liquide
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
liquide
liquide, adj. - Dareer.
liquide, n.m. - Dareere.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Liquid
Hoor
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
liquid
/likwid/ (n) dareere; hoor.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Liquid
Lacagnimo, dureer
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
liquido
agg. - hoore, dareere.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
liquids
(n) fluids.
dareere
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ruubanayya
couler (liquide).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
plonger
plonger, v. - quusid; tiimbid.
immerger dans un liquide - la dhex galiyo wax quiqul ah.
enfoncer - la tiimbiyo.
être plongé - hurdo dheer la seexdo.
se plonger - la isa siiyo; si fiican loo dhex galo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
liquidare
v.tr.- khaarijin, ka takhallusid; dilid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
liquidate
/likwadheyt/ (v) 1. khaarajin; ka takhalusid 2. musalifid (shirkad fakhriday oo alaabteedii la xaraasho si deyntii shirkadda loo bixiyo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
liquidize
/likwadhays/ (v) dareere ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqid
(Liqid-da)
Wax la cuno ama la cabbo, jidiinka marsiin; dhunjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqid
m.f.dh eeg liq. la-mid: laqid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Liqid
Annihilation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqid
vl. n. swallowing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liqid
-da: (n) the act of swallowing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqid
-da: (magac, dhedig, keli) hunguriga wax marsiin oo caloosha u dhaadhicin. Liqiddii wasladda ayuu ku mergaday. Dh: ligis. Li: tufid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqid
de: swallowing
lx: liqid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: liqid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
liqid
ابتلاع
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
équidé
équidé, adj. - xoolo gaybta fardaha iyo dameeraha iwm
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
livide
livide, adj. - Qof aad u cad; caddaad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
limpide
limpide, adj. - qeexid; qeexan; aad u qeexan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
liquóre
s.m. sharaab khamri.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Liquidity
Naqad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
iniquité
iniquité, n.f. - sharci darro aad u badan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ubiquité
ubiquité, n.f. - meel walba jooga; qof awood u leh in uu meelo badan tago isku mar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liid
(Liid-ka)
1. (qof) laga wartaagsan yahay; nacas; doqon; xun.
2. Cad yar oo xarig ah ama dun ama mayrax, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liid
liid¹: m.l.kh 1. L. ah: qof jilicsan oo tabar yar. 2. Nacas, doqon.
liid²: f.g1 (-day, -dday) Cid quursasho; yasid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liid
liid¹: m.l.kh 1. L. ah: qof jilicsan oo tabar yar. 2. Nacas, doqon.
liid²: f.g1 (-day, -dday) Cid quursasho; yasid. m.f.dh, liidid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Liid
Band
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liid
m. n. fool, idiot, bad ~ contemptible person
liid v. humiliate, abase, treat like a fool; despise, disdain, scorn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liid
-ay / day: (v) dishonor or disgrace; humiliate (hiyumiliyeeyt); degrade (digareeyd) ~ sharaf-ridid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liid
(fal) cid kale, yarayso oo xaqir. Kaan ku qadarin adna liid. Dh: quudhso, yarayso.
liid -ka: (magac, lab, keli) aag ama jiid seenyaal oo koox hirar jabaqeed oo baacyo u gooniya leh oo loo isticmaalo baahinta barnaamijyada raadyowga. Raadyowga Jabuuti waxaan ka dhageystaa hirka dhererkiisu yahay 42 mitir liid.
liid -ka: (magac, lab, keli) diilin dheer oo midab leh. Sac liid madaw dhabarka ku leh ayaan raadinayaa. Dh: diilin, liin.
liid -ka: (magac, lab, keli) qoorta dhinaceeda dambe eo timaha madaxa iyo lafta duudka u dhexeeya. Dh: qadaad, law, tun, deli, qoordiid.
liid -ka: (magac, lab, keli) yaraysi iyo xaqiraad.
liid -ka: (magac, lab, keli) cad yar oo xadhig ah ama dun ama maydhax, iyo wixii la mid ah.
liid -ka: (magac, lab, keli) qof laga wanaagsan yahay ama hooseeya.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
quid
n., (of tobacco) noshug, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biqid
(Biqid-da)
Baqdini gelid; cabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqid
m.f.dh eeg baq². la-mid: baq¹ (2), baqid, biqitin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqid
m.f.dh eeg diq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiqid
(Fiqid-da)
Hadal faq ah ku wada hadlid; (ama faqid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiqid
m.f.dh la-mid: faqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiqid
-da: (magac, dhedig, keli) qodidda god ama wax la mid ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
guide
/gaydh/ (n) 1. tilmaame (hage, qof, buug iwm, oo qof tilmaamo siiya) (v) 2. hagid, tilmaamid, hoggaamin. e.g. I don't know how to get to your home, so I'll need somebody to guide me.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
guide
guide, n.m. - qofka wax tilmaama; hage
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
guide
n., abbaan, -ki, jid yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiide
(Jiida-ha)
Xarig wax lagu wado ama lagu jiido; hoggaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiide
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. Bir ama xarig laba wax layskula xiro si ay isu jiidaan. 2. Foolasha yaryar ee hoose oo xaya-waanka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiide
m. n. halter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiide
-ha: (magac, lab, keli) gaadhi hubka waawayn ee madaafiicda goobta lagu jiido.
jiide-ha: (magac, lab, keli) mid ka mid ah miciyada awrka oo u soo baxa kolka uu siddeedjir gaadho.
jiide-ha: (magac, lab, keli) xadhig lagu xidho saca Do lisitaanka ka carara. Jiidaha Ilaahay haddii la igu jeeraarsho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiide
de: halter
lx: jiide
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jiide
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqid
m.dh la-mid: liqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqid
-da: (magac, dhedig, keli) bad, ceel, webi iyo wixii la mid ah, dejin oo hoos u libdhin. Dh: leqis, qarqin.
leqid-da: (magac, dhedig, keli) afgelin oo jidiinka hoos ugu dejin. Dh: leqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ligid
m.f.dh eeg lig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ligid
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax isdul saarsaarid.
ligid-da: (magac, dhedig, keli) isku jufid oo aad u adkayn. Dh: adkayn, ligis.
ligid -da: (magac, dhedig, keli) murjis ama wax kale oo fiiqan, meel ka taagid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ligue
ligue, n.f. - Heshiis adag ama dawlado dhex mara si ay danahooda u ilaashadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lihid
v., sg., neg., present habitual: you don't have ~ own something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lihid
de: you don't have ~ own s.t.
lx: lihid
ps: v5b-2sg-neg-prhb
xe: You dont own a farm.
xv: Beer ma lihid.
key: lihid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liido
f.mg3 (-iitay, -iidatay) Cid cudur ama dhaqaale darro awgeed la tabar yarayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liido
f.mg3 (-iitay, -iidatay) Cid cudur ama dhaqaale darro awgeed la tabar yarayn. m.f.dh, liidasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liido
v. be weak
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liido
(fal) wax liita oo la yaso noqo.
liido: (fal) (ka ~) cid kale ka darraw oo ka xumaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liido
de: be weak
lx: liido
nt: liidasho (/da) [vn6-f] 'weakness'
pd: (liitay)
ps: v3b=
key: liido
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liire
(Liira-ha)
Lacag dhulal badan ka socota, gaar ahaan dhulka Talyaaniga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liire
m.l (dhaq.) Lacag dalal dhawr ah laga isticmaalo ama laga isticmaali jiray sida dalka talyaaniga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liire
m.l (dhaq.) Lacag dalal dhawr ah laga isticmaalo ama laga isticmaali jiray sida dalka talyaaniga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liire
m. n. lira (Italian money)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liire
-liiraha: (n) lira; [plural lire]; basic unit of Italian currency
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liire
-ha: (magac, lab, keli) lacag dalal badan laga adeegsado oo ka socota, gaar ahaan dalka Talyaaniga. Kontonaadkii liire ayaa Xamar wax lagu cuni jiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liire
de: lira (Italian money) {It}
lx: liire
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: liire
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Limid
(Limid-da)
Yaanbo ama qalab kale beer ku falid; beer, abuurid u darbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limid
m.f.dh eeg lin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limid
-da: (magac, dhedig, keli) yaanbo ama qalab kale beer ku falid oo abuur u diyaarin ama geeda ka gurid. Dh: darbid, limis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lisid
(Lisid-da)
1. Neef xoolo ah oo irmaan, iyadoo naasaha laga tuujina hayo, caanaha candhada ku jira ka keenid; maalid.
2. Mindi ama wax la mid ah, lisin ku afayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisid
m.f.dh eeg lis². la-mid: lis¹ (3), lismo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lisid
-da: (n) milking (milking) ~ caano maalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano ka maalid. Dh: maalid. Li: gaagixin.
lisid -da: (magac, dhedig, keli) afaynta wax saawir ah. Middidu lisid ayey u baahan tahay. Dh: afayn, soofayn. Li: saawirin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
loque
loque, n.f. - Jeexjeexan; daldaloola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niqid
m.dh la-mid: naqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niqid
-da: (magac, dhedig, keli) gar iyo wixii la mid ah qaadid ama guddoomin. Niqidda gartu aqoon iyo caddaalad ayay u baahan tahay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pique
pique, n.f. - waxa caaradda leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
piqué
piqué, adj. - qaniinyada cayayaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qudde
(Qudda-ha)
Fandhaal weyn; qarsin; dhure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qudde
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. Qori dabo dheer oo la qabsado leh oo biyaha la darsado. 2. la-mid: qunde (2). Fandhaal weyn oo qori ka samaysan; qarsin; dhure.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qudde
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. Qori dabo dheer oo la qabsado leh oo biyaha la darsado. 2. la-mid: qunde Fandhaal weyn oo qori ka samaysan; qarsin; dhure.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudde
m. n. ladle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudde
-quddaha: (n) large wooden spoon for serving food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudde
-ha: (magac, lab, keli) fandhaal weyn oo waxa la karinayo lagu laaqo. Dh: qunde.
qudde -ha: (magac, lab, keli) qori dabo dheer oo la qabsado leh oo biyaha la darsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudde
de: ladle
lx: qudde
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: dhure, kaal, qaaddo, qarsin
key: qudde
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
quite
/kwayt/ (adv) 1. si buuxda (gebi ahaan) 2. ilaa xad (ilaa heer, ugu dhawaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunde
(Qunda-ha)
Hilib weyd ah oo la engejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunde
m.l 1. Hilib weyd ah oo la engejiyey. 2. la-mid: qudde.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunde
m. n., (mass n.): dried meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunde
-ha: (magac, lab, keli) hilib weyd ah oo la engejiyo.
qunde-ha: (magac, lab, keli) qaaddo weyn oo qori ah oo dheryaha cuntada lagu laaqo lagaga na guro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunde
de: dried meat
lx: qunde
pd: (/ha)
ps: n7-m-mass
key: qunde
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurde
-da: (magac, dhedig, keli) guntimaha aan Imilmin kolka budo laga dhigayo shuuro ama qoosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqid
m.f.dh eeg siq.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Siqid
Approach,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqid
-da: (magac, dhedig, keli) beer ku socod, marka aayar la durko. Dh: gurguurad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
squid
/skwidh/ (n) xayawaan-badeed toban lugood afka hore ku leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tique
tique, n.m. - shilinta; dhibiijo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlid
m.f.dh eeg biqil². la-mid: biqil¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlid
-da: (magac, dhedig, keli) soo bixidda abuurka ama shinnida marka dhulka rayska leh lagu aaso ama lagu saydho.