lufid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lufid
m.f.dh eeg luf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luufid
m.dh la-mid: liifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luufid
-da: (magac, dhedig, keli) luuf dheelid. luufluuf: (fal) hoog oo habqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufid
-da: (magac, dhedig, keli) gufayn oo wax cufan ka dhigid. Dh: cufis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fufid
(Fufid-da)
Fuf yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fufid
m.f.dh eeg fuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fufid
-da: (magac, dhedig, keli) abuur iyo wixii la mid ah, gabaabsi ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hufid
(Hufid-da)
Ka la soocid; inta xun ka reebid; jafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufid
m.f.dh eeg huf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufid
-da: (magac, dhedig, keli) haadin ama kala shaandhaynta firida iyo xashiishka; inta xun ka reebid. Dh: hufis, haadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufid
(Kufid-da)
Wax soconaya ama ordaya ama boodaya, dhulka ku dhicid; kuftin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufid
m.f.dh eeg kuf². la-mid: kufniin, kuftin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ku dhicidda qof socda ama ordaaya ama boodaaya. Dh: dhicid. Li: kicid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lucid
/luusidh/lucidly, lucidity; (adj) 1. qeexan (wax cad oo sahal loo fahmi karo) 2. maskax fiican leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulid
(Lulid-da)
1. Caano ruxid oo subag ka soo saarid.
2. Wax lalmada ka dhigid; laallaadin; raaricin.
3. Ruxid; gilgilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulid
m.f.dh eeg lul². la-mid: lulniin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lulid
-da: (n) wavering (weeyvaring); swing (iswing) ~ raaricin, laalaadin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhinac u wadhaamin oo u dhaqdhaqaajin. Laantu way jabaysaaye lulidda ka daa. Dh: ruxid, lulis.
lulid-da: (magac, dhedig, keli) wax lalmanaya ka dhigid; meel soo sudhid. Dh: laadlaadin, raaricin.
lulid -da: (magac, dhedig, keli) caano iyo wixii la mid ah, ruxruxid oo subag kala bixid. Dh: lulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lumid
(Lumid-da)
Wax la waayey noqosho; hallaabid; habaabid; anbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumid
m.f.dh eeg lun².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lumid
vl. n. becoming lost
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lumid
-da: (n) disappearance (dis-apiirensi); losing (luusing); loss (loos) ~ lumis -ta
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Lumid
Perdizione
Loss
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumid
-da: (magac, dhedig, keli) hallaabid oo waddadii ama yoolkii la rabay ka habaabid. Dh: dhumid, ambasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lumid
de: becoming lost
lx: lumid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: lumid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lurid
(Lurid-da)
Dhibid; shiddeyn; luggoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lurid
m.f.dh eeg lur².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lurid
/luridh/ (adj) 1. naxdin leh; qarracan leh. 2. midabo badan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lurid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale dhibaatayn Luridda qalbiga dadka waa la iska ilaaliyaa. Dh: dhibid, shiddayn, luris. Li: wanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qufid
(Qufid-da)
Wax gudo ama uur ku jira, soo saarid, dibadda ku soo tuurtuurid; qodid; fagid; faagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufid
m.f.dh eeg quf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku jira ka soo saarid. Dh: qufis, faqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tufid
(Tufid-da)
Wax afka ku jira oo aan liqiddood la doonayn, dibadda xoog ugu soo tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tufid
m.f.dh eeg tuf³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tufid
vl. n. spitting; spit, spittle, sputum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tufid
-da: (n) the act of spitting (ispit-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tufid
-da: (magac, dhedig, keli) wax afka ku jira oo aan la doonayn liqiddooda, dibadda xoog ugu soo tuurid. Dh: tufis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tufid
de: spitting; spit, spittle, sputum
initial: t
lx: tufid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: tufid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tufid
بصاق، بُراق
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugfid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ordaya ama ciyaaraya lug hor dhigid. Dh: qonfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufid
duufid: m.f.dh eeg duuf². la-mid: duuf¹ (2).
dųufid: m.f.dh eeg dųuf². la-mid: dųuuf¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gulfid
(Gulfid-da)
Guluf ku duulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulfid
m.f.dh eeg guluf². la-mid: guluf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulfid
-da: (magac, dhedig, keli) guluf ku duulid; weerar weyn ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufmid
m.f.dh eeg hufan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huufid
m.dh 1. la-mid: hiifid. 2. Qof soo orday neef gurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huufid
-da: (magac,dhedig,keli) canaanashada iyo haraamitaanka cid kale. Dh: hiif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laafid
m.f.dh eeg laaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laafid
-da: (magac, dhedig, keli) mid aan galmoodka cid kale, ka dhergin ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefid
(Leefid-da)
Carrabka wax ku tirid, ama ku tirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefid
m.f.dh eeg leef.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leefid
Corrosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefid
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka wax ku tirid; wax ama meel, carrabka dul marin. Dh: leefis. Wa: leefleefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liifid
(Liifid-da)
Liif cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liifid
m.f.dh eeg liif². la-mid: luufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liifid
-da: (magac, dhedig, keli) xadhig, dun ama wax la mid ah, furfurid oo liifaf u kala saarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loofid
m.f.dh eeg loof².
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lucide
lucide, adj. - qeex; si hawl yar loo fahmi karo; madaxa ka fayoow.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lùcido
agg. e s.m. - dhaldhalaala walax wax lagu dhalaaliyo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LUFOOD
(Lufod) N Boswellia sacra Flueckiger Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulmid
(Lulmid-da)
1. Caano ruxmay oo subag ka soo go'ay noqosho.
2. Wax lulmay ama ruxmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulmid
m.f.dh eeg lulan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmid
-da: (magac, dhediq, keli) caano ruxmay oo subag ka soo go'ay noqosho.
lulmid-da: (magac, dhedig, keli) wax lulmay ama ruxmay noqosho. Dh: ruxmid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lùrido
agg. - wasakh leh, dhusuq leh, xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lurmid
m.f.dh eeg luran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lurmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof luran oo dhibaataysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luudid
(Luudid-da)
Si tabar yar u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luudid
m.f.dh eeg luud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudid
-da: (magac, dhedig, keli) socod tallaabo yar oo itaaldarro ka muuqato socosho. Dh: tukubid, luudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luulid
(Luulid-da)
Carruurta aan weli calaliska bilaabin, carrabkooda calalin, ruugid; waxay calaamo u tahay inay calalis doonayaan oo u baahan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luulid
m.f.dh eeg luul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luulid
-da: (magac, dhedig, keli) carrabjalaqada caruurta hadalbaradka ah; carrabcalaliska ubadka aan weli ababin. Luuliddu caruurta inta badan way ka ba'daa. Dh: jabago, carrabjalago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mufsid
(Mufsid-ka)
Qof fasahaad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mufsid
m.l (-dyo, m.dh) Qof fasahaad badan oo xun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mufsid
m.l (-dyo, m.dh) Qof fasahaad badan oo xun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mufsid
m. n. immoral person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mufsid
-ka: (magac, lab, keli) qof fasahaad badan oo dadkana fasahaadiya. Li: muslix.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mufsid
bw: Arabic
cf: fasahaad
de: immoral person
lx: mufsid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: mufsid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruufid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u eegid. Dh: huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilduufid
(Ilduufid-da)
Ilduuf ku kicid; gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufid
m.f.dh eeg ilduuf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luflufid
m.f.dh eeg lufluf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luflufid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lufluf ah gurgurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalufid
(Xaalufid-da)
Xaaluf noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalufid
m.f.dh eeg xaaluf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufid
-da: (magac, dhedig, keli) tigaad iyo doog ba wax dhammaaday noqosho. Dh: abaaroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fid
f.mg1 (-day, -dday) Wax meel ku baahid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fid
f.mg1 (-day, -dday) Wax meel ku baahid. m.f.dh, fidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fid
v. stretch (out), extend; expand, enlarge; develop; spread (news)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fid
-ay / fidday: (v) spread out: expand (ikispaandh), enlarge; (enlaarji)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fid
(fal) meel kaste gaadh; ballaadho oo kala bax; faaf oo cabbir ama fitaax. Dh: faaf, baah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fid
cf: fidi
de: stretch (out), extend; expand, enlarge; develop; spread (news)
lx: fid
pd: (fiday)
ps: v1=intr
key: fid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lid
1. (Lid-da) Gudaha, uurka, hoosta; lif.
2. (Lid-ka) Ka dhigan, ka soo horjeeda, ku diran, ka dhan ah; liddi; cagsi; dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lid
lid¹: m.l 1. L. ah: wax aan wax kale la mid ahayn oo dabeecadda kaga duwan. Tusaale: “Mugdiga ayaa caddada lid ku ah.” 2. Cadaw ku ah. Tus.: “Cali ayaa lid ku ah Cabdi” la-mid: liddi.
lid²: m.l (naxwe) Labo erey oo mataana ah oo micnahoodu iska soo horjeedo sida: “dheer/gaab”, “weyn/yar” iyo wixi lamida; cagsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lid
lid¹: m.l 1. L. ah: wax aan wax kale la mid ahayn oo dabeecadda kaga duwan. Tusaale: Mugdiga ayaa caddada lid ku ah. 2. Cadaw ku ah. Tusaale: Cali ayaa lid ku ah Cabdi la-mid: liddi.
lid²: m.l (naxwe) Labo erey oo mataana ah oo micnahoodu iska soo horjeedo sida: 'dheer/gaab', 'weyn/yar' iyo wixi lamida; cagsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lid
m. n., [collective] being opposite, against ~ contrary; opposition, rebellion
lid [feminine] n., [collective] entrails, insides
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lid
/lidh/ (n) 1. dabool, hado, aabbur 2. baalka isha (dahaarka isha daboola).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lid
-ka: (adj) 1. anti (aanti); against, opposing (o-powsing). Ex: lidka dayuuradaha; an anti aircraft weapon. 2. opposite, converse ~ liddi -ga
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Lid
Contro
Against
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Lid
Fur dabool