loxosbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loxosbax
-a: (magac, lab, keli) muddada qofka marti ahaan loo tiriyo ama meel la degay lagula qabsanayo. Loxosbaxa martidu waa saddex cisho. Dh: martigelin.
loxosbax -a: (magac, lab, keli) maalinta reerka geediga ahi dego, maalinta ku saddex ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loxos
(Loxos-ka)
Rug ama guri cusub oo koolkaas la degey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loxos
m.l.kh 1. Meel cusub oo markaas la degey. 2. L. ah: dad iyo xoolo degaan cusub degey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
loxos
m. n., loc. new settlement, place ~ house; spend the night for the first time in a new area
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Loxos
name-m new settlement, place ~ house; spend the night for the first time in a new area
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Loxos
magac loo baxsho wiil dhashay maalinka koobaad ee reer geeddi ahaa oo dagay nasanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loxos
-ka: (magac, lab, keli) guri ama meel cusub oo markaa uun la degay; deegaan cusub. Reerku meel loxos ah ayuu degay. Dh: jabad.
loxos-ta: (magac, dhedig, keli) dharaarta reerka geeddiga ahi uu dego, maalinta ku xigta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
loxos
de: new settlement, place ~ house; spend the night for the first time in a new area
lx: loxos
pd: (-ka)
ps: n-m-loc
key: loxos
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loxoox
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laxoox.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oonbax
(fal) biyo ad cabto hel. Biyaha jalxadda ka oonbax. Dh: harraadbax.
oonbax-a: (magac, lab, keli) haraadbeelid; biyo ka dhergid. Dh: oonbeel, harraadbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Looshan
La looliyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looshan
f.mg4 (-naa, -nayd) Mindi, waran iyo wixi lamida wax la looliyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
looshan
der. [adjective] sharpened
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
looshan
(tilmaame) bir soofaysan ama afaysan. lootaliye qof aan isagu taladiisa xor u ahayne loo hayo hoggaanka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
looshan
de: sharpened rw: looli
lx: looshan
pd: (looshanaa)
ps: adj-der
key: looshan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo bax
v. come out; rise (of sun, planet ~ star)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo bax
-ay / day: (v) come out; rise (raays) Ex: qorraxdu waxay ka soo baxdaa bari; the sun rises from the east
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soo_bax
de: come out; rise (of sun, planet or star)
initial: s
lx: soo bax
pd: (baxay)
ps: v1=expr
key: soo_bax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soobbax
-a: (magacwadareed) nabarrada buurbuuran ee sida maasha ah ee dadka ka soo baxa. Dh: dhullax, saanfuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolbax
(Caloolbax-a)
Caloosha oo socota oo laga baxo, xanuun ha wehesho ama yuusan weheline; shuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolbax
caloolbax¹: m.l Saxaro badan, jilicsan oo dulin nafleyda caloosha ka qooma keeno; shuban; dababbax.
caloolbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley saxaro badan oo jilicsan dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolbax
caloolbax¹: m.l Saxaro badan, jilicsan oo dulin nafleyda caloosha ka qooma keeno; shuban; dababbax.
caloolbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley saxaro badan oo jilicsan dhigid. m.f.dh, caloolbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolbax
m. n., [collective] diarrhea
caloolbax: v., [compound] have diarrhea
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caloolbax
-a: (n) excessive evacuation of watery feces; diarrhea (daay-riya); also diarrhoea ~ shuban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolbax
-a: (magac, lab, keli) qof, sindho aad jilicsan oo biyo ah dhigid. Dh: shuban, shubmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoobbax
(Galoobbax-a)
Meel dadka gela haya iyo kan ka baxa haya, labaduba badan yihiin oo intaas isdabammara hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoobbax
galoobbax¹: m.l la-mid: galaabbax¹.
galoobbax²: f.mg1 (-xay, -xday) la-mid: galaabbax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galoobbax
m. n., [compound] place where people come and go; concourse
galoobbax: v., [compound] come and go, pass to and fro (of a crowd)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoos'ubax
-a: (magac, lab, keli) qof gaaban oo aan kor u korin. Dh: coon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosubbax
m.l (-xyo, m.dh) Qof bar yar oo da'du aysan ka muuqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosubbax
m. n., [compound] short person with a small frame who looks younger than his age
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosubbax
-da: (n) someone who appears much younger than this age ~ coon, guun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosubbax
de: short person with a small frame who looks younger than his age
lx: hoosubbax
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: hoosubbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loxooxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laxoox ka samayn; canjeelo ka samayn; laxooxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoxoobsad
-ka: (magac, lab, keli) fadhi kuudud ah fadhiisasho. Waar waa sidee yoxoobsashadu. Dh: yuurursasho, yoxoobsi.