liyuukoosayt
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liyuukoosayt
m.l (-tyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Unug aan midab lahayn oo bu' leh, lagana helo dhiigga iyo limfka. Unugyada cad cad ee dhiigga waxa sameeya gumudyada limf iyo dhuuxa lafta ee cas, waxayna awood u leeyihiin inay sameeyaan dhaqdhaqaaq amiibeed. Waxay soo saari karaan lid jidh-galayaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liyuukoosayt
-ka: (magac, lab, keli) unug aan midab lahayn oo bu' leh, lagana helo dhiigga iyo limfka. Unugyada cad cad ee dhiigga waxa sameeya gumudyada limf iyo dhuuxa lafta ee cas waxayna awood u leeyihiin inay sameeyaan dhaqdhaqaaq amiibeed. Waxay soo saari karaan lid jidhgalayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unugga cad ee dhiigga
m.l eeg liyuukoosayt.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limfosayt
m.l (-tyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Nooc ka mid ah unugyada cad cad ee dhiigga oo leh bu' ballaadhan iyo saytoobalaasam yar. Limfosaytyadu waxay ku samaysanyihiin gummudka limfka, waxaanay soo saaraan ilaa rubuc ka mid ah unugyada cad cad. Muhimad weyn ayey ku leeyihiin xagga difaaca jidhka, waxaanay masu'uul ka yihiin falgallada ka baxeed marka ay jirto nashaadin lid jidh-dhaliye si loo soo saaro lid jidh-gale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
limfosayt
m.l (-tyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Nooc ka mid ah unugyada cad cad ee dhiigga oo leh bu' ballaadhan iyo saytoobalaasam yar. Limfosaytyadu waxay ku samaysanyihiin gummudka limfka, waxaanay soo saaraan ilaa rubuc ka mid ah unugyada cad cad. Muhimad weyn ayey ku leeyihiin xagga difaaca jidhka, waxaanay masu'uul ka yihiin falgallada ka baxeed marka ay jirto nashaadin lid jidh-dhaliye si loo soo saaro lid jidh-gale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limfosayt
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah unugyada cad cad ee dhiigga oo leh bu' ballaadhan iyo saytoobalaasam yar. Limfosaytyadu waxay ku samaysanyihiin gummudka limfka, waxaanay soo saaraan ilaa rubuc ka mid ah unugyada cad cad. Muhimad weyn ayey ku leeyihiin xagga difaaca jidhka, waxaanay masu'uul ka yihiin falgallada ka baxeed marka ay jirto nashaadin lidjidh-dhaliye si loo soo saaro lidjidhgale.