ereyga

lohonloh

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lohonloh

DHAN

-a: (magac, lab, keli) cid kale isku dhedhejin oo ku dhadhawaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Lohloh

DHAFANDHAAF
1

(Lohloh-a)

2

1. (af, ilko, ...) liiqliiqana haya; ilko wax dhacay iyo wax ruxana hayaba leh; qushaash.

3

2. Gilgil; ruxrux.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

lohloh

DHAFANDHAAF

m.l.kh L. ah: aad u liiqliiqashada ilkaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

lohloh

DHAFANDHAAF
1

m. n., [collective] halitosis, bad smell of the mouth ~ poorly-brushed teeth

2

lohloh vl. n. shaking ~ chattering (of teeth)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lohloh

DHAFANDHAAF
1

-a: (magac, lab, keli) dheri intii fiicnayd laga guray, wixii ku hadhay oo weel kale lagu wareejiyo.

2

lohloh -a: (magac, lab, keli) ilko wax dhacay iyo wax ruxanayaba leh. Dh: liiqliiqasho, gilgilad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

loolo

DHAFANDHAAF

f.g3 (-ooshay, -oolatay) Mindi iyo wixi lamida afaysasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

loolo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) jar iyo meel haadaan ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Loolih

DHAFANDHAAF
1

(Loolih-ka)

2

Qalab (qodob, kd.) af fiiqan oo aroor dheeri ku wareegsan yahay oo loogu talaggalay inuu, dalool dhexda aroor kale oo qodan ku leh dhexgalo isagoo wareega haya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

nohnoh

DHAFANDHAAF
1

nohnoh¹: m.l 1. Socod deg-deg ku jiro oo nafley gaajaysan ama harraadani ay samayso marka ay u jeedaan meel biyo ama cunto leh. 2. N. ah: wax mataatax noqday.

2

nohnoh²: f.mg1 (-hay, -htay) Wax mataatax noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

nohnoh

DHAFANDHAAF
1

m. n., [abstract] wear and tear, wearing out (of fabric)

2

nohnoh v. become fragile ~ weak, wear out (of fabric)

3

nohnoh m. n. insensitive person who butts in

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

nohnoh

DHAFANDHAAF
1

(fal) wax mataataxay noqo.

2

nohnoh -da: (magac, dhedig, keli) socod deg-deg ku jiro oo nafley gaajaysan ama harraadani ay samayso marka ay u jeedaan meel biyo ama cunto leh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

moholog

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qof waxmatare ah. Moholog wax ha u dirsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhohondhoh

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-hay, -hday) Nafley, bogga iyo caloosha isku dhegid baahi darteed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

goshongol

DHAFANDHAAF

m.dh Geedgaab faalala oo leh bari weyn oo dharka lagu dhaqdo waxna lagu daaweeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

goshongol

DHAFANDHAAF

m.dh Geedgaab faalala oo leh bari weyn oo dharka lagu dhaqdo waxna lagu daaweeyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

goshongol

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) geedgaab faalala oo leh badhi weyn oo dharka lagu dhaqdo waxna lagu daaweeyo.

waa la naqliyay ✓