lughelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lughelid
m.f.dh eeg lughel. la-mid: lughel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lughel
f.mg1 (-elay, -eshay) La l.: cid socotay raacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lughel
(fal) lacid socotay raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggeli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Arrin aan wax ka qabashadeeda daacad loo ahayn isku dirqiyid. 2. Arrin, hawl iyo wixi lamida carqaladayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luggeli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Arrin aan wax ka qabashadeeda daacad loo ahayn isku dirqiyid. 2. Arrin, hawl iyo wixi lamida carqaladayn. m.f.dh, luggelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luggeli
v., [compound] intervene, interfere
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggeli
(fal) arrin dhex gal oo xallinteeda ama murginteeda qayb ka noqo. Luggeli arrinta cali iyo xaaskiisa ka dhaxaysa. Dh: farageli, dhexgal, dhexdhexaadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luggeli
de: intervene, interfere
lx: luggeli
pd: (luggeliyey)
ps: v2a=cmp
key: luggeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luggelin
(Luggelin-ta)
(arrin) gelid; wax ka qabashadeed isku deyid, danayn; faraggelin, dhexgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggelin
m.f.dh eeg luggeli. la-mid: luggelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggelin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin dhex galid oo xallinteeda ama murginteeda ka qaybqaadasho. Dh: faragelin, dhexgalid, dhexdhexaadin, luggelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luggelis
(Luggelis-ka)
1. (arrin) faraggelis, dhexgal.
2. Xoogsato aan joogto ahayn ee hadba kol xoojisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggelis
m.l 1. L. ah: xoogsade aan si joogto ah u shaqayn ee hadba kol shaqeeya. 2. la-mid: luggelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luggelis
m.l 1. L. ah: xoogsade aan si joogto ah u shaqayn ee hadba kol shaqeeya. 2. la-mid: luggelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luggelis
vl. n. intervention, interference
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggelis
-ka: (magac, lab, keli) eeg luggelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luggelis
de: intervention, interference
lx: luggelis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: luggelis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelid
(Gelid-da)
Wax dhexdi ama gudihi gaarid, tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelid
m.f.dh eeg gal³. la-mid: galmo, galniin, gelis², gelitaan, gelniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelid
vl. n. entry, entrance, act of entering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gelid
-da: (n) the act of entering ~ gelis-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelid
-da: (magac, dhedig, keli) gudaha gelid oo dhexda tegid. Gelidda xeryaha ciidanku amar la'aan waa halis. Li: bixid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelid
de: entry, entrance, act of entering
lx: gelid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: gelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Helid
(Helid-da)
Wax la waayey ama lumay la kodlid, arkid, keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
helid
m.f.dh eeg hel.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
helid
-da: (n) the act of finding, obtaining or receiving ~ helitaan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HELID
Ricevere
To receive
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Helid
Ricevimento
Reception
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
helid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur, dhibaato iyo wixii la mid ah, ku dhicid; helis.
helid -da: (magac, dhedig, keli) roob, ku di'id; helis.
helid-da: (magac, dhedig, keli) tuugo, cadaw iyo wixii la mid ah, la kulmid; helis.
helid-da: (magac, dhedig, keli) wax la waayey ama hore u lumay la kulmid, arkid, keenid; helis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulid
(Lulid-da)
1. Caano ruxid oo subag ka soo saarid.
2. Wax lalmada ka dhigid; laallaadin; raaricin.
3. Ruxid; gilgilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulid
m.f.dh eeg lul². la-mid: lulniin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lulid
-da: (n) wavering (weeyvaring); swing (iswing) ~ raaricin, laalaadin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhinac u wadhaamin oo u dhaqdhaqaajin. Laantu way jabaysaaye lulidda ka daa. Dh: ruxid, lulis.
lulid-da: (magac, dhedig, keli) wax lalmanaya ka dhigid; meel soo sudhid. Dh: laadlaadin, raaricin.
lulid -da: (magac, dhedig, keli) caano iyo wixii la mid ah, ruxruxid oo subag kala bixid. Dh: lulis.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lùglio
s.m. - luulyo, julaay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luulid
(Luulid-da)
Carruurta aan weli calaliska bilaabin, carrabkooda calalin, ruugid; waxay calaamo u tahay inay calalis doonayaan oo u baahan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luulid
m.f.dh eeg luul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luulid
-da: (magac, dhedig, keli) carrabjalaqada caruurta hadalbaradka ah; carrabcalaliska ubadka aan weli ababin. Luuliddu caruurta inta badan way ka ba'daa. Dh: jabago, carrabjalago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhelid
m.f.dh eeg ilhel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilhelid
-da: (magac, dhedig, keli) tabco dhagareed la helid; khayaano ku maroorin. Dh: sirid, dhagrid, khayaanayn, fashilmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugjiid
-ka: (magac, lab, keli) naxdin darteed la soconwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buseelid
(Buseelid-da)
Buseel u qabasho; jeel u qabasho; tebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buseelid
m.f.dh eeg buseel². la-mid: buseel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buseelid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) wax in badan kaa raagay ama kaa maqnaa helitaankiisa ama arkitaankiisa hammad weyn u qabid. Dh: busaylid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleelid
m.dh la-mid: daloolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel in yar ka furantahay ahaan. Dh: daloolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garhelid
m.f.dh eeg garhel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garhelid
-da: (magac, dhedig, keli) qof aad gar dhigateen oo aad garta ka heshid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huleelid
(Huleelid-da)
Socod cagajiid ah, socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huleelid
m.f.dh eeg huleel². la-mid: huleel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huleelid
-da: (magac, dhedig, keli) si cagajiida ah u socosho. Huleelid bay ku yimaaddeen. Dh: cagajiidid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ka helid
favour! te
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugbixid
m.f.dh eeg lugbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luggo'id
(Luggo'id-da)
Luggooyo ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggo'id
m.f.dh eeg luggo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggo'id
-da: (magac, dhedig, keli) «ku ku hongoobid wax aad dan u lahayd oo aad wax ka sugaysay. Dh: hongoobid, hantaaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warhelid
m.f.dh eeg warhel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warhelid
-da: (magac, dhedig, keli) helitaanka xogta iyo wararka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudaggelid
m.f.dh eeg gudaggal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel furnayd gudaha u gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guriggelid
m.f.dh eeg guriggal². la-mid: guriggal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guriggelid
-da: (magac, dhedig, keli) aroosgelid; aqalgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaggelid
m.f.dh eeg talaggal². la-mid: talaggal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) aarrin ku sii xisaabtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflagelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid aanan sheeko kula lahayn, hadalkooga ku ku dhex dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalhelid
(Caalhelid-da) (u caalhelid)
Maaro u helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalhelid
m.f.dh eeg caalhel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalhelid
-da: (magac, dhedig, keli) «u ~ arrin la hayay, xal iyo maaro u helid. Dh: maaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawggelid
(Dawggelid-da)
1. Waddo isu fariisasho, gaadmo darteed; cimilgelid; kuurgelid.
2. (ugu dawggelid) Sabab u noqosho; ugu soo halrarasho; eersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawggelid
m.f.dh eeg dawggal². la-mid: dawggal¹ (1).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digdhebid
(Digdhebid-da)
Digta oo la gooyo ama lagu dhufto: dilid; birayn; gowricid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digdhebid
m.f.dh eeg digdhaw². la-mid: digdhaw¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duggaalid
m.dh la-mid: duggaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulbeelid
(Dulbeelid-da)
(xoolaha la rarto) garbabbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulbeelid
m.f.dh eeg dulbeel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) muur la rarto, garbabeelid; xamilgabid oo dusha nadar ku yeelasho. Dh: garbabeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudgelid
m.dh Duudgaloobidda. la-mid: duudgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duurgelid
m.dh Diididda ruux diido in uu ehelkiisa la noolaado. la-mid: duurgal (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurgelid
-da: (magac, dhedig, keli) kaynta xulid oo wax dibad meer ah noqosho. Odayga cadho ayaa duurgelidda ugu wacan. Dh: duurxulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurgelid
(Kuurgelid-da)
Cid soo korfariisad; kaabiga u imaansho; cimilgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurgelid
m.f.dh eeg kuurgal². la-mid: kuurgal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugajarid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhibaato kaga dhacday lugaha ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lugduubid
(Lugduubid-da)
1. (fuullaan fardood) lugduub faras ku fuulid.
2. Cayaar lugduub ku dheehid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugduubid
m.f.dh eeg lugduub². la-mid: lugduub¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugduubid
-da: (magac, dhedig, keli) si lugduub ah faras ku fuulid.
lugduubid -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar, lugduub ku boodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugqaadid
m.f.dh eeg lugqaad².
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Lunghezza
Cabbir, qiyaas
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lunghezza
s.f. - dherer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarhelid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maarahelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shushulid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg shushul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yagleelid
m.f.dh eeg yagleel². la-mid: yagleel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yagleelid
-da: (magac, dhedig, keli) booto cusub oo ood ah dhidibada u taagid; dhisme cusub dhidbaha u taagid. Yagleeliddu way fududahaye dhamaystirkaa culus. Dh: asaasid, yagleelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulduleelid
m.dh la-mid: daldaloolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guureggelid
m.dh la-mid: guurayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuraggelid
(Suuraggelid-da)
Wax dhici kara ahaansho, noqosho; suuroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuraggelid
m.f.dh eeg suuraggal². la-mid: suurtaggelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuraggelid
-da: (magac, dhedig, keli) meelmarid, wax maanku sixid. Suuraggelidda arrintu waa sugukuun. Dh: hirgelid.