lugadduw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugadduw
f.mg1 (-way, -wday) Isku l.: wax kala daadsan isu uruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugadduwid
m.f.dh eeg lugadduw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isugu_lugadduw
de: organize, put s.t. in order
lx: isugu lugadduw
pd: (lugadduway)
ps: v1=expr
key: isugu_lugadduw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lungaduud
m.l Abuur roobka ka dib beer lagu abuuray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugadeg
-ga: (magac, lab, keli) astaamaha lagu garto in uu sac diyaar u yahay saarashada dibi; kolka uu oofanayo ayuu dibiga ama saca ag jooga fuulfuulaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lugduub
(Lugduub-ka)
1. Si fardaha loo fuulo; iyadoo lugi fidsan tahay lugina laaban tahay baa faraska lagu boodaa oo kolka dushiisa lala siman yahay, lugtii laabnayd inta shishay laga mariyo, guradiisa lagu ururaa, oo lagu toosaa.
2. Cayaaraha la tumo, si lugaha looga tabeeyo oo laysu rogrogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugduub
lugduub¹: m.l 1. Fuulidda faras si deg deg ah loo fuulo. 2. Si habaysan oo lugaha loo rogrogo marka ciyaar la tumayo. la-mid: lugduubid.
lugduub²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Faras si degdeg ah u fuulid. 2. Ciyaar si habaysan lugaha u rogrogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lugduub
v. mount ~ hop on (a horse)
lugduub: m. n., [compound] Somali dance with intricate foot movements
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugduub
-ka: (magac, lab, keli) ciyaaraha la tumo, sida lugaha loogu ciyaaro oo la isu rogrogo.
lugduub -ka: (magac, lab, keli) kaxaysashada qof aan socod u qorshaysnayn oo dhexda laga kaxaysto. Dh: daylqaaf.
lugduub -ka: (magac, lab, keli) si hababka fardaha loo fuulo ka mid ah. Iyada oo lugi fidsan tahay lugina laaban tahay ayaa faraska lagu boodaa oo kolka dushiisa lala siman yahay, lugtii laabnayd inta dhinaca kale la soo mariyo dusha looga baxaa oo lagu toosaa. Lugduub ayuu faraska ku wadaa Timir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lungaduudi
f.g2 (-iyay, -isay) Beer rays leh abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degadduub
m.l Suuman yaryar oo kabaha sandalka ah lagu qurxiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degadduub
-ka: (magac, lab, keli) suuman yaryar oo kabaha sandalka ah lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadduub
m.l Mardimo geesaha xoolaha iyo ugaartu yeeshaan oo da'dooda lagu xisaabiyo. la-mid: laba-duub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labadduub
m.l Mardimo geesaha xoolaha iyo ugaartu yeeshaan oo da'dooda lagu xisaabiyo. la-mid: laba-duub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugqaadid
m.f.dh eeg lugqaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luncaddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Roobka ka hor beer abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luncaddee
(fal) roobka ka hor beer abuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lungaduudin
m.f.dh eeg lungaduudi. la-mid: lungaduudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lungaduudis
m.l la-mid: lungaduudin.