, keli) waxa biyaha la bayliya ka baxa ee hawada dhex gala.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uumi
de: humidity and warmth; vapor, gas, steam
initial: u
lx: uumi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-mass
syn: hunri, oomaar
key: uumi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
uumi
بُخَارِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xumi
(Xumi-da)
Xumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumi
m.dh la-mid: xumaan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xumi
f. n., [abstract] damage, harm, evil
xumi adj., subject case: bad (one)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xumi
-da: (n) wickedness (wikidh-nes); immorality (imooraalati); evil (ii-vel) conduct ~ xumaato, xumaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumi
-da: (magac, dhedig, keli) wax xun ahaan. Ninkaa xumidiisa ayaan ku nacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulmid
(Lulmid-da)
1. Caano ruxmay oo subag ka soo go'ay noqosho.
2. Wax lulmay ama ruxmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulmid
m.f.dh eeg lulan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmid
-da: (magac, dhediq, keli) caano ruxmay oo subag ka soo go'ay noqosho.
lulmid-da: (magac, dhedig, keli) wax lulmay ama ruxmay noqosho. Dh: ruxmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumiya
m.dh (muus.) Meelo ka mid ah degaanka u dhexeeya webiyada ayaa shareerada looga yaqaan lumiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumiya
-da: (magac, dhedig, keli) meelo ka mid ah degaanka u dhexeeya webiyada ayaa shareerada looga yaqaan lumiya.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
lumiye
loser
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lurmid
m.f.dh eeg luran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lurmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof luran oo dhibaataysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luumbi
m.l Ciyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir, muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. la-mid: nuumbi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luumbi
m.l Ciyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir, muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. la-mid: nuumbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luumbi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir, muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. Dh: nuumbi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
clump
/klamp/ (n) 1. caws iyo dhir isku-baxday (v) 2. dhuukubid (aayar u socosho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumir
m.dh la-mid: cumur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumri
m.l la-mid: cimri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cumri
m. n. age, time of life
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cumri
-ga: (n) long duration of life; state of being old; old age ~ da', cimri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cumri
-ga: (magac, lab, keli) da'da nafley ama wax jiri karo. Qofka boqol sano jiray, waa qof Ilaahay cumri dheer siiyay. Dh: cimri, da'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cumri
a: cimri
bw: Arabic
de: age, time of life
lx: cumri
pd: (-ga)
ps: n2-m-time
key: cumri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax baadiyeyn. 2. Biyo weel dardarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax baadiyeyn. 2. Biyo weel dardarid. m.f.dh, dhumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhumi
v. lose intentionally, cause the loss of
dhumi v. scoop up ~ out (usually liquid)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhumi
-yey / say: (v) fail to find; lose (luus); waste (weeyst) ~ khasaari ~ lumin Ex: fursad baan dhumiyey; I wasted an opportunity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumi
(fal) hallee oo wax la waayay ka dhig. Dh: hallee, lumi.