logaridam
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
logaridam
m.l (-myo, m.dh) (xisaab) Tiro loo tibaaxay jibbaarka tiro kale tiro kasta x waxa loo qori karaa sansaanka x = ay, taas oo y ay tahay logardamka x ee sal a, logardam waxa loo soo gaabiyaa 'log'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
logardam
m.l (-myo, m.dh) (xisaab) Tiro loo tibaaxay jibbaarka tiro kale tiro kasta x waxa loo qori karaa sansaanka x = ay, taas oo y ay tahay logardamka x ee sal a, logardam waxa loo soo gaabiyaa “log”.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Logardam
Logarithm
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
logardam
m. n. logarithm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
logardam
-ka: (magac, lab, keli) xisaab ahaan, tiro loo tibaaxay jibbaarka tiro kale tiro kasta x waxa loo qori karaa sansaanka x = ay, taas oo y ay tahay logardamka x ee sal a, logardam waxa loo soo gaabiyaa 'log'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
logardam
de: logarithm {Eng}
lx: logardam
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: logardam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abyanaha logaridam
m.l (xisaab) Qayb ka mid ah logaridamka tiro ee ah abyoonaha ku yaalla bidixda barta tabanlaha ee ku jirta logaridamka.

xaddiditaanka PH
m.l (xisaab) Logaridamka sal 10 ee rogaalka ribnaanta ayoonnada haydarojiinta ku jirta milan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abyanaha logaridam
m.l (xisaab) Qayb ka mid ah logaridamka tiro ee ah abyoonaha ku yaalla bidixda barta tabanlaha ee ku jirta logaridamka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaddiditaanka PH
m.l (xisaab) Logaridamka sal 10 ee rogaalka ribnaanta ayoonnada haydarojiinta ku jirta milan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abyane
-ha: (magac, lab, keli) 'logaridam' erey xisaabta loo adeegsado oo tilmaama qayb ka mid ah logaridamka tiro ee ah abyoonaha ku yaalla bidixda barta tabanlaha logaridamka.
abyane-ha: (magac, lab, keli) 'huban' erey xisaabta loo adeegsado oo tilmaama jawaabta abyanka fansaar kasta ee hal doorsoome.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Logarithm
Loogardam
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Logarithm
Logardam
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
logarithm
/loogarithm/ (n) nooc xisaabta ka mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Loogardam
Logarithm
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lidlogaridam
m.l (-myo, m.dh) (xisaab) Fansaarka weydaarka u ah logardamka tiro ama tiro logardamkeedu yahay tiro la isa siiyey. Logardamka caadiga ah, lidlogga ee x waa 10x. Logardamkanabiir idlogga ee x waa ex. Lidlogardam waxa loosoo gaabiya 'lidlog'.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
logarithme
logarithme, n.m. - Nooc xisaab; loogaaritmi.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Logarithms
Loogaridim
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Algoridam
Algorithm
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lidlogardam
m.l (-myo, m.dh) (xisaab) Fansaarka weydaarka u ah logardamka tiro ama tiro logardamkeedu yahay tiro la isa siiyey. Logardamka caadiga ah, lidlogga ee x waa 10x. Logardamkanabiir idlogga ee x waa ex. Lidlogardam waxa loosoo gaabiya “lidlog”.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lidlogardam
Antilogarithm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lidlogardam
-ka: (magac, lab, keli) fansaarka weydaarka u ah logardamka tiro ama tiro logardamkeedu yahay tiro la isa siiyey. Logardamka caadiga ah, lidlogga ee x waa 10x. Logardamka nabiir idlogga ee x waa ex. Lidlogardam waxa loosoo gaabiyaa 'lidlog'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sal logardam
m.l (-lal ..., m.l) Tirada jibbaarkeedu la midka yahay logardamka tirada. Haddii logardamka x ee sal b (loo qoro logb x) yahay y, marka; b y = x . Salka logardamka caadiga ah waa 10.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sal logardam
m.l (-lal ..., m.l) Tirada jibbaarkeedu la midka yahay logardamka tirada. Haddii logardamka x ee sal b (loo qoro logb x) yahay y, marka; b y = x . Salka logardamka caadiga ah waa 10.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sal logardam
Base of logarithm
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaam
m.l la-mid: garaamme.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaam
Gram
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaam
-ka: (n) gram (garaam) ~ hal-beeg culays oo la mid ah 1/1000 Kg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardax
-a: (magac, lab, keli) guud ahaan raashinka jawaanada ku jira ee aan waxba lagu shubin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lògica
s.f. - cilmiga maangalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angarid
m.f.dh eeg angar². la-mid: angar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angarid
-da: (magac, dhedig, keli) ka tegitaan; ka dhaqaaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karidad
-ka: (magac, lab, keli) cunto bisil ka soo gurasho ama bahal inta uu xoolo qaatay ka soo celin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
locanda
s.f. - hoteel caadi ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
logical
/lojikal/ (adj) caqliga geli kara; macquul (sababo cad leh).
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
ovarian
(adj) pertaining to an ovary or ovaries.
makaanka haweenka qaybta ukunta samaysa
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
localita
s.f. - rug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loofarid
m.f.dh eeg loofar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordah
sogordah¹: m.l Maldahidda hadal iyo wixi lamida la maldaho. la-mid: sogordahid.
sogordah²: f.g1 (-hay, -hday) Hadal iyo wixi lamida maldahid; wax sarbeebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogordah
(fal) eeg sogodhdah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agareydam
(tilmaame) rajo la'aan iyo baaba'. Dhulka abaar baa ka dhacdoo, waa agareydam.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lunar day
Maalin dayaxeed
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
volgarità
s.f. - badownimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilogaraam
m.l (-myo, m.dh) la-mid: kiilo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kiilogaraam
Kilogramme
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kiilogaraam
Kilogram
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiilogaraam
m. n. kilogram
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiilogaraam
-ka: (n) kilogram (kiilagaraaniy, 1000 gram = 1 kg
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiilogaraam
de: kilogram {Eng}
lx: kiilogaraam
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kiilogaraam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiloogaraam
m.l (-mo, m.dh) Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiloogaraam
m.l (-mo, m.dh) Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiloogaraam
-ka: (magac, lab, keli) halbeeg cufka ama culayska lagu cabbiro oo la mid ah 1000g.