lowlab
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lowlab
-ah: (adj) doddering (doodaring) -, trembling, as from old age ~ catatab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lawlab
(fal) si foolxun u caataw.
lawlab -ka: (magac, lab, keli) itaalxumo la isku dumo gabaw dartii. Haddaan luqunta taagi jiray haatan lawlab baan ahay.
lawlab -ka: (magac, lab, keli) qof aan qummanayn oo wax isdaba weydaarsha; qof aan dhaqan toosan lahayn.
lawlab -ka: (magac, lab, keli) catow iyo hantaatac.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
doddering
/dhoderin/ (adj) lowlab ah, law-law ah, sida gof duq ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lowland
/low landh/ (n) dhul yara godan (meel hooseysa ku yaal).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalab
(fal) reer guuraya, ogaysiiskii ugu danbeeyay sii.
lalab -ka: (magac, lab, keli) si guud wax iskugu sheegid ama wax ugu yaboohid.
lalab -ka: (magac, lab, keli) ogaysiiska ugu danbeeya ee reerka guuraya loo sheego wakhtiga la geeddigalayo. Dh: tuurtuur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
loola
pron. and preposition: to ~ for someone ... with (X)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
loola
(preposition) for.. Ex: maxaa loola jeedaa?; what is meant for?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
loola
de: to ~ for someone ... with (X) = la + u + la
lx: loola
ps: pro + prep
key: loola
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lowga
-da: (magac, dhedig, keli) bowdada iyo kubka iskalggalkooda; jilib.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lowly
/lowli/ (adv) heer hoose ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dowlad
(Dowlad-da)
Maamulka iyo laliska kore oo qaranka; madaxda qaranka u talisa; ahaanta layahay qaran isutalis leh oo madaxbannaan; (ama dawlad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dowlad
m.dh la-mid: dawlad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dowlad
m.dh la-mid: dawlad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dowlad
f. n. state, government
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dowlad
-da: (n) government (gavar-ment); governance (gavar-nansi); regime (ri-jiim); state (isteeyt) ~ dawlad, xukuumad, talis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dowlad
-da: (magac, dhedig, keli) maamul madaxbannaan oo dal iyo dad uu u taliyo leh. dowladnimo -da: (magac, dhedig, keli) maamul madaxbannaan oo dal iyo dadba leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dowlad
de: state, government
lx: dowlad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: dawlad
key: dowlad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dowlad
دَولة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowlac
m.dh Geed-nagaar yar oo laba bariyood leh (lax iyo wan) oo la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowlac
-da: (magac, dhedig, keli) geednagaadh yar oo labo badhyood oo la cuno leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lablab
-ka: (magac, lab, keli) ogaysiiska u dambeeya ee reerka guuraya loo sheego waqtiga la geeddi galayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallab
(fal) reer guuraya, ogaysiiskii ugu danbeeyay
lallab -ka: (magac, lab, keli) si guud wax iskugu sheegid ama wax ugu yaboohid.
lallab -ka: (magac, lab, keli) ogaysiiska ugu danbeeya ee reerka guuraya loo sheego wakhtiga la geeddigalayo. Dh: tuurtuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lawlaw
lawlaw¹: m.l 1. Gariir nafleydu dareento oo qabow badani sababo. 2. L. ah: qof aad u gaboobay.
lawlaw²: f.mg1 (-way, -wday) 1. Nafley, qabow badan awgiis gariirid. 2. Gabow awgiis la cantatamid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lawlaw
-ga: (magac, lab, keli) gariir nafleydu dareento oo qabow badani sababo.
lawlaw -ga: (magac, lab, keli) qof aad u gaboobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolad
m.l la-mid: loolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolib
m.l (-byo, m.dh) Qalab af fiiqan oo aroor dheeri ku wareegsanyahay leh oo loogu looyaansan talaggalay, in uu dalool dhexda aroor ku leh dhex galo isaga oo wareegaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
loolib
m.l (-byo, m.dh) Qalab af fiiqan oo aroor dheeri ku wareegsanyahay leh oo loogu talaggalay, in uu dalool dhexda aroor ku leh dhex galo isaga oo wareegaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
loolib
m. n. drill; screw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
loolib
de: drill; screw
lx: loolib
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: loolib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lowgal
(Lowgal-ka)
Xanuun lowga gala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lowgal
m.l (-lyo, m.dh) Cudur jilibka ku dhaca oo biyo geliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lowgal
m.l (-lyo, m.dh) Cudur jilibka ku dhaca oo biyo geliya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lowgal
m. n., [compound] pain in the knee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lowgal
de: pain in the knee
lx: lowgal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: lowgal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mowlac
m.l (-cyo, m.dh) (dii.) Meel yar oo lagu cibaadaysto oo Eebbe lagu baryo. la-mid: mawlac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mowlac
m.l (-cyo, m.dh) (dii.) Meel yar oo lagu cibaadaysto oo Eebbe lagu baryo. la-mid: mawlac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mowlac
m. n. place of worship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mowlac
-a: (n) house of worship ~ mawlac, masjid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mowlac
-a: (magac, lab, keli) aqal muruud fadhiyo oo calaamad u ah weli ama nin horay loo yagaannay oo diin caan ku ahaa oo siyaaradiisa lagu dhigo. Dh: maqaam.
mowlac-a: (magac, lab, keli) mijilis dad iskugu yimaadaan oo fooxa lagu shido qasaa'idkana lagu akhriyo oo weli ama sheekh hore lagu xuso siyaaradiisana lagu dhigo.
mowlac-a: (magac, lab, keli) masaajid yar oo kooban oo la dhiso ama la calaamadiyo oo dad yari ku tukadaan. Dh: masaajid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mowlac
a: mawlac
de: place of worship
lx: mowlac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: mowlac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qowlad
m.dh la-mid: qol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qowlad
f. n. room
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qowlad
-da: (n) room (ruum) ~ qawlad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qowlad
a: qawlad, qol
de: room
lx: qowlad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qowlad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
COWS-LAB
(Os-lab) N Stipagrostis hirtigluma (Trin & Rupr) De Winter. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lawlabid
-da: (magac, dhedig, keli) si foolxun u cataabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloolaw
(fal) sida aloool la tiiriyey ahaw oo u taagnow. In kastoo ayaan iyo ayaan, lagu aloollaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlaab
-ta: (magac, dhedig, keli) jeex maro ah oo go'an.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowlalo
-da: (magac, dhedig, keli) geed xabag aad u wanaagsan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgab
hawlgab¹: m.l (-byo, m.dh) H. ah: qof gabow awgii shaqo uga fariistay. la-mid: hawlgeb¹.
hawlgab²: f.mg1 (-bay, -btay) Gabow awgii shaqo uga fariisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlgab
m.l (-byo, m.dh) H. ah: qof gabow awgii shaqo uga fariistay. la-mid: hawlgeb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlgab
m. n., [compound] retirement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlgab
-ka: (n) 1. inability to perform any duty. 2. old age retirement
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HAWLGAB
Disabilitato; invalido
Disabled, invalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlgab
-ka: (magac, lab, keli) qof dhamaystay da'diisii shaqo oo ka fadhiistay. Dh: aayomaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlgab
de: retirement
lx: hawlgab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: hawlgab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kowkabi
v., [compound] count (out ~ in a series)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowkabi
(fal) warka ka gur oo kow dheh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kowkabi
de: count (out ~ in a series)
lx: kowkabi
pd: (kowkabiyey)
ps: v2a=cmp
key: kowkabi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laalaab
v. fold many times; zigzag; finish ~ wind up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laalaab
-ay / tay: (v) fold (fooldh); enfold (enfooldh); roll (rool)
laalaab -ka: (n) wrinkle (rin-kal); crease (kiriis) ~ canyayuub, duuduub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaab
(fal) eeg laablaab.
laalaab -ka: (magac, lab, keli) wax aan kala fidsanayn, meelaha uu ka laalaabmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laalaab
de: fold many times; zigzag; [fig.] finish ~ wind up
lx: laalaab
nt: laalaab (ka) [vn2a-m]
pd: (laalaabay)
ps: v1=pl
key: laalaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabe
-ha: (magac, lab, keli) cod dheer oo reer wada yaal lagaga dhex dhawaaqo oo dadka la iskugu yeedhayo si wax loogu sheego ama hayaan loo bilaabo. Dh: baaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lallabo
(Lallaba-da)
Laqanyo; yaqyaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabo
lallabo¹: m.dh 1. Laqanyo; yaqyaqsi. 2. Qayladhaan gurmad degdeg ah. 3. Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. la-mid: labbalabbo, labballabbo, lablabbo, lallabbo.
lallabo²: m.dh (daawo) Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lallabo
lallabo¹: m.dh 1. Laqanyo; yaqyaqsi. 2. Qayladhaan gurmad degdeg ah. 3. Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. la-mid: labballabbo, lablabbo, lallabbo.
lallabo²: m.dh (daaw.) Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lallabo
f. n. nausea; indigestion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lallabo
-lallabada: (n) nausea (noosiya); nauseation ~ labballabbo, laqanyo, liidaanyo, liidaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ladaadyo.
lallabo -da: (magac, dhedig, keli) wadnabaab iyo laqanyo. Dh: liidaanyo, yaqyaqsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lallabo
a: laballabbo ~ laballabo
cf: laqanyo, yaqyaqsi
de: nausea; indigestion
lx: lallabo
pd: (/da)
ps: n-f
key: lallabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loollan
(Loollan-ka)
Dagaal ama arrin kale oo aad laysugu hawlo; dirir; halgan; tartan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loollan
loollan¹: m.l (-nno, m.dh) Dagaal ama tartan laba quwadood oo iska soo horjeeda ka dhexeeya.
loollan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax laysku haysto dagaal ama tartan u gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
loollan
loollan¹: m.l (-nno, m.dh) Dagaal ama tartan laba quwadood oo iska soo horjeeda ka dhexeeya.
loollan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax laysku haysto dagaal ama tartan u gelid. m.f.dh, loollamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
loollan
v. struggle, compete
loollan: vl. n. struggle, competition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
loollan
-ka: (n) contest (kontast); competition (kom-pitishan); struggle (istaraagel).
loolan: loolamay / loolantay: (v) make a contest (kon tast)-, struggle (istaraagel) ~ lootan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loollan
(fal) tartan adiga oo dagaal iyo halgan muujinaya. Dh: dirir, halgan, tartan.
loollan -ka: (magac, lab, keli) tartan iyo hirdan labo ama in ka badan dhexmara si ujeeddo loogu baratamo. Loollan siyaasadeed ayaa xisbiga dhexdiisa ka oogan. Dh: tartan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolsad
m.l la-mid: loolsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax looliyey ahaansho (bir).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
looltan
v. rival, compete with
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
looltan
-ka: (n) contest (kon tast)-, competition (kom-pitishin); struggle (istaraagel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
looltan
-ka: (magac, lab, keli) eeg loollan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
looltan
de: rival, compete with
lx: looltan
pd: (looltamay)
ps: v1=recip
key: looltan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lullaby
/lalabay/ (n) heesta carruurta lugu seexiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolaab
(Qoolaab-ka)
Qallooc; nadooc; golxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaab
qoolaab¹: m.l 1. Qallooc; nadooc; qolxo. 2. Agaasin loo sameeyo dab shididdiis. la-mid: qoolaaw¹.
qoolaab²: f.g1 (-bay, -btay) 1 . Wax qalloocin. 2. Dab shididdii agaasimid. la-mid: qolaab, qoolaaw².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoolaab
m.l 1. Qallooc; nadooc; qolxo. 2. Agaasin loo sameeyo dab shididdiis. la-mid: qoolaaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoolaab
m. n. bend, curve, curvature; bow
qoolaab v. bend, curve, make curved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoolaab
-ay / qoolaaftay: (v) cause to curve or bend; curve (keerv); bend (beendhi) ~qaroof
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaab
(fal) wax toosan, afka hore soo qallooci.
qoolaab-ka: (magac, lab, keli) eeg qallooc.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
LABO-LAAB
Doppio
Double