looyaamin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamin
m.f.dh eeg looyaami. la-mid: looyaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaami
f.g2 (-iyay, -isay) Cid nasiino iyo joogsad la'aan wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamid
m.f.dh eeg looyaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamis
m.l la-mid: looyaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luufluufin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale kolba dhinac u naanaabin. Dh: luufluufis, looyaamin, naanaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Looyaan
(Looyaan-ta)
Xasilloonaan la'aan; qalalab: wareer; dagaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaan
looyaan¹: m.dh 1. Nasiino iyo joogsad la'aan. 2. Xasillooni la'aan; wareer.
looyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay) Nasiino iyo joogsad la'aan ku jirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
looyaan
m.dh 1. Nasiino iyo joogsad la'aan. 2. Xasillooni la'aan; wareer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
looyaan
f. n. unrest, agitation, turbulence
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Looyaan
nickname; name-m unrest, agitation, turbulence. Lit: named after the baby who was restless and too hyper while he was in his mother's womb or he who remains too hyper and restless after birth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Looyaan
magac loo baxsho wiil aan meel keli ah ku sugnayn ama dhashay xilli ay hooyadii ku jirtay maqnaansho dudmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
looyaan
-ka: (magac, lab, keli) carcaraaf iyo kolba dhinac u orod aan meel lagu sugnayn. Dh: naanaab, luufluuf, wareer, dagaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
looyaan
cf: qalalab
de: unrest, agitation, turbulence Opp: xasilloon
lx: looyaan
pd: (-ta)
ps: n2c-f
key: looyaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoyaamin
m.f.dh eeg qoyaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaami
(fal) qayli; qablan; buuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaamin
m.f.dh eeg boodaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booyaamid
(Booyaamid-da)
Hadal daroori ah tixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyaamid
m.f.dh eeg booyaan². la-mid: booyaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan kala joogsi lahayn dhurmid. Booyaamid hadal lagama dhergiyo muran baahi loo qabaye. Dh: daldalmid.
booyaamid -da: (magac, dhedig, keli) ku dhawaaqid cod ujeeddo leh. Booyaamid horey uma aqoon waase lay baraye. Dh: booyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg booyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaamin
m.f.dh eeg hoogaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sooyaamid
(Sooyaamid-da)
Qaylin; qablamid; buuqid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooyaamid
m.f.dh eeg sooyaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylin; qablamid; buuqid; bulaamid; sooyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaamis
-ka: (magac, lab, keli) sooyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoodaamin
(Xoodaamin-ta)
Salsalaaxid; xoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodaamin
m.f.dh eeg xoodaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) baabacada noole kale jidhkiisa aayar u dul marmarin oo ku salaaxid. Xoolaha rag kale xoodaamiyoow doob. Dh: salaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax socod ku jira ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laamin
(Laamin-ta)
Badar karsamaya laan ku walaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laamin
m.f.dh eeg laami².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laamin
-ta: (magac, dhedig, keli) badar karsamaaya, laan dhexmarmarin oo ku walaagid. Dh: laaqid, walaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booyaan
(Booyaan-ka)
Hadal badan oo aan duluc lahayn oo layska taxo; daroori; sooyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyaan
booyaan¹: m.l 1. Hadal badan oo aan duluc lahayn. 2. la-mid: booyaamid.
booyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay, -aami) Hadal badan oo aan duluc lahayn ku hadlid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
booyaan
booyaan¹: m.l Hadal badan oo aan duluc lahayn.
booyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay, -aami) Hadal badan oo aan duluc lahayn ku hadlid. m.f.dh, booyaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booyaan
v. chatter, ramble on
booyaan vl. n. meaningless talk, chatter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaan
(fal) ku dhawaaq cod ujeeddo leh. Aan booyaamo xalay baa hurdada, layla baashiraye.
booyaan: (fal) hadal aan kala joogsi lahayn. Dh: daroori, dhuran, daldalan.
booyaan -ka: (magac, lab, keli) hadal bad ah oo aan nuxur lahayn. Booyaanka badan bannaanka ula bax. Dh: sooyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
looxaan
f. n., [collective] building material (log, plank, lumber, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
looxaan
-ta: (n) [plural of loox] wood (wuudh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
looxaan
-ta: (magacwadareed) qoryo dhaadheer oo loo adeegsado samaynta wax yaalo badan oo loo baahan yahay. Gaadhi looxaan sida ayaan soo raacay. Dh: alwaax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
looxaan
de: building material (log, plank, lumber, etc.)
lx: looxaan
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: looxaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooyaan
'qurub' erey ula jeeddadiisu tahay ma ogi, war kama hayo. Mooyaan in berri imtixaan aradaydu marayaan. Dh: mooyi mooji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoyaami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qoyaan gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoyaami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qoyaan gaarsiin. m.f.dh, qoyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sooyaan
(Sooyaan-ka)
Qaylo; qablan; buuq; bulaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooyaan
sooyaan¹: m.l Qaylo; buuq.
sooyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Nafley qaylin. 2. Nafley daalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sooyaan
m.l Qaylo; buuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sooyaan
m. n. shouting, uproar
sooyaan v. shout, make an uproar
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sooyaan
nickname-m shouting, uproar. Syn: Salaw, Salwe, Salwo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sooyaan
magac loo baxsho wiil kolkii uu yaraa qaylo iyo cadho badnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal kor loo leeyahay. Dh: qaylo, qablan, buuq, bulaan, bulaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaraar caddayn ah soo saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaami
f.g2 (-iyay, -isay) Boodaan ka dhawaajin (geel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aamin
m.f.dh eeg go'aami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'aamin
-ta: (magac, dhedig, keli) go'aan gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaamin
(Hayaamin-ta)
Meel fog oo abaari ka sokayso xoolo u kaxayn; kaynaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaamin
m.f.dh eeg hayaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolaha meel fog oo doog iyo naq leh u rarid. Dh: kaynaanin, hayaamis, qayaadin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hogaamin
advantage, to lead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoggaan ku qabasho, ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaami
f.g2 (-iyay, -isay) Madaxa iyo gacmaha hoos u laallaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoogaami
v. bend something (e.g., part of the body)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogaami
(fal) soo foororso; hogaani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoogaami
de: bend s.t. (e.g., part of the body)
lx: hoogaami
pd: (hoogaamiyey)
ps: v2a=tr
key: hoogaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyaadin
m.f.dh eeg hoyaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoyaatin
(Hoyaatin-ka)
Meel habeen ku baryid; hoyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyaatin
hoyaatin¹: m.l 1. Waqti qorrax dhac ah oo hoy la aado. 2. H. ah: nafley u socota meeshii ay ku hoyan lahayd. 3. la-mid: hoyasho.
hoyaatin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) la-mid: hoyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoyaatin
vl. n. overnight stop ~ stay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoyaatin
-ka: (magac, lab, keli) meel habeen ku baryid; hoyaad.
hoyaatin -ka: (magac, lab, keli) meel habeen ku baryid: meel u hoyaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoyaatin
de: overnight stop ~ stay
lx: hoyaatin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: hoyaatin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomaarin
m.f.dh eeg oomaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) baylin oo aad u fixin. Oomaarinta shaaha ayaan sugayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodaami
f.g2 (-iyay, -isay) Jir nafley salaaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoodaami
v. caress; massage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoodaami
-yey / say: (v) caress (ka-rees); fondle (foon-dhal); pet (pet); stroke (istarook); cuddle (ka-dhel) ~ salaax, xoodi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaami
(fal) salaax oo baabacadaada jidhka noole kale aayar u dulmarmari. Saca xoodaami ha godladee. Dh: salaax, xoodi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoodaami
bw: xoodi
de: caress; massage
initial: x
lx: xoodaami
nt: xoodaamin (ta) [vn-f]
pd: (xoodaamiyey)
ps: v2a=tr
key: xoodaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curyaamin
(Curyaamin-ta)
Curyaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curyaamin
m.f.dh eeg curyaami. la-mid: curyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curyaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) curyaan ka dhigid. Dh: curyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doolaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab iyo wixii la mid ah, hurin. Digadoo hulaaqdiyo, doolaabin kicin u ah, murankoo danteeda ah, wadwadkay ku darartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foohaarin
(Foohaarin-ta)
(is foohaarin) Xarrago iyo isweyneyn dhar waaweyn u qaadasho oo dadku is tustusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foohaarin
m.f.dh eeg foohaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foohaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) «is ~» xarrago ay isweynayni ku jirto darteed, dhar waaweyn u qaadasho oo dad istustussid. Dh: foohaartan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobaabin
(Goobaabin-ta)
Xarriiq sida gadowga u wareegsan oo meel bannaan ku taal: dhibceheedu isku in bay wadaageheeda u wada jiraan oo uma kala dhowa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobaabin
m.dh la-mid: goobaab¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobaabin
f. n. enclosure, circle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goobaabin
-ta: (n) circle (seer kel); ring (ring); a circular shape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarriiq sida gadowga u wareegsan oo meel bannaan ku taal. goobaabnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax goobaabo leh ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobaabin
de: enclosure, circle
lx: goobaabin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: goobaabin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goofaarin
m.dh la-mid: goofaadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooraamid
m.f.dh eeg gooraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoggaamin
(Hoggaamin-ta)
Hoggaan ku qabasho, ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoggaamin
m.f.dh eeg hoggaami. la-mid: hoggaamis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoggaamin
vl. n. leading, guiding; leadership
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoggaamin
-ta: (n) the act of leading, guiding, or conducting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoggaanka qabasho oo horkicid; hogaanka u qabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoggaamin
de: leading, guiding; leadership
lx: hoggaamin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: hoggaamin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosaasin
(Hoosaasin-ta)
1. Hiillo, haddana la qarinayo; garabgoroyo; garabhagoojin.
2. Hoos u yeelid, ku rogid; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosaasin
m.f.dh eeg hoosaasi.