liqsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof wax illowsan ahaansho. 2. Wax saqraansan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqsan
der. [adjective] drunk (down), swallowed; forgotten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqsan
(tilmaame) wax lagay ama la dhunjiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqsan
a: laqsan
de: drunk (down), swallowed; [fig.] forgotten (s.t. that slips from one's mind)
lx: liqsan
pd: (liqsanaa)
ps: adj-der
key: liqsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lisan
1. Caanihii laga lisay; la maalay.
2. Lisin ama wax kale lagu afeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisan
lisan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Candho, wax caano ka yimaadeen noqosho. 2. Mindi wax af loo yeelay noqosho.
lisan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Xoolo irmaan wax la lisay ahaansho. 2. Mindi wax af loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lisan
v. be milked; be extracted ~ squeezed out (as resin); be sharpened
lisan [derived] [adjective] milked; extracted, squeezed out
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Lisan
name-f milked; extracted ~ squeezed out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisan
(fal) bir iyo wixii la mid ah, wax soofaysan nogo. Dh: loollan, soofaysan.
lisan: (tilmaame) wax la afeeyey, mid la soofeeyay oo afaysan.
lisan: (tilmaame) neef la maalay oo aan caano lahayn. Dh: maalan. Li: dihin.
lisan -ka: (magac, lab, keli) qaab moolaad ka dhasha marka gunbur, buur amaba dhadhaab uu ku dhaco carraguur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: liqsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqsan
der. [adjective] swallowed; forgotten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqsan
(tilmaame) wax la cuno ama la cabbo, jidiinka marsiiyey
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqsan
de: swallowed; [fig.] forgotten
lx: laqsan
pd: (laqsanaa)
ps: adj-der
see: liqsan
key: laqsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqsan
(tilmaame) wax wax liqay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqsanaan
m.dh la-mid: liqsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqsanaansho
m.l/dh la-mid: liqsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqsanaan
m.f.dh eeg liqsan. la-mid: laqsanaan, laqsanaansho, liqsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqsanaansho
m.l/dh la-mid: liqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wax liqsan ahaan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
drunk
a., saqraansan, liqsan; be sakhraan; make him drunk, kaga saqraami; make yourself drunk, isku dhufo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biliqsan
(tilmaame) wax fidhidhsan. Xadhiggan biliqsan meesha ka qaada oo duuba. Dh: firidhsan. biliqsan: (tilmaame) wax kala daadsan ama kala quban. Dh: filiqsan, firidhsan, firdhisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filiqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la filqay ahaansho. la-mid: firiqsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filiqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la filqay ahaansho. m.f.dh, filiqsanaan. la-mid: firiqsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiqsan
(tilmaame) wax baahsan oo kala daadsan; wax feylfeyllan oo kala quban. Aqalka waxan soo galay dharkii oo daaradda ku filiqsan. Dh: baahsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miliqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si aan habaysnayn isugu dhex jira ahaansho (xarig).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: ceegsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiqsan
(tilmaame) wax la ceejiyey ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liicsan
Doc loo liiciyey, loo qalloociyey; wax liita ama dhaca haya laga dhigay; khatar ku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhinac u qallooca ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhinac u qallooca ahaansho. m.f.dh, liicsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liicsan
der. [adjective] bent, crooked, tilted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liicsan
-aa I nayd: (adj) bent or slanted away from the vertical
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liicsan
(tilmaame) hoos u qalloocsan; dhan u dheelisan. Dh: janjeedhsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liicsan
de: bent, crooked, tilted
lx: liicsan
pd: (liicsanaa)
ps: adj-der
key: liicsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqsiin
m.f.dh eeg liqsii. la-mid: laqsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto ama wax kale dhuunta u marin. Dh: dhunjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiiqsan
Xiiqi hayso; xuurtaysan; dubburyaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiiqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xiiqay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiiqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xiiqay ahaansho. m.f.dh, xiiqsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiiqsan
der. [adjective] panting, wheezing, being winded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiiqsan
-aa / nayd: (adj) exhausted (eg-zoostidh); gasping for breath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiqsan
(tilmaame) xiiqi hayso; wax hiinraagsan oo xuurtaysan ah. Dh: duburyaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiiqsan
de: panting, wheezing, being winded
initial: x
lx: xiiqsan
pd: (xiiqsanaa)
ps: adj-der
key: xiiqsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqan
(Laqan-ka)
Qof yar oo laayaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqan
laqan¹: m.l 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan²: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da' yaraan ku dhimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqan
laqan¹: m.l 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan²: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da' yaraan ku dhimasho. m.f.dh, laqmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqan
v. die prematurely
laqan m. n. violent young person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqan
-ka: (magac, lab, keli) qof yar oo laayaan ah.
laqan -ka: (magac, lab, keli) neef yar oo da'diisa ka waynaada. Dh: dhaylo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ligan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ligan
(tilmaame) meel ka taagan; wax meel ka likaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lilan
m.l Dhul mudda badan la daaqay oo xaalufay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liman
La limay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Beer wax la limay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liman
der. [adjective] cultivated, farmed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liman
-limnaa: (adj) ploughed (palaawidh)-, tilled soil; cultivated ~ carrorogan, falan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liman
(tilmaame) carragedisan oo loo diyaariyay in la qodo. Beerta oo liman ayuu roob ku da'ay. Dh: rogan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liman
de: cultivated, farmed
lx: liman
pd: (limnaa)
ps: adj-der
key: liman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisad
m.l la-mid: lisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lisad
vl. n. act of milking; act of sharpening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisad
-ka: (magac, lab, keli) neef irmaan, lisasho. Dh: maalasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lisad
de: act of milking; act of sharpening
lx: lisad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: lisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lisin
(Lisin-ka)
Dhagax gaar ah oo mindiyaha iyo wixii la mid ah lagu afeeyo; lool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisin
m.l la-mid: lise.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lisin
m. n. whetstone, hone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lisin
-ka: (n) knife sharpener; whetstone (wat istoon); snakestone (isneekistoon); grindstone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisin
-ka: (magac, lab, keli) dhagax gaar ah ama bir la farsameeyey oo mindiyaha iyo wixii la mid ah, lagu afeeyo. Lisin wanaagsan ayuu aabbo soo iibiyay. Dh: soofe, lool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lisin
de: whetstone, hone
lx: lisin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: lool
key: lisin
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tisan
Compact
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tisan
(tilmaame) tuqan, buux dhaafsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsan
(tilmaame) mid cabsi qaba. Nin baqsan col uma birdhigo. Dh: didsan.
baqsan: (tilmaame) caano xumaaday oo fud iyo faar u kala baxay. Caana baqsan buunshe ganaan baa dhaama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birsan
(Birsan-ta)
Birlab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birsan
m.dh Nooc birta ka mid ah oo aad u adag birlab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birsan
m.dh Nooc birta ka mid ah oo aad u adag birlab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birsan
f. n. steel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birsan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg birlab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birsan
de: steel
lx: birsan
pd: (-ta)
ps: n -f
syn: birlab
key: birsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhiillaysan ahaansho (xoolo, ugaar iyo wixi lamida). la-mid: dųdsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
didsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhiillaysan ahaansho (xoolo, ugaar iyo wixi lamida). m.f.dh, didsanaan. la-mid: dųdsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
didsan
der. [adjective] paranoid, suspicious; scared, terrified, afraid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
didsan
-aa / nay: (adj) scared, paronoid, frightened
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didsan
(tilmaame) mid carar cabsiyi ku jirto ordaya oo baxsanaya.
didsan: (tilmaame) anfariirsan oo wuu arkaba ka cabsanaya. Ilmaha yari wuu didsan yahaye ha ka cabsiinnina. Dh: anfariirsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
didsan
a: dudsan
de: paranoid, suspicious; scared, terrified, afraid
lx: didsan
pd: (didsanaa)
ps: adj-der
key: didsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diisan
Hoos u gotey, dillaac la'aan, xoog ama baari la saaray darti; riixan; buusan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax hoos u godan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax hoos u godan ahaansho. m.f.dh, diisnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diisan
der. [adjective] compressed, squashed, dented
diisan [inchoative] v. get dented ~ compressed, become squashed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diisan
-diisnaa / diisnayd: (adj) dented (den-tidh) ~ buusan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisan
(tilmaame) wax hoos u buusan oo deri yeeshay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kala bixiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kala bixiyey ahaansho. m.f.dh, fidsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidsan
der. [adjective] enlarged, diffused, spread, unrolled, extended, roomy, spacious; outstretched, stretched out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fidsan
-aa: (adj) spread (ispareed); stretched (istareejidh) ~dherersan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidsan
(tilmaame) wax ballaadhan ama kala baxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidsan
de: enlarged, diffused, spread, unrolled, extended, roomy, spacious; outstretched, stretched out
lx: fidsan
pd: (fidsanaa)
ps: adj-der
key: fidsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filsan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Wax muuqaal qurxoon leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filsan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Wax muuqaal qurxoon leh ahaansho. m.f.dh, filsamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filsan
der. [adjective] handsome ~ beautiful, good-looking
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Filsan
name-f beautiful, good-looking-said of girls
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filsan
-filsamaa: (adj) 1. belonging to a good breed [ancestor] 2. looking good; handsome (haan-sam)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Filsan
magaca gabadh qurux badan oo jalaqsan oo filkeed ka horraysa.