loofar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loofar
loofar¹: m.l (-rro, m.dh) Nin maalka si xun u isticmaala ee aan dhaqaalayn.
loofar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Ku l.: maal si xun u isticmaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
loofar
loofar¹: m.l (-rro, m.dh) Nin maalka si xun u isticmaala ee aan dhaqaalayn.
loofar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Ku l.: maal si xun u isticmaalid. m.f.dh, loofarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
loofar
m. n. squanderer, spendthrift
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
loofar
-ka: (n) playboy (paleey-booy); reckless spender
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loofar
-ka: (magac, lab, keli) nin maalka si xun u isticmaala ee aan dhaqaalayn.
loofar: (fal) (ku ~) maal si xun u isticmaalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
loofar
de: squanderer, spendthrift
lx: loofar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: loofar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
looyar
-ka: (n) lawyer (looyar); attorney (a-toorni); counselor (konsular); counsel, barrister, solicitor ~ garyaqaan, qareen, abukaate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
looyar
-ka: (magac, lab, keli) abuukaate; qareen; sharciyaqaan; qaanuunyahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoofar
(Qoofar-ka)
Libaax-badeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoofar
m.l Nooc libaax badeedka ka mid ah oo aad halis u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoofar
m. n. dangerous shark species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoofar
-ka: (magac, lab, keli) libaaxbadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoofar
cf: libaax-badeed
de: dangerous shark sp.
lx: qoofar
pd: (-ka)
ps: n-m
key: qoofar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loofarnimo
m.dh Loofar ahaansho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sperperare
v.tr. - fataalid, loofarid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
spèrpero
s.m. - loofarnimo, mubaddarnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasaq
-a: (magac, lab, keli) xusuusta oo isku darsanta, gabow ama xanuun dartii.
asaasaq-a: (magac, lab, dhedig) loofaritaan iyo saaqidid. Inna haddaan la barin ubadku way kaa anbanayaane, edeb iyo xishood ma leh hadduu kaa asaasaqo e.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loofarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) loofar ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loox
(fal) qori iyo wixii la mid ah, labada dhinac ka qor oo ballaadhi. Dh: bal.
loox -a: (magac, lab, keli) jirridda geedaha oo labada dhinac inta laga qoro laga dhigo alwaax xalleefsan oo wax lagu dhisto ama alaabada laga samaysto. Miisaska waxa laga sameeyaa loox adag. Dh: qori.
loox-a: (magac, lab, keli) qori ballaadhan oo Qur'aanka lagu dhigo waxna lagu feegaro oo lagu barto. Loox iyo tawaad baan sitaa oo ma loofarine.
loox-a: (maagac, lab, keli) meelo aan xadidnayn. Looxa an soo maray roob ma lahayn. Dh: meel, halka, kob, goob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loofarad
m.dh (-ddo, m.l) Naag maalka aan dhaqaalayn ee si xun u isticmaasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loofarad
-da: (magac, lab, keli) naag maalka aan dhaqaalayn ee si xun u isticmaasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loofarid
m.f.dh eeg loofar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Coofaar
(Coofaar-ka)
Daayeer weyn; daaxuur; muun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coofaar
m.l (-rro m.dh) Lab libaax ama daanyeer, duq ah oo leh bulbul badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
coofaar
m. n. adult male monkey that is patriarch of its group
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coofaar
-ka: (magac, lab, keli) daayeer weyn. Dh: baaxuur, muun, daaxuur, odaybuxuur, coofaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
coofaar
de: adult male monkey that is patriarch of its group
lx: coofaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: muun
key: coofaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doofaar
(Doofaar-ka)
Nafley jaadad badan ah oo Muslinka iyo Yuhuudda maahee dadka kale xoolo ahaan u dhaqaalaysto; kan Soomaaliya joogaa wuxuu lee yahay guud yar iyo gano waaweyn, kolkuu orda hayona dabaduu kor lig u siiyaa; karkarre; khaansiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doofaar
m.l (-rro, m.dh) Naasley caws-kunool ah idaha la eg ka ballaaran,leh madax weyn, gano iyo dhogor yar oo hilibkiisu muslimiinta xaaraan ka yahay. la-mid: doonfaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doofaar
m.l (-rro, m.dh) Naasley caws-kunool ah idaha la eg ka ballaaran,leh madax weyn, gano iyo dhogor yar oo hilibkiisu muslimiinta xaaraan ka yahay. la-mid: doonfaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doofaar
m. n. warthog, pig, boar; pork
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DOOFAAR
(Dofar) May Chrysopogon plumulosus Hochst. Gramineae.
May Dactyloctenium scindicum Boiss. Gramineae.
May Echinochloa haplocalda (Stapf) Stagf. Gramineae.
May Paspalidium desertorum (A.Rich) Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doofaar
-ka: (n) pig (pig); pork (poork); hog (hoog); swine (iswaayn); boar (boor) ~ khaansiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doofaar
-ka: (magac, lab, keli) xawayaan labo fool oo dhaadheer ku leh fuqa sare oo hilibkiisu xaaraan ka yahay muslimiinta. Dhulka ayuu qotaa, marka uu ordayana dabada ayuu kor u taagaa. Doofaar ficil la'aan baa loo cadaabay. Dh: karkarre, khansiir, daankufoolle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doofaar
bw: doonfaar
cf: khansiir
de: warthog, pig, boar; pork
lx: doofaar
pd: (-ka)
ps: n2-m, n5-m
key: doofaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goofaar
-ka: (magac, lab, keli) nuugidda neefku hooyadii nuugo oo uu habeenkii oo dhan la seexdo. Oo giirka lo'da iyo farduu aradka goofaaro. Dh: nuugid, jaqid, goofaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koofaar
(Koofaar-ta)
Naanays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koofaar
m.dh (-ro, m.l) Magac aan qof kiisii runta ahaa ahayn; naanays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koofaar
m.dh (-ro, m.l) Magac aan qof kiisii runta ahaa ahayn; naanays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koofaar
f. n. nickname
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koofaar
-ka: (magac, lab, keli) naanays ama magac dheeri ah oo gofka u baxda. Dh: naanaysta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koofaar
de: nickname
lx: koofaar
pd: (-ta)
ps: n1-f
syn: naanays
key: koofaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loofsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax harraad hayo ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
loofsan
der. [adjective] parched from thirst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loofsan
(tilmaame) wax harraad hayo ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
loofsan
de: parched from thirst
lx: loofsan
pd: (loofsanaa)
ps: adj-der
key: loofsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loof
loof¹: m.l 1. Harraad badan. 2. Lahan; laxaw.
loof²: f.mg1 (-fay, -ftay) Nafley aad u harraadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
loof
m.l 1. Harraad badan. 2. Lahan; laxaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
loof
m. n., [abstract] unquenchable thirst
loof [inchoative] v. have ~ get a parching and unquenchable thirst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loof
-ka: (magac, lab, keli) harraad badan.
loof -ka: (magac, lab, keli) hahan iyo laxaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loor
-ka: (magac, lab, keli) hal jawaan oo buuxa. Dh: loodh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Looga
(la + uga).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
looga
pron. and preposition: someone ... from
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Looga
name-f hosting; slaughterer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
looga
(preposition) from her or to her.. Ex: waxaa looga keenay Xamar; it was brought to her, from Hamar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
looga
de: someone ... from = la + u + ka
lx: looga
ps: pro + prep
key: looga
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
loola
pron. and preposition: to ~ for someone ... with (X)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
loola
(preposition) for.. Ex: maxaa loola jeedaa?; what is meant for?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
loola
de: to ~ for someone ... with (X) = la + u + la
lx: loola
ps: pro + prep
key: loola
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootar
m.l (-rro, m.dh) la-mid: boodhar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootar
-ka: (magac, lab, keli) budo ur udgoon leh oo araaradda carruurta laga mariyo dhididkana ka tirta. Bootar u mari cunugga intaan baagiyaha dubi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doolar
-ka: (n) dollar (daalar)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorar
foorar¹: m.l la-mid: foororid.
foorar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: fooror².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Foorar
Dip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foorar
-ka: (n) a tilt or an inclination; lean (liin); upside down ~ fooror
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorar
(fal) gorodda rog; qarqarka sare, hoos u qallooci. Dh: fooror.
foorar-ka: (magac, lab, keli) qarqarka sare oo hoos iyo hore loo qalloociyo. Dh: fooror
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jookar
m.l Warqad turubka ka mid ah oo marka iskaalada la ciyaarayo meel kasta oo warqad ka maqantahay buuxiya; maato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jookar
m.l Warqad turubka ka mid ah oo marka iskaalada la ciyaarayo meel kasta oo warqad ka maqantahay buuxiya; maato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koofur
(Koofur-ta)
Qofka woqooyi ujeeda, docda dhabarkiisa ku abbaaran; (ama koonfur).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koofur
m.dh Jiha waqooyiga liddiga ku ah. la-mid: koonfur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koofur
m.dh Jiha waqooyiga liddiga ku ah. la-mid: koonfur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koofur
f. n., loc. south
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koofur
-ta: (n) south (sawth) ~ koonfur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koofur
-ta: (magac, dhedig, keli) jihada qofku markuu waqooyi eegaayo dhabariisa ku qumman. Dh: koonfur. Li: waqooyi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koofur
de: south
lx: koofur
pd: (-ta)
ps: n0-f-loc
xe: koonfur
xv: junuub
key: koofur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kootar
-ka: (magac, lab, keli) qori nugida iyo harqoodka isku xidha. Wa: kootaarro
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
loof_1
de: unquenchable thirst
hm: 1
lx: loof
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: loof_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
loof_2
de: have ~ get a parching and unquenchable thirst
hm: 2
lx: loof
pd: (loofay)
ps: v1=inch
key: loof_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loofid
m.f.dh eeg loof².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolad
m.l la-mid: loolasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
looxaa
(falkaabe) erey tusa meel aan fogayn oo farta lagu fiiqayo. Adhigu looxaa buu daaqayaa. Dh: looxeer, halkaa, kobtaa, meeshaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looxad
m.dh Sawir gacmeed qiima leh oo ku sawiran waraaq iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
looxad
m.dh Sawir gacmeed qiima leh oo ku sawiran waraaq iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mootar
-ka: (magac, lab, keli) hub daarandoorri u dhaca. Dh: moortar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoofal
(Qoofal-ka)
Xarig tidcan ama dhaaclaysan oo labada afba ilo ku leh oo fardaha jeeni iyo lug isxiga lagaga xiro, si ayan u fogaan ama u cararin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoofal
qoofal¹: m.l 1. Dabar suun ka samaysan oo awrta iyo fardaha jeenyaha hore lagaga seeteeyo. 2. la-mid: qoofalid.
qoofal²: f.g1 (-alay, -ashay) Awr ama faras jeenyaha hore dabar suun ah uga seeteyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoofal
m.l 1. Dabar suun ka samaysan oo awrta iyo fardaha jeenyaha hore lagaga seeteeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoofal
m. n. hobble, tether (for horse)
qoofal v. hobble ~ tie up (a horse); lock up (a building)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoofal
(fal) dusha hagoog ka saar oo ku wada qari. Baabuurka shiraac ku qoofal. Dh; dahaadh, hagoog.
qoofal -ka: (magac, lab, keli) jaad warmaha ka mid ah oo aad u weyn ama af ballaadhan. Qiyaas uma ridaan reer Xareed goofal kii warane.
qoofal -ka: (magac, lab, keli) xadhig rudcan co labada afba ilko ku leh oo farduhu si aanay u fogaan ama u cararin lagu shakaalo, Dameerka qoofal ku xidh. Dh: shagkaal.
qoofal -ka: (magac, lab, keli) hagoog wax wada qarisa. Dh: hagoog; dahaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofay
(fal) soofe mari; afay; soofee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku loofar
v. squander, spend unwisely, waste money
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_loofar
de: squander, spend unwisely, waste money
lx: ku loofar
pd: (loofaray)
ps: v1=expr
key: ku_loofar
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aloobaar
Allobar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doonfaar
m.l la-mid: doofaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doonfaar
m. n. pig; pork
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doonfaar
-ka: (n) pig (pig); pork (poork); hog (hoog); swine (iswaayn); boar (boor) ~ doofaar, khaansiir
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doonfaar
a: doofaar {S}
de: pig; pork
lx: doonfaar
pd: (-ka)
ps: n2-m, n5-m
key: doonfaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
doonfaar
خنزير
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goofaari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: goofaadhi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
look for
/ (v) raad-raadin (doon-doonid).