lugeeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugeeye
-ha: (magac, lab, keli) qof meesha uu rabo aan gaadiid u raacine lugtiisa ku gaara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isugeeye
m.l Gawaad; ruufiyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isugeeye
m. n. mediator, intercessor; go-between
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isugeeye
de: mediator, intercessor; go-between
lx: isugeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: isugeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugee
f.mg2 (-geeyay, -gaysay) Gaadiid la'aan meel socod ku aadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lugee
f.mg2 (-geeyay, -gaysay) Gaadiid la'aan meel socod ku aadid. m.f.dh, lugayn. m.f.dh, lugayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lugee
v. walk, go on foot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lugee
-yey / lugeysay: (v) go over by foot; walk (wook); leg (leeg); tread (tareedh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugee
(fal) gaadiid ha raacine lugahaaga ku soco. Dh: lugay, lugey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lugee
de: walk, go on foot
lx: lugee
pd: (lugeeyey)
ps: v2b=
key: lugee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lugey
(Lugey-ga)
Qof lug la'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugey
m.l Qof lug la'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lugey
m.l Qof lug la'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lugey
m. n. one-legged person, cripple
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lugey
-ga: (n) limp (limp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugey
(tilmaame) qof lug la'; laangadhe, jiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lugey
de: one-legged person, cripple
lx: lugey
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: lugey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugeyn
m.f.dh eeg lugee. la-mid: lugeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugeys
m.l la-mid: lugeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceeye
-ha: (magac, lab, keli) qof dadka alle u barya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nageeye
magac loo bixiyo wiil dhasha hooyadii oo socon lahayd ama dhaxalwareegi lahayd oo sababtiisa ku nagaata ama dhaxal ku hesha.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Negeeye
name-m to make stable; calm down, to cause to become calm serene. Cf: Negaad, Negeeya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kalageeye
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay dad wada jiray ay kala tageen, ama dhib taallay ay dhammaatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kululeeye
-ha: (magac, lab, keli) qalab intal korontada lagu xiro, wax lagu kululaysto.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Loo geeye
Addend
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cusleeye
magac loo baxsho wiil caloosha hooyadii ku jiray in ka badan sagaal bilood.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guureeye
name-m night traveler; lit: he who was born during a night time travel. Syn: Guure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guureeye
magac loo baxsho wiil, eeg Guure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqleeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Gafane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wargeeye
(Wargeeya-ha)
Qofka warka qora ama doona ama qaada ama geeya, ama tebiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargeeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof diradiraalow ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wargeeye
m. n., [compound] bearer of information, informer, informant; journalist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargeeye
-ha: (magac, lab, keli) qof war qaada oo tebiya. Wargeeye wax u sheeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wargeeye
de: bearer of information, informer, informant; [ext.] journalist
initial: w
lx: wargeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: wargeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xergeeye
(Xergeeya-ha)
Qofka xoolaha xer geeya ama xerriya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xergeeye
m. n., [compound] herder, person in charge of flock ~ herd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xergeeye
magac loo bixiyo wiil la rajaynayo inuu duunyo badan yeesho oo xolaha xergeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xergeeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka xoolaha xergeeya ama xerriya. Dh: xerriye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xergeeye
de: herder, person in charge of flock ~ herd
initial: x
lx: xergeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xergeeye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lugeylexey
f. n. hopping game, hopscotch
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lugeylexey
de: hopping game, hopscotch
lx: lugeylexey
pd: (-da)
ps: n0-f
syn: lukowle
key: lugeylexey
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eeye
num.-suf: approximately, about, or so
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eeye
de: approximately, about, [NUMBER] or so
lx: eeye
pd: (/ha)
ps: num-m-suf
xe: approximately 50
xv: -eeyo {N & C}
key: eeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cid si aan halis ahayn u garaacid. la-mid: bucee, buhee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cid si aan halis ahayn u garaacid. m.f.dh, bugayn. la-mid: bucee, buhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugey
Dugey!
Erey qofkii dhibaato weyni gaarto uu yiraahdo: jabay! hoogey! ba'ay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugey
e.d Erey qofkii dhibaato weyni gaarto uu yiraahdo; jabay!; hoogey!; ba'ay!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugey
inter. ouch!; ah!; heck!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugey
erey uu ku calaacalo ama uu ku ooyo qof ay dhib weyni ku dhacday. Dh: jagay! hoogay! ba'ay! ba'ayaalay!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugey
de: ouch!; ah!; heck! expression of pain, unpleasant surprise or consternation
lx: dugey
pd: (dugay)
ps: intj
key: dugey
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
geese
/giis/ (n) shimbiro bahda bolonboolada lugu tiriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) 1. la-mid: jukee. 2. Turub iyadoo la muujinayo in haad fas badan laga haayo bad ku dhufasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) 1. la-mid: jukee. 2. Turub iyadoo la muujinayo in haad fas badan laga haayo bad ku dhufasho. m.f.dh, jugayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jugee
v. beat, hit ~ strike repeatedly; injure; knock
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jugee
-yey / jugeysay: (v) hit or knock against something repeatedly ~ garaac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jugee
(fal) jug ka sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jugee
de: beat, hit ~ strike repeatedly; injure; knock
lx: jugee
nt: jugeyn (ta) [vn-f], jugeys (ka) [vn-m]
pd: (jugeeyey)
ps: v2b=tr
key: jugee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugay
(fal) lugaha ku soco. Dh: lugee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Beer la abuurayo lun u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lumee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Beer la abuurayo lun u yeelid. m.f.dh, lumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meeye
Meeye?
Xaggee jiraan? Aawaye?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meeye
e.we eeg mee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meeye
loc. question word, pl. where are they?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meeye
(question word) where are they?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeye
(magac'uyaal) ereysu'aaleed u dhigma aaway halkee ayuu jiraa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meeye
de: where are they?
lx: meeye
ps: qw-loc-pl
syn: aawaye
key: meeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) Meel wax la degganyahay ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rugee
v. make a place habitable, set up (one's residence)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rugee
de: make a place habitable, set up (one's residence)
lx: rugee
pd: (rugeeyey)
ps: v2b=tr
key: rugee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ugeyb
(Ugeyb-ka)
Riyaha yaryar oo aan weli curan; ceesaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugeyb
m.l Riyaha intooda jirta sannad ka kor dhalmana aan gaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugeyb
m. n., [collective] young female goats that have not given birth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugeyb
-ka: (magacwadareed) eeg ugayb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugeyb
de: young female goats that have not given birth
initial: u
lx: ugeyb
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: ugeyb
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UREEY
(Urei) May, S, NFD Maerua denhardtiorum Gilg. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weeye
1. Erey dadka warramaya lagaga warguro; waa tahay; haye; kow.
2. Sidee la yahay? Maxaa la sheegay? iska warrama; ma nabad baa?.
3. Wuxuu la macne yahay waa (waxayse ku kala duwan yihiin, weeye ereyga ama hadalka ay weheliso waa ka dabadhacdaa, sida: Cali weeye - waa Cali; wiil wanaagsan weeye - waa wiil wanaagsan; ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weeye
qr.dd Qurub lagu muujiyo tiraab weereedka marka uusan fal ahayn. Tusaale: “Ninkanu macallinka cusub ee dugsiga weeye”. la-mid: waaye, weeyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weeye
qr.dd Qurub lagu muujiyo tiraab weereedka marka uusan fal ahayn. Tusaale: Ninkanu macallinka cusub ee dugsiga weeye. la-mid: waaye, weeyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weeye
class: he / she / it is ... [verbless declarative]
weeye inter. yes, o.k., right, it is so
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weeye
(v) that is / it is... Ex: Arbaco weeye; it is Wednesday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeye
(qurub) erey dadka waramaya lagaga warguro; waa tahay; haye; kow.
weeye: (qurub) erey la macne ah 'yahay' oo aan kelidii macno samayn oo erey kale ka dabadhaca.
weeye: (tilmaame) sugid tirooyinka la raacsho. Afar iyo saddex laysu geeyey waxa weeye toddoba. Dh: la mid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ileeye
name-m one-eyed, evil-eyed; curser. Syn: Ilkudeeble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ileeye
magac loo baxsho wiil reerka oo ay carruurtu ka raagtay ama gabdho uun leh dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jugeyn
(Jugeyn-ta)
Jug gaarsiin; nabarro badan oo jug ah, ku dhufasho; garaacis; tumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugeyn
m.f.dh eeg jugee. la-mid: jugeys, jukeyn, jukeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugeys
m.l la-mid: jugeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jugley
(Jugley-da)
Shinbir weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugley
m.dh (botani) Shimbir weyn oo ay goroyada isku bahyihiin, oo aan duullimaad dheer samayn karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jugley
m.dh Shimbir weyn oo ay goroyada isku bahyihiin, oo aan duullimaad dheer samayn karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jugley
f. n., [collective] bustard, large game bird species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jugley
-da: (n) bustard (bastardh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jugley
-da: (magac, dhedig, keli) jaad shinbiraha ka mid ah oo weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jugley
de: bustard, large game bird sp.
lx: jugley
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: jugley
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kugeed
Azimuthal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kumeey
pron., neg., vl. pron. she ... not ... you
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kumeey
de: she ... not ... you = ku + ma + ay
lx: kumeey
ps: pro + neg + vpro
xe: She did not tell you.
xv: Kumeey sheegin.
key: kumeey
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lignée
lignée, n.f. - Asal Taransiin (dhalmada); Iniin; midhaha iniintooda.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
luette
luette, n.f. - Hilib-dalqe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lugayn
(Lugayn-ta)
Lugo ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugayn
m.f.dh eeg lugee. la-mid: lugays.