lui
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lui
pron. - isaga.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lui
lui, pron. pers. - Isaga.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Isagu
il, lui.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
U
le, lui. la, elle, les, eux. elles (complément d'objet).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
a
prep. - u; ku (lo dico a lui: isagaan u sheegayaa; vado a casa: gurigaan u socdaa; vive a Roma: Roma ayuu ku nool yahay).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gli
art. - qodob wadar lab (eeg qaybta naxwaha).
pron. waa magac u yaalka saddexaad oo ka yimid: (a lui, a loro, a lei).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gigoter
gigoter, v. - luidda lugta oo aan kala joojis lahayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lui-même
lui-même - naftiisa; iskii.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
plein
plein, adj. - buuxda.
entier, complet - dhan; maalin dhan la shaqeeyo.
rond, gras - buuran oo wareegsan;waji buuran oo wareegsan.
qui porte des petits - uur leh.
à pleines mains - badan; aad u farabadan.
à pleines voiles - degdeg ah.
de plein air - duula sida haad.
en plein jour - maalin cad; maalinta gudaheed.
en pleine rue - jidka dhexdiisa.
en pleine terre - ciidda dhexdeeda.
home plein de lui-même - qof isla wayn; kibir badan,
pleine lune - caddo afar iyo tobnaad,
les pleins pouvoirs - wax uu rabo in uu sameeyo xor u ah
plein, n.m. - meel bannaan aan lahayn.
faire le plein d'essence - baansiin ku shubidda baabuurka.
en plein - badhtamaha.
plein, prép. et adv. - buuxa; lacag badan haysta; badan.
plein de - ka buuxa; badan
tout plein de - badan (dad badan baa ka buuxa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luki
(Luki-da)
Shinbir-guri; diyaad; digaag; dooro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luki
m.dh Digaag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luki
m.dh Digaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luki
f. n. chicken, hen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luki
-da: (magac, dhedig, keli) digaagga ta dhidig ee ukunta dhasha. Li: doore, diig.
luki-da: (magacwadareed) shinbirgurida digaagga loo yaqaan magac guud oo labkiisa, dheddigiisa iyo yar iyo weynkiisaba kulmiya. Dh: dooro, digaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luki
de: chicken, hen
lx: luki
pd: (-da)
ps: n2a-f
syn: digaag, dooro
key: luki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Habaabin; anbin. 2. Xoorid; khasaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Habaabin; anbin. 2. Xoorid; khasaarid. m.f.dh, lumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lumi
v. lose; waste
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lumi
-yey / say: (v) cause to disappear or lost
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumi
(fal) wax hallee oo wax aan il lagu hayn kat dhig. Dh: ambi, hallaabi, dhumi, faki. Li: hel.
lumi: (fal) jidka toosan ka leexi oo khatal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lumi
de: lose; waste
lx: lumi
pd: (lumiyey)
ps: v2a=tr
key: lumi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
li
pron. - iyaga (la fale).
avv. - halkaas.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cui
pron. - kii, tii.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lei
pron. - iyada; qof xushmayn mudan: (lab & dheddig).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
loi
loi, n.f. - Sharci
homme de loi - qofka sharciga ilaaliya.
sans loi - Bilaa sharci; sharcidarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lud
(Lud-da)
Cad hilib ah oo baruur leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lud
m.dh Hilib jiir iyo baruur isugu jira oo aan laf lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lud
m.dh Hilib jiir iyo baruur isugu jira oo aan laf lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lud
f. n., (mass n.): flesh, fatty piece of meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lud
-da: (magac, dhedig, keli) oogada nafleyda inteeda aan lafta lahayne jüidhka ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lud
de: flesh, fatty piece of meat
lx: lud
pd: (-da)
ps: n1-f-mass
key: lud
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lue
s.f. - xabbad, waraabow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luf
luf¹: m.l (-faf, m.l) Cad yar oo wax dhammaaday ka soo haray.
luf²: f.g1 (-fay, -ftay) Wax yar uruurin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luf
m.l (-faf, m.l) Cad yar oo wax dhammaaday ka soo haray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luf
m. n. tiny piece, particle, corpuscle
luf v. collect, gather (up)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luf
(fal) wax yar uruurin.
luf -ka: (magac, lab, keli) cad yar oo wax dhammaaday ka soo haray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lug
(Lug-ta)
1. Xubnaha dadka iyo nafley kale oo badani ku socoto, middood; tan dadku waxay ka kooban tahay bowdo iyo kub iyo cag; xoolaha iyo nafleyda kale oo afarta addin ku socota, labada danbe keliya baa lagu magacaabaa lugo, labada horena jeenyo.
2. Ciidanka lugta ku socda, (lug iyo faras).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lug
m.dh (-go, m.l) 1. Bilawga bowdada ilaa cagta ama qoobka. 2. Jeex weyn oo laag ku dara dhirna leh. 3. Socod aan gaadiid la fuushanayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lug
m.dh (-go, m.l) 1. Bilawga bowdada ilaa cagta ama qoobka. 2. Jeex weyn oo laag ku dara dhirna leh. 3. Socod aan gaadiid la fuushanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lug
f. n. foot, leg; walk; pedestrians; infantry
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lug
/lag/ (v) xammaalid (wax culus oo dhib lugu qaado).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lug
-ta: (n) leg (leeg); foot (fuut)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lug
-ta: (magac, dhedig, keli) addimada dadka iyo nafley kale oo badani ku socoto, middood. Waxa ay ka kooban tahay bawdo, kub iyo cag. Xoolaha iyo nafleyda kale oo afarta addin ku socota, labada danbe oo keliya ayuun baa lagu magacaabaa lugo, labada horena waxa lagu magacaabaa jeenyo. Ha lululin lugtaan kabay, laxawgii ha soo celin, waan yara ladnaadee. Wa: lugo.
lug -ta: (magac, dhedig, keli) erey ciidanka loo adeegsado oo lagu tusmeeyo ciidanka dhulka.
lug -ta: (magac, dhedig, keli) laagaha ku soo darsama togagga, middood. Dh: far, luuq, laag.
lug-ta: (magac, dhedig, keli) eeg lugayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lug
de: foot, leg; walk; pedestrians; infantry
lx: lug
pd: (-ta)
ps: n1-f
xe: It is only a five minute walk.
xv: Waa shan daqiiqadood oo lug ah keliya.
key: lug
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
lug
رجل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lul
(Lu-sha)
Wax jilicsan oo dabka la shida hayo oo bilawga ah lagu huriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lul
lul¹: m.dh.u Wax jilicsan oo dabka la shidayo marka hore lagu huriyo.
lul²: f.g1 (-ulay, -ushay) 1. Wax ruxid. 2. Wax meel ka soo lalmin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lul
f.g1 (-ulay, -ushay) 1. Wax ruxid. 2. Wax meel ka soo lalmin. m.f.dh, lulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lul
f. n., [collective] kindling, tinder
lul v. wave, shake, agitate; churn (milk into butter by shaking)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lul
-ay / lushay: (v) 1. swing back and forth; wave (weeyv); agitate (a ji-teeyt) ~ rux 2. churn (jeerri); agitate or stir milk in order to make butter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lul
(fal) caano iyo wixii la mid ah, weel ku shub oo ku rux oo subag kala bax. Dhiisha lul subag ha dhashee. Dh: rux.
lul: (fal) (soo ~) wax soo laalaadi oo meel sare soo sudh. Dh: deldel.
lul -sha: (magac, dhedig, keli) wax jilicsan oo dabka la shidayo oo bilawga ah lagu huriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lun
(Lun-ta)
1. Meel god ah ama ceel oo ciid jilicsan ama dhoobo qoyani ku daboolan tahay, oo wixii ku dhaca liqa.
2. Beeraha, godadka abuurka lagu rido, midkiiba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lun
lun¹: m.l 1. Meel dhoobo qoyan oo jilicsan leh oo marka cagta la saaro hoos ula degta. 2. (- uman, m.l) God marka beeraha la abuurayo miraha lagu duugo.3. God hoos u dheer. 4. L. ah: dhar duug ahoo diindiimaya.
lun²: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Wax dhumay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lun
lun¹: m.l 1. Meel dhoobo qoyan oo jilicsan leh oo marka cagta la saaro hoos ula degta. 2. (- uman, m.l) God marka beeraha la abuurayo miraha lagu duugo.3. God hoos u dheer. 4. L. ah: dhar duug ahoo diindiimaya.
lun²: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Wax dhumay noqosho. m.f.dh, lumid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lun
Loss
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lun
v. be lost, get lost
lun [feminine] n. furrow, hole in the ground (e.g., for planting)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lun
-lumay I tay: (v) disappear (disappiir)-, be lost; get lost
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lun
(fal) hallaw oo waddadii ka habaw. Dh: dhun, ambo.
lun -ta: (magac, dhedig, keli) beeraha, godadka abuurka lagu rido, midkiiba.
lun-ta: (magac, dhedig, keli) meel god ah ama ceel ah oo ciid jilicsan ama dhoobo qoyani ku daboolan tahay oo wixii ku dhaca liqda. Dh: hataq, booraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lur
(Lur-ta)
Dhib; shiddo; luggooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lur
lur¹: m.dh Dhibaato, shiddo, luggooyo.
lur²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid dhibid, shiddayn, luggoyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lur
f. n. trouble, nuisance
lur v. pester, trouble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lur
-ta: (n) problem (poro-baleem)-, dilemma (dileema); difficulty (difikalti)-, hardship (haadh-shiip)-, suffering (safa-ring); adversity (adh-veer-siti) ~ dhib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lur
(fal) dhibaatay oo shidday.
lur -ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato la dareemo. Laganyada jacaylkiyo, lurta caashaq kululaa. Dh: haddimo, dhib. Li: dheef.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
oui
oui, adv. - haa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
qui
avv. - halkaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
qui
qui, pron.rel. - kee; kuwa; kii; kaas; qofkii
qui est-ce? - waa ayo?
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
celui
celui, pron.dém, - kii; midkii
celui-ci - kan
ceux-ci - kuwan
celui-là - kaas
ceux-là - kuwaas
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
colui
pron. - midkii, qofkii.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fluid
Hoor
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fluid
/fluu idh/ (n) 1. dareere (adj) 2. dareere ah, dheecaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lubbi
(Lubbi-ga)
Kal; laab; qalbi; niyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lubbi
m.l Qalbi; kal; laab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lubbi
m. n., [collective] core (of), heart; desire, good feelings; intelligence
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Lubbi
name-fheart, core; desire, good feelings; intelligence (Arb)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lubbi
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo iyo daranyo.
lubbi-da: (magac, dhedig, keli) wixii jidiinka mara oo dhan.
lubbi -ga: (magac, lab, keli) meesha wax laga dareemo ee naca iyo jacaylku ka dhasho, Dh: niyad, maan, lubbo, kal, laab, niyo, qalbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lubbi
bw: Arabic
cf: kal iyo laab, qalbi, niyo
de: core (of), heart; [ext.] desire, good feelings; intelligence
lx: lubbi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: lubbi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lucid
/luusidh/lucidly, lucidity; (adj) 1. qeexan (wax cad oo sahal loo fahmi karo) 2. maskax fiican leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lufid
m.f.dh eeg luf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulid
(Lulid-da)
1. Caano ruxid oo subag ka soo saarid.
2. Wax lalmada ka dhigid; laallaadin; raaricin.
3. Ruxid; gilgilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulid
m.f.dh eeg lul². la-mid: lulniin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lulid
-da: (n) wavering (weeyvaring); swing (iswing) ~ raaricin, laalaadin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhinac u wadhaamin oo u dhaqdhaqaajin. Laantu way jabaysaaye lulidda ka daa. Dh: ruxid, lulis.
lulid-da: (magac, dhedig, keli) wax lalmanaya ka dhigid; meel soo sudhid. Dh: laadlaadin, raaricin.
lulid -da: (magac, dhedig, keli) caano iyo wixii la mid ah, ruxruxid oo subag kala bixid. Dh: lulis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg lulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lumid
(Lumid-da)
Wax la waayey noqosho; hallaabid; habaabid; anbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumid
m.f.dh eeg lun².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lumid
vl. n. becoming lost
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lumid
-da: (n) disappearance (dis-apiirensi); losing (luusing); loss (loos) ~ lumis -ta
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Lumid
Perdizione
Loss
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumid
-da: (magac, dhedig, keli) hallaabid oo waddadii ama yoolkii la rabay ka habaabid. Dh: dhumid, ambasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lumid
de: becoming lost
lx: lumid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: lumid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lumin
(Lumin-ta)
Wax hallaabay ka dhigid; habaabin; anbin.
2. Xoorid; khasaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumin
m.f.dh eeg lumi. la-mid: lumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumin
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka toosan ka leexin. Dh: khatalid, lumis.
lumin-ta: (magac, dhedig, keli) ka yeelista wax hallaabay oon gacan lagu hayn. Dh: hallayn, fakin, ambin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumis
m.l la-mid: lumin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lumis
-ta: (n) disappearance ~ see [eeg] lumid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumis
-ka: (magac, lab, keli) wax la hayay, daayicid. Dh: lumin.
lumis-ta: (magac, dhedig, keli) jidka toosan ka baydhid. Dh: lumid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lundi
lundi, n.m. - maalinta Isniinta; Isniin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lunsi
-ga: (n) embezzlement (em-bezel-ment)-, breach of trust; misappropriation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lurid
(Lurid-da)
Dhibid; shiddeyn; luggoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lurid
m.f.dh eeg lur².