lulmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulmo
(Lulma-da)
Kolka hurdadu soo dhowdahay waxa layska dareemo; (ama lulo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulmo
m.dh Daal iyo caajis la dareemo marka jirku hurdo u baahanyahay. la-mid: lulo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lulmo
m.dh Daal iyo caajis la dareemo marka jirku hurdo u baahanyahay. la-mid: lulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lulmo
v. shake, be shaken; be churned; swing, dangle
lulmo [feminine] n., [abstract] drowsiness, sleepiness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lulmo
-lulmada: (n) sleepiness (isliipi-nes); drowsiness (darawsines); doziness (dowsi-nes); nod (naadh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmo
(fal) kolba dhan u ruxan; ahaw qof lulmnaya. Dh: ruxan.
lulmo -da: (magac, dhedig, keli) dareenka hurdo doonidda ah ee seexashada horteed la dareemo. Nin ay lulmo hayso waa nin ladan. Dh: lulmood, lilmo, lilo, lulo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
lulmo
وَسَن، نُعَاسِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Lulmo dareemid. la-mid: luloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lulmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Lulmo dareemid. la-mid: luloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmoo
(fal) hurdo iska dareen. Dh: lulood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulo
(Lula-da)
Lulmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulo
lulo¹: m.dh la-mid: lulmo.
lulo²: f.g/mg3 (-ushay, -ulatay) 1. (f.g) Caano iyo wixi lamida si subag looga dhaliyo ruxasho. 2. (f.g) Geed si miro looga daadiyo ruxasho. 3. (f.mg) Barwaaqo ku noolaansho. 4. (f.mg) Ka l.: wax meel sare ka soo laallaadsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lulo
f.g/mg3 (-ushay, -ulatay) 1. (f.g) Caano iyo wixi lamida si subag looga dhaliyo ruxasho. 2. (f.g) Geed si miro looga daadiyo ruxasho. 3. (f.mg) Barwaaqo ku noolaansho. 4. (f.mg) Ka l.: wax meel sare ka soo laallaadsasho. m.f.dh, lulasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lulo
v. shake; swing; be suspended
lulo v. churn milk into butter (for oneself)
lulo [feminine] n., [abstract] sleepiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulo
(fal) ruxmo ama halwo.
lulo: (fal) caano rux oo subag kala soo bax.
lulo-da: (magac, dhedig, keli) eeg lulmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulmo
-da: (magac, dhedig, keli) meelaha xagasha u eg ee ay dixihu ka baydhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmo
f.mg3 (-maday, -matay) Wax laallaada noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lalmo
f.mg3 (-maday, -matay) Wax laallaada noqosho. m.f.dh, lalmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lalmo
v. be suspended, hang down, dangle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmo
(fal) hawada ka soo laadlaadsan oo wax lusha noqo. Dh: laadlaadsanaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lalmo
de: be suspended, hang down, dangle
lx: lalmo
pd: (lalmaday)
ps: v3a=intr
key: lalmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lilmo
-da: (magac, dhedig, keli) biyo indhaha ka soo yaaca, farxad ama murugo awgeed. Dh: ilmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: lulmoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqmo
m.dh la-mid: luqmad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqmo
f. n. mouthful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqmo
a: luqmad
de: mouthful
lx: luqmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: luqmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamaanyo
(Gamaanya-da)
Hurdo; lulmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaanyo
m.dh Lulmo; hurdo.

laamaddoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Lulmo darteed in yar indho isku qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gamaanyo
m.dh Lulmo; hurdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laamaddoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Lulmo darteed in yar indho isku qabasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drowse
/draws/ (v) 1. lulmood, hurdo qabasho (n) 2. lulmo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drowsiness
/drawsines/ (n) lulmo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drowsy
/drawsi/ (adj) lulmood, lulmo keenaya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nod off
/nodh of/ (v) lulmo (adoo fadhiya seexasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lullumo
(Lulluma-da)
Xasharaad (kaneeco, rah, ...) yar oo ugaxnimada ka baxay; miraxareedaad (ama lullume).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lullumo
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: lullume¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lullumo
f. n. mosquito larva
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lullumo
-lullumada: (n) larva (laarva); newly hatched, worm like insect, often found in pools
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lullumo
-da: (magac, dhedig, keli) xasharaadka sida rah iyo wixii la mid ah oo markaas uun ugxannimadii ka baxay. Dh: midha-xareedaad, lunlumo, lulumo, muraxareeraad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lullumo
a: lullume (/ha) [n7-m]
de: mosquito larva
lx: lullumo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: miraxareedaad
key: lullumo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lulmo_1
de: shake, be shaken; be churned; swing, dangle
hm: 1
lx: lulmo
nt: lulmasho (/da) [vn6-f]
pd: (lulmaday)
ps: v3a=
key: lulmo_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lulmo_2
de: drowsiness, sleepiness
hm: 2
lx: lulmo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: lulmo_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulmood
(Lulmood-ka)
Lulmo qabasho; hurdo hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulmood
m.f.l eeg lulmoo. la-mid: lulood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lulmood
m.f.l eeg lulmoo. la-mid: lulood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lulmood
m. n., [abstract] drowsiness, sleepiness
lulmood v.pat: feel drowsy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lulmood
-ay / lulmootay: (v) become sleepy, dozy or drowsy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmood
-ka: (magac, lab, keli) lulmo iska dareemid: hurdo iska arkid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lunlumo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lullumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Culimo
magac loo baxsho gabadh laga filayo inay aqoon u lahaato cilmiga diinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culimo
-da: (magac, dhedig, keli) dad aqoon leh, gaar ahaan cilmiga Diinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culumo
-da: (magacwadareed) dad ku xeel dheer oo aqoon u leh waax ama qayb ka mid ah cilmiga. Li: caamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulmo
m.dh 1. Galmo. 2. la-mid: fuulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuulmo
vl. n. getting on top of something; sexual intercourse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fuulitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuulmo
a: fuulid
de: getting on top of s.t.; [fig.] sexual intercourse
lx: fuulmo
pd: (/da)
ps: vn-f
key: fuulmo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lùglio
s.m. - luulyo, julaay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulato
-da: (magac, dhedig, keli) badhida idaha ka lulata. Lax la qalay leggeed iyo haddii lulato lay silyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaqid iyo ruxmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulmid
(Lulmid-da)
1. Caano ruxmay oo subag ka soo go'ay noqosho.
2. Wax lulmay ama ruxmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulmid
m.f.dh eeg lulan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmid
-da: (magac, dhediq, keli) caano ruxmay oo subag ka soo go'ay noqosho.
lulmid-da: (magac, dhedig, keli) wax lulmay ama ruxmay noqosho. Dh: ruxmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulood
m.l la-mid: lulmood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lulood
vl. n. drowsiness, sleepiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulood
-ka: (magac, lab, keli) lulo dareemid; lulmo hayn; lulmood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lulood
de: drowsiness, sleepiness
lx: lulood
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: lulood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudmo
-da: (magac, dhedig, keli) luudid qunyarsocod ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Luulyo
f. n. July (seventh month of Roman calendar)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Luulyo
Juillet.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Luulyo
-Luulyada: (n) July (julaay) ~ Luuliyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Luulyo
-da: (magac, dhedig, keli) bisha toddobaad ee bilaha Miilaadiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Luulyo
cf: bil {It}
de: July (seventh month of Roman calendar)
lx: Luulyo
pd: (/da)
ps: n0-f-time, n6-f
key: Luulyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Neef ida ah oo asoollan wan doonasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaqa walax meel ka laadlaaddaa ay samayso, Dh: ruxmid, ruxmasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lunlulmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lulmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lul
(Lu-sha)
Wax jilicsan oo dabka la shida hayo oo bilawga ah lagu huriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lul
lul¹: m.dh.u Wax jilicsan oo dabka la shidayo marka hore lagu huriyo.
lul²: f.g1 (-ulay, -ushay) 1. Wax ruxid. 2. Wax meel ka soo lalmin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lul
f.g1 (-ulay, -ushay) 1. Wax ruxid. 2. Wax meel ka soo lalmin. m.f.dh, lulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lul
f. n., [collective] kindling, tinder
lul v. wave, shake, agitate; churn (milk into butter by shaking)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lul
-ay / lushay: (v) 1. swing back and forth; wave (weeyv); agitate (a ji-teeyt) ~ rux 2. churn (jeerri); agitate or stir milk in order to make butter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lul
(fal) caano iyo wixii la mid ah, weel ku shub oo ku rux oo subag kala bax. Dhiisha lul subag ha dhashee. Dh: rux.
lul: (fal) (soo ~) wax soo laalaadi oo meel sare soo sudh. Dh: deldel.
lul -sha: (magac, dhedig, keli) wax jilicsan oo dabka la shidayo oo bilawga ah lagu huriyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
almo
-da: (magac, dhedig, keli) barmiilka badh ka mid ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
élmo
s.m. - koofiyad bir ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fumo
s.m. - qiiq, qaac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulo
-da: (magac, dhedig, keli) jid cidhiidhi ah oo laga bixi karo. Dh: afaaf, daw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humo
f.g3 (-untay, -umatay) Maro duug ah tolasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
humo
v.auto: mend, patch ragged clothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humo
(fal) calallo ama wax la mid ah oo kala daadsan, toltolo.
humo-da: (magac, dhedig, keli) shinbir dadku aad u jecelyahay oo qofka dila mag laga qaado; waxay ka digtaa bahalaha iyadoo isla markaasna disha masaska soo xadgudba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
humo
de: mend, patch ragged clothing
lx: humo
pd: (huntay / humatay)
ps: v3b=auto
key: humo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmo
1. (Ilma-da) Dhibco biyo ah oo dhanaan oo qanjirrada indhaha ka yimaada; illin.
2. (Ilma-ha) (keli iyo kooxba); dhal; dhallaan; carruur; ubad; gurbood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmo
ilmo¹: m.l.u Dhallaan; caruur; ubad.
ilmo²: m.dh.u Dhibco biyo dhanaan ah oo qanjirrada indhaha ka yimaadda; ilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilmo
ilmo¹: m.l.u Dhallaan; caruur; ubad.
ilmo²: m.dh.u Dhibco biyo dhanaan ah oo qanjirrada indhaha ka yimaadda; ilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmo
m. n., [collective] child; children, offspring; baby
ilmo [feminine] n., [collective] tear, tears
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilmo
-ha: (n) [Plural of cunung-ga] children (jiildareen); babys (beeybis) ~ carruur
ilmo -da: (n) [plural of illin] tears (ti-yaris)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmo
-ha: (magac, lab, keli) cunug ama qof yar oo dhallaan ah.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ilmo
طفل
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulo
v. get angry, heated ~ irritated
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulo
de: get angry, heated ~ irritated
lx: kulo
pd: (kushay / kulatay)
ps: v3b=
key: kulo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limo
f.g3 (-intay, -imatay) Beer harammo ka gurasho.