lisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisad
m.l la-mid: lisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lisad
vl. n. act of milking; act of sharpening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisad
-ka: (magac, lab, keli) neef irmaan, lisasho. Dh: maalasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lisad
de: act of milking; act of sharpening
lx: lisad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: lisad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isad
(tilmaame) wax ay cidi si gaar ah u leedahay. Nuur isad ayuu u leeyahay gaadhiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bisad
(Bisad-da)
Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shinbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisad
m.dh (-do, m.l) Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bisad
m.dh (-do, m.l) Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bisad
f. n. cat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bisad
da: (n) [Plural. bisado-ha] kitty (kiti); cat (kaat) ~ mukulaal, yaanyuur, durmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisad
-da: (magac, dhedig, keli) xawayaan dhogor jilicsan, dabjoogta ka mid ah, dadka la nool. Bisidna waa ka ciyaar jiirna waa ka naf. Dh: dinnad, basho, dummad, mukulaal, yaanyuur, durruf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bisad
bw: Arabic
de: cat
lx: bisad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: dummad, mukulaal, yaanyuuro
key: bisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jisad
m.dh la-mid: jiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jisad
f. n. reward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jisad
-da: (magac, dhedig, keli) abaalgud iyo samecelin. Dh: jiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jisad
de: reward
lx: jisad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: jiso
key: jisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limad
m.l Falidda dhul beereed sarac ku yaal oo caws iyo wixi lamida laga falay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limad
-ka: (magac, lab, keli) dhiiqo iyo wixii la mid ah, ku dhaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lisan
1. Caanihii laga lisay; la maalay.
2. Lisin ama wax kale lagu afeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisan
lisan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Candho, wax caano ka yimaadeen noqosho. 2. Mindi wax af loo yeelay noqosho.
lisan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Xoolo irmaan wax la lisay ahaansho. 2. Mindi wax af loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lisan
v. be milked; be extracted ~ squeezed out (as resin); be sharpened
lisan [derived] [adjective] milked; extracted, squeezed out
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Lisan
name-f milked; extracted ~ squeezed out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisan
(fal) bir iyo wixii la mid ah, wax soofaysan nogo. Dh: loollan, soofaysan.
lisan: (tilmaame) wax la afeeyey, mid la soofeeyay oo afaysan.
lisan: (tilmaame) neef la maalay oo aan caano lahayn. Dh: maalan. Li: dihin.
lisan -ka: (magac, lab, keli) qaab moolaad ka dhasha marka gunbur, buur amaba dhadhaab uu ku dhaco carraguur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lisid
(Lisid-da)
1. Neef xoolo ah oo irmaan, iyadoo naasaha laga tuujina hayo, caanaha candhada ku jira ka keenid; maalid.
2. Mindi ama wax la mid ah, lisin ku afayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisid
m.f.dh eeg lis². la-mid: lis¹ (3), lismo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lisid
-da: (n) milking (milking) ~ caano maalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano ka maalid. Dh: maalid. Li: gaagixin.
lisid -da: (magac, dhedig, keli) afaynta wax saawir ah. Middidu lisid ayey u baahan tahay. Dh: afayn, soofayn. Li: saawirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisad
m.dh (-do, m.l) Waqti loo qayday cashar-bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xisad
m.dh (-do, m.l) Waqti loo qayday cashar-bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xisad
f. n. class period, lesson
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xisad
see [eeg] xiisad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xisad
-da: (magac, dhedig, keli) laba iyo in kabadan oo wax isku darsaday inta uu midkiiba xaqu leeyahay ee uu mutaysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xisad
de: class period, lesson
initial: x
lx: xisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisasho
m.f.dh eeg liso. la-mid: lisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) naas dhiiq ku jirta ka maalid. Dh: lisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqsi
-ga: (magac, lab, keli) naas dhiiq ku jirta ka maalid. Dh: lisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooxsad
-ka: (magac, lab, keli) xoox ka lisad oo godolka hortii ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicsad
m.l la-mid: liicsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhisad
(Dhisad-ka)
Dhisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisad
m.l la-mid: dhisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhisad
vl. n. act of building for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhisad
-ka: (magac, lab, keli) aqal, deyr ama wax kale, dhisasho. Dh: dhisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhisad
a: dhisasho
de: act of building for oneself
lx: dhisad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhisad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidsad
-ka: (magac, lab, keli) wax duubnaa fidsasho; wax laabnaa kala furasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higsad
-ka: (magac, lab, keli) wax in mar uun la gaadho ama la taabo la rajaynayo, tiigsigiisa iyo dabajooggiisa. Sida loo kala higsad dheer yahy ayaa loo kala hammad weyn yahay. Dh: taamid, rajayn, himilo, higsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibsad
(Iibsad-ka)
Iibsashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsad
m.l la-mid: iibsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibsad
vl. n. purchase (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibsad
-ka: (n) buying (baaying); purchase (peerjaasing) ~ iibsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo ama alaab suuqa la keenay, soo gadasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibsad
de: purchase (for oneself)
lx: iibsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: iibsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirsad
(Jirsad-ka)
Jirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirsad
m.l la-mid: jirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirsad
vl. n. taking shelter from the rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirsad
-ka: (magac, lab, keli) jir roobaad qabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirsad
a: jirsasho (/da) [vn6-f], jirsi (ga) [vn2a-m]
de: taking shelter from the rain
lx: jirsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: jirsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jisyad
m.dh la-mid: jisyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jisyad
f. n. tax (which Muslims collect from non-Muslims)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jisyad
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo laga qaado dadka aan Muslinka ahayn oo lagu daranyadhabo laguna difaaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jisyad
a: jisyo (/da) [n6-f]
bw: Arabic
de: tax (which Muslims collect from non-Muslims)
lx: jisyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jisyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiisad
(Kiisad-da)
Kiis; kiish; kiishad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiisad
m.dh la-mid: kiishad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiisad
f. n. bag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiisad
-da: (magac, dhedig, keli) wax qalqale leh oo wax lagu rito ama la gashado. Dh: kiiishad Wa: kiisado, kiishado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiisad
de: bag
lx: kiisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kiisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiswad
(Kiswad-da)
Marashi; arratir; dhar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiswad
m.dh Dhar qaali ah, lagu xarragoodo oo dumarku qaataan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiswad
f. n. clothes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiswad
-da: (magac, dhedig, keli) marada madaw ee xariirta ah ee Kacbada la huwiyo, sannadkiiba mar. Kiswada kacbada warshad baa keligeed shubta
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiswad
bw: Arabic
de: clothes
lx: kiswad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kiswad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laasad
m.l la-mid: laysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laasad
-ka: (magac, lab, keli) cunno ama cabitaan. wada madhsad; wax la cunayo, idlaysad. Dh: fuuqsi, laasasho, heemin, dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laysad
m.l la-mid: laysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libaad
(Libaad-da)
Idiin qurux badan oo kore-Soomaaliga docdiisa hoose lagu dhejiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libaad
f. n. decorative ~ artful leather applique
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libaad
de: decorative ~ artful leather appliquŽ
lx: libaad
pd: (-da)
ps: n-f
key: libaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libgad
libgad¹: m.l 1. L. ah: qof jisaar ah. 2. la-mid: libgadid.
libgad²: f.mg1 (-day, -dday) Ka l.: qof ku jisaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
libgad
libgad¹: m.l L. ah: qof jisaar ah.
libgad²: f.mg1 (-day, -dday) Ka l.: qof ku jisaarid. m.f.dh, libgadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libgad
m. n. (adj.): ingrate; unpleasant, ungrateful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libgad
-ka: (magac, lab, keli) qof wixii loo taray ku mahad niqin oo ka abaaldara. Libgad wax lama siiyo. Dh: abaallaawe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libgad
de: ingrate; [atr.] unpleasant, ungrateful
lx: libgad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: libgad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
licbad
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar. Licbad ayaan dheelay. Dh: cayaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lidbad
-ka: (magac, lab, keli) meesha la marayo oo qoyan aawadeed, kolba silbasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ligand
ligand, n.m. - Ku xeerane
théorie du champ des ligands - Aragtiga badka ku xeeramaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liifad
(Liifad-da)
Cad yar oo xarig ah ama daliig kale oo ama xirmo yar oo liilammo ah, oo feynuuska gaaska ku baxa ama shimica iyo waxyaalo kale, la dhexgeliyo oo inta daarma olola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liifad
m.dh (-do, m.l) 1. Tidac dun ah, la geliyo feynuusyada gaaska oo marka la shido bixiya iftiin. 2. Bir yar, buntuqa afkiisa hore ku samaysan oo wax lagu shiisho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liifad
m.dh (-do, m.l) 1. Tidac dun ah, la geliyo feynuusyada gaaska oo marka la shido bixiya iftiin. 2. Bir yar, buntuqa afkiisa hore ku samaysan oo wax lagu shiisho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liifad
f. n. wick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liifad
-da: (n) wick (wik); wick for oil lamp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liifad
-da: (magac, dhedig, keli) haylaaq yar oo faanuuska gaaska lagu rido si loo iftiinsado. Dh: dubaalad, dibaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liifad
de: wick
lx: liifad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: liifad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof wax illowsan ahaansho. 2. Wax saqraansan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqsan
der. [adjective] drunk (down), swallowed; forgotten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqsan
(tilmaame) wax lagay ama la dhunjiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqsan
a: laqsan
de: drunk (down), swallowed; [fig.] forgotten (s.t. that slips from one's mind)
lx: liqsan
pd: (liqsanaa)
ps: adj-der
key: liqsan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Lisaan
name-m tongue (Arb)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lismid
m.f.dh eeg lisan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lismid
-da: (magac, dhedig, keli) mindi iyo wixii la mid ah, soofaysmid.
lismid -da: (magac, dhedig, keli) is xoqidda labo walxood kolkay is xoqaan. Dh: xoqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Listan
(Listan-ta)
Xiddigaha raqaha oo dayuxu maro, tooda labaad oo u dhexaysa godinta iyo lixaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
listan
m.l Xiddigaha raqaha oo dayaxu maro tooda labaad oo u dhexeysa godinta iyo lixaha.