lugyaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lugyaro
(Lugyara-da)
Labada lugood oo midi yaraato cudur ama wax kale oo gaarey darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugyaro
m.dh (daawo) Cudur ku dhaca lugaha oo lugtii uu ku dhaco ay ka yaraato lugta kale ama ka gaabato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lugyaro
m.dh (daaw.) Cudur ku dhaca lugaha oo lugtii uu ku dhaco ay ka yaraato lugta kale ama ka gaabato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lugyaro
f. n. one leg that is shorter than the other
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugyaro
-da: (magac, dhedig, keli) cudur ku dhaca lugaha oo lugtii uu ku dhaco ay ka yaraato lugta kale ama ka gaabato.
lugyaro -da: (magac, dhedig, keli) xanuun carruurta ku dhaca oo u keena inuu yaraanta ku naafoobo oo labada lugood middood tan kale ka gaabato. Dh: sinyaro, dabayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lugyaro
de: one leg that is shorter than the other
lx: lugyaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: lugyaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugyar
(ereydhawaaq) loo adeegsado kolka laba dibi beer lagu qodayo inay hal tallaabo xagga hore u qaadan. Dugyar dheh dibida oo faagga gaadhsii halkiisii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaaro
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: ugaarso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaaro
v. hunt down, hunt for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaaro
-ugaartay I ugaaratay: (v) hunt (hanti); hunt wild animals (game)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaaro
(fal) ugaadh soo dabo ama dishoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaaro
de: hunt down, hunt for oneself
initial: u
lx: ugaaro
pd: (ugaartay)
ps: v3b=
syn: ugaarso
key: ugaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bu'yaro
m.dh (-ooyin, m.l) (baayoloji) Jidh yar oo wareegsan oo isku cufan oo laga helo bu'da aan qaybsamin ee unugga dhirta iyo xayawaanka, taas oo ka kooban borotiin, DNA, iyo RNA. Waxay door muhiin ah ka ciyaartaa soo saaridda ribosoomka iyo borotiinka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bu'yaro
m.dh (-ooyin, m.l) (baay.) Jidh yar oo wareegsan oo isku cufan oo laga helo bu'da aan qaybsamin ee unugga dhirta iyo xayawaanka, taas oo ka kooban borotiin, DNA, iyo RNA. Waxay door muhiin ah ka ciyaartaa soo saaridda ribosoomka iyo borotiinka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bu'yaro
-da: cad yar oo wareegsan oo laga helo bu'da aan qaybtamin ee unugga dadka, dhirta iyo xayawaanka, taas oo ka kooban borotiin, DNA iyo RNA. waxay door muhiim ah ka ciyaartaa soo saaridda borotiinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulyaro
m.dh la-mid: dulyaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuryaro
m.dh Uur aan caloosha ka muuqan wallacna dhaafay; bilayaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uuryaro
m.dh Uur aan caloosha ka muuqan wallacna dhaafay; bilayaro.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bugiardo
agg. - beenaale, beenlow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garo
garo¹: m.dh.u Riyo.
garo²: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax fahmid. 2. Wax aqoonsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garo
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax fahmid. 2. Wax aqoonsasho. m.f.dh, garasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garo
v. understand, know (how), be able; recognize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garo
-gartay I garatay: (v) know or identify; recognize (rekegnaayz). Ex: ma garan kartaa...; can you recognize...
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garo
(fal) sheeg waxa uu yahay; hubi inaad aqoon u leedahay oo ka jawaab.
garo -da: (magac, dhedig, keli) midab qaarka hore ee riyaha ku yaal oo inta kale ka duwan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garo
de: understand, know (how), be able; recognize
lx: garo
pd: (gartay / garatay)
ps: v3b=
xe: I don't understand.
xv: Ma garan.
key: garo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugar
ugar¹: m.l 1. Inan. 2. Harag xoolaad oo la idiimay.
ugar²: m.dh (-ro, m.l) Kiish ama boorso harag ka samaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugar
-ka: (magac, lab, keli) dhallaan ama canug yar.
ugar -ka: (magac, lab, keli) harag la aslay.
ugar -ta: (magac, dhedig, keli) kiishad ama shandad yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugar
-ka: (magac, lab, keli) heerka kulaylka ama qabowga hawada.
hugar -ka: (magac, lab, keli) cod dad aan kuu muuqan. Dh: cod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Dhanka dabayshu ka imaanayso aadid (xoolo iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layro
v. flap in the wind, flutter in the breeze (as a flag)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layro
de: flap in the wind, flutter in the breeze (as a flag)
lx: layro
nt: layrasho (/da) [vn-f]
pd: (layrtey)
ps: v3b=
key: layro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugay
(fal) lugaha ku soco. Dh: lugee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lunar
/luunar/ (adj) dayaxa (ee dayaxa).
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sugar
Sonkor
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sugar
/shugar/ (n) 1. sonkor (v) 2. sonkorayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sugar
n., sonkor or sunkor, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ugaar
(Ugaar-ta)
Nafley banjoog ah oo aan dugaag iyo haad iyo bahallo kale midna ahayn ee daaqda oo hilibkeeda la cuno oo ay ka mid yihiin biciidka, dabataagta, cawsha, deerada, sagaarada...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaar
ugaar¹: m.dh.u Nafley banjoog ah oo hilibkeeda la cuno sida biciidka, deerada, iyo wixi lamida.
ugaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Ugaar dilasho (qof). la-mid: ugaarso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ugaar
m.dh.u Nafley banjoog ah oo hilibkeeda la cuno sida biciidka, deerada, iyo wixi lamida. la-mid: ugaadh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaar
f. n., [collective] game-animal; prey
ugaar v. hunt, go hunting
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ugaar
nickname; name-m prey, hunt; wild game
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaar
-ta: (n) wild animal; game (geeym) hunted for food or sport ~ ugaadh
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ugaar
Selvaggina
Wildgame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ugaadh.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Uyare
Minimum
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Cid ujeeddadeeda fahmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afgaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Cid ujeeddadeeda fahmid. Tusaale: Nimankii dagaalsanaa way is afgarteen. m.f.dh, afgarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgaro
(fal) garo oo fahan waxa uu ku leeyahay.
afgaro: (fal) sii wax uu hawlfududayn kuugu sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugaar
-ta: (magac, dhedig, keli) alaabta guriga iyo maacuunka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato muuqata oo baahi keentay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax aan dulqaad lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax aan dulqaad lahayn ahaansho. m.f.dh, dulyaraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulyar
Comp. adj., (ie. n., adj.): impatient, intolerant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulyar
-aa/ayd: (adj) impatient (im-peey-shent); intolerant (intoo-larant) ~ dulqaad yari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulyar
(tilmaame) qof dulqaad yar oo aan gefka qaadan karin. Dh: dulqaadyar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulyar
de: impatient, intolerant
lx: dulyar
pd: (dulyaraa)
ps: adj-cmp
key: dulyar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fuyard
fuyard, adj. - qof carar ah; fakad ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaro
-da: (magac, dhedig, keli) gobanimada iyo sharafta.
gumaro-da: (magac, dhedig, keli) xoolo raasamaal ah. Aniga gumaro xoolaad, giddi way ila wacantahay, adigaase kala gurey. Dh: hanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilyaro
m.dh Marinka ilmada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilyaro
f. n. lachrymal duct; inner corner of the eye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilyaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ilyar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilyaro
de: lachrymal duct; inner corner of the eye
lx: ilyaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ilyaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kayaro
-da: (magac, dhedig, keli) wax, wax ka yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafyar
(tilmaame) mid jimidh yar oo aan awranayn.
lafyar -ta: (magac, dhedig, keli) lafaha jidhka kuwooda aan dhaadheerayne yaryar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
legare
v.tr. - xirid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
looyar
-ka: (n) lawyer (looyar); attorney (a-toorni); counselor (konsular); counsel, barrister, solicitor ~ garyaqaan, qareen, abukaate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
looyar
-ka: (magac, lab, keli) abuukaate; qareen; sharciyaqaan; qaanuunyahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lugayn
(Lugayn-ta)
Lugo ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugayn
m.f.dh eeg lugee. la-mid: lugays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socoto aan gaadiid la fuuline lug lagu socdo. Dh: cagayn, lugays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugays
m.l la-mid: lugayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugays
-ka: (magac, lab, keli) eeg lugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Kala l.: wax iska reebid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lugbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Kala l.: wax iska reebid. m.f.dh, lugbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugbax
(fal) (kala ~) wax iska reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lugcad
(Lugcad-da)
Libaaxa badda jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugcad
m.dh.u Libaax-badeedka jaad ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lugcad
f. n., [collective] small fry ~ young of a shark species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugcad
-da: (magac, dhedig, keli) libaaxa badda jaad ka mid ah.
lugcad-da: (magac, dhedig, keli) socotoda aan gaadiid saarnayn oo cagaynaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lugcad
de: small fry ~ young of a shark sp.
lx: lugcad
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: lugcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggoo
f.g2 (-gooyay, -goysay) 1. Cid waqti ka lumin. 2. Si kas ah qof marin toosan uga habaabin. 3. Cid ballan been ah siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luggoo
f.g2 (-gooyay, -goysay) 1. Cid waqti ka lumin. 2. Si kas ah qof marin toosan uga habaabin. 3. Cid ballan been ah siin. m.f.dh, luggoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggoo
(fal) qof kale, wax uu dan u lahaa oo uu sugayay weysii. Dh: hantaaq, luggoy.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lùglio
s.m. - luulyo, julaay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulato
-da: (magac, dhedig, keli) badhida idaha ka lulata. Lax la qalay leggeed iyo haddii lulato lay silyo.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
lumbar
(adj) the lower back between the ribs and the pelvis.
dhabar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunyar
Aayar; xasil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunyar
m.dh.fk Q. ama si q. ah: aayar, xasil, tartiib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qunyar
m.dh.fk Q. ama si q. ah: aayar, xasil, tartiib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunyar
[adverbial] [expression] leisurely, slowly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qunyar
(adv) slowly (islowli); taking more time than is usual or necessary ~ tartiib, aayar. Ex: qunyar u soco; walk slowly. —Syn: leisurely, laggardly, deliberately
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunyar
(tilmaame) aayar, si degganaani ay ku jirto.
qunyar: (fal) aayar, xasil, tartiib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunyar
de: leisurely, slowly
lx: qunyar
ps: adv-expr
syn: aayar
key: qunyar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagaro
(Sagara-da)
Sigaar, buuriga iyo xaashidu kala samaysan yihiin, oo qofku kolkuu cabba hayo isagu farihiisa ku duubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaro
m.dh (-ooyin, m.l) Sigaar buuriga iyo xaashidu kala samaysanyihiin oo qofka cabbayaa duubto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagaro
f. n. hand-rolled cigarette (of tobacco and paper)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaro
-da: (magac, dhedig, keli) xero yar oo oodan oo aqalka ardaagiisa ah; fagaagga ama daaradda aqalka ee la dhigto caleenta iyo balka ama laga beerto khudaar.
sagaro -da: (magac, dhedig, keli) sigaar buuriga iyo warqadda lagu cabbayaa ayna isla socon oo qofku kolkuu doonayo isagu farihiisa ku duubto Dh: saakarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sagaro
de: hand-rolled cigarette (of tobacco and paper)
initial: s
lx: sagaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sagaro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sigaro
s.m. - siigaro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sugary
/shugari/ (adj) sonkor leh (sonkor badan).