liqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid in ay wax jadiinka mariso gayeysiin. la-mid: laqsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid in ay wax jadiinka mariso gayeysiin. m.f.dh, liqsiin. la-mid: laqsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqsii
v.caus: make someone swallow something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqsii
(fal) cunto ama cabbitaan sii si uu u lago.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqsii
de: make s.o. swallow s.t. See also: laqsii
lx: liqsii
pd: (liqsiiyey)
ps: v2a=caus
key: liqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqsiin
m.f.dh eeg liqsii. la-mid: laqsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto ama wax kale dhuunta u marin. Dh: dhunjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: liqsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqsii
v.caus: cause to sink, make someone drown
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqsii
(fal) waxuu laqo si dhunjisii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqsii
de: cause to sink, make s.o. drown See also: liqsii
lx: laqsii
pd: (laqsiiyey)
ps: v2a=caus
key: laqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Hoore cid aayar kabbisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsii
(fal) qof kale, habka fiiqsiga, dareere u cabsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqsiin
m.dh la-mid: liqsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la cuno ama la cabo liqsiin. Dh: dhunjisiin, liqsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cisii
f.g/mg2 (-iiyay, -iisay) C./ka c.: naflayda qaarkood ci' ka dhawaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diqsi
(Diqsi-ga)
Duqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqsi
m.l la-mid: duqsi, tixsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diqsi
m.l la-mid: duqsi, tixsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diqsi
m. n. fly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diqsi
-ga: (n) fly (jlaay) ~ duqsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqsi
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan labo baad leh kuna badan meelaha wasakhda leh ama qoyan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diqsi
a: daqsi ~ duqsi
cf: cayayaan, xasharaad {C}
de: fly
lx: diqsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: diqsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqid
(Liqid-da)
Wax la cuno ama la cabbo, jidiinka marsiin; dhunjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqid
m.f.dh eeg liq. la-mid: laqid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Liqid
Annihilation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqid
vl. n. swallowing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liqid
-da: (n) the act of swallowing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqid
-da: (magac, dhedig, keli) hunguriga wax marsiin oo caloosha u dhaadhicin. Liqiddii wasladda ayuu ku mergaday. Dh: ligis. Li: tufid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqid
de: swallowing
lx: liqid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: liqid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
liqid
ابتلاع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lisid
(Lisid-da)
1. Neef xoolo ah oo irmaan, iyadoo naasaha laga tuujina hayo, caanaha candhada ku jira ka keenid; maalid.
2. Mindi ama wax la mid ah, lisin ku afayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisid
m.f.dh eeg lis². la-mid: lis¹ (3), lismo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lisid
-da: (n) milking (milking) ~ caano maalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano ka maalid. Dh: maalid. Li: gaagixin.
lisid -da: (magac, dhedig, keli) afaynta wax saawir ah. Middidu lisid ayey u baahan tahay. Dh: afayn, soofayn. Li: saawirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lisin
(Lisin-ka)
Dhagax gaar ah oo mindiyaha iyo wixii la mid ah lagu afeeyo; lool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisin
m.l la-mid: lise.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lisin
m. n. whetstone, hone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lisin
-ka: (n) knife sharpener; whetstone (wat istoon); snakestone (isneekistoon); grindstone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisin
-ka: (magac, lab, keli) dhagax gaar ah ama bir la farsameeyey oo mindiyaha iyo wixii la mid ah, lagu afeeyo. Lisin wanaagsan ayuu aabbo soo iibiyay. Dh: soofe, lool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lisin
de: whetstone, hone
lx: lisin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: lool
key: lisin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsii
(fal) (ka ~) cabsi geli, baqdin ku rid. Ka baqsii oo libaax baa bawdka soo galay ku dheh. Dh: cabsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidsii
(fal) cid kale, ka qaybgeli damaashaad; farxad munaasibadeed u darab; munaasabad ciideed awgeed ka farxi. Dh: ciidsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax nuujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax nuujin. m.f.dh, jaqsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaqsii
v.caus: nurse, make someone suck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaqsii
-yey / say: (v) suckle (sakel); nurse (neersi); cause to suck, especially breast or udder ~ nuuji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqsii
(fal) ilmo yar, naas nuuji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaqsii
de: nurse, make s.o. suck (e.g., a baby or the young of animals)
lx: jaqsii
pd: (jaqsiiyey)
ps: v2a=caus
key: jaqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley roob meel dhisan ka gelin; okorin; asheerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirsii
v.caus: give existence to, cause to exist
jirsii v. shelter ~ protect from rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirsii
(fal) wax jira ka dhig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juqsii
v. swallow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
juqsii
-yey / say: (v) push in quickly; stab with a sharp object
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juqsii
a: juq
de: swallow
lx: juqsii
pd: (juqsiiyey)
ps: v2a=tr
key: juqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqdin
(Liqdin-ta)
In kol la liqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqdin
m.dh In cunno ama cabbid ah oo mar hunguriga la mariyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqdin
vl. n. swallow, swig, gulp, mouthful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqdin
a: liqmo
de: swallow, swig, gulp, mouthful
lx: liqdin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: liqdin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof wax illowsan ahaansho. 2. Wax saqraansan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqsan
der. [adjective] drunk (down), swallowed; forgotten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqsan
(tilmaame) wax lagay ama la dhunjiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqsan
a: laqsan
de: drunk (down), swallowed; [fig.] forgotten (s.t. that slips from one's mind)
lx: liqsan
pd: (liqsanaa)
ps: adj-der
key: liqsan
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Liquid
Hoor
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
liquid
/likwid/ (n) dareere; hoor.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Liquid
Lacagnimo, dureer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqsiq
f.mg1 (-qay, -qday) Ka s.: ceeb ka dhowrsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siqsiq
v. feel disgusted; be sick (about), feel like vomiting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqsiq
-a: (magac, lab, keli) dhadhan ama ur sillan oo cunno xumaatay ama wax kale laga qaado oo mantag lagu sigto; yaqyaqsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siqsiq
cf: yaqyaqsi
de: feel disgusted; be sick (about), feel like vomiting
initial: s
lx: siqsiq
pd: (siqsiqay)
ps: v1=intr
key: siqsiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ku sugan wax kale ag dhigid. la-mid: xiji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xigsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ku sugan wax kale ag dhigid. m.f.dh, xigsiin. la-mid: xiji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsiin
m.f.dh eeg fiiqsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, habka fiiqsiga, dareere u cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelinsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid wax ka dhaadhicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelinsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid wax ka dhaadhicin. m.f.dh, gelinsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelinsii
v.caus: convince, persuade, make someone understand
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelinsii
de: convince, persuade, make s.o. understand
lx: gelinsii
pd: (gelinsiiyey)
ps: v2a=caus
key: gelinsii
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liiqliiq
-day / atay: (v) wiggle (wigel); move back and forth or from side to side; become weak or loose ~ liiliiji
liiqliiqanaya: (adj) wiggling. Ex: ilig liiqliiqanaya; wiggling tooth
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siqsiqid
(Siqsiqid-da)
Yaqyaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqsiqid
m.f.dh eeg siqsiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqsiqid
-da: (magac, dhedig, keli) siqsiq yeelasho; yaqyaqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cabsi gelin, baqdin ku rid. Dh: cabsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsiis
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) cabsi gelin, baqdin ku ridid. Dh: cabsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirsii
(fal) cid kale, dhan u liici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: daaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsii
v.caus: pasture, put (livestock) out to graze; lure, beguile
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daaqsii
-yey / say: (v) put out to grass or pasture; feed animal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsii
a: daaji
de: pasture, put (livestock) out to graze; [fig] lure, beguile
lx: daaqsii
pd: (daaqsiiyey)
ps: v2a=caus
key: daaqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax ku fillaysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deeqsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax ku fillaysiin. m.f.dh, deeqsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqsii
v.caus: give freely ~ generously; satisfy everyone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deeqsii
-yey / say: (v) make sufficient or adequate; suffice (sa-faays); satisfy (satis-faay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqsii
(fal) wax ku fillaysii. Dadka meesha jooga oo dhan deeqsii raashinka. Dh: gaadhsii, le'ekaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqsii
de: give freely ~ generously; satisfy everyone
lx: deeqsii
pd: (deeqsiiyey)
ps: v2a=caus
key: deeqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax nacsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diidsii
v. show refusal ~ aversion for something, pretend to refuse something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidsii
(fal) inuu diido oo uu aqbali waayo sabab u noqo.
diidsii: (fal) wareeri oo dawakhsii. Dh: daandaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiqsi
-ga: (magac, lab, keli) wax meel daadsan kolba mid qaadasho; si xabad xabad ah u gurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hib sii
v. fill something up to the brim