liqdaarni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqdaarni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg liqdaarnaan. liqdin -ta: (magac, dhedig, keli) eeg ligid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liqdaarnaa
(adj) projecting outward or forward; protruding
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqdaar
(Liqdaar-ka)
Si dherer ah meel isu taag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqdaar
liqdaar¹: m.l Taagnaan aan dhaqdhaqaaq lahayn.
liqdaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Si aan dhaqdhaqaaq lahayn u istaagid. la-mid: isliqdaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqdaar
m. n. stability, being erect ~ upright and fixed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liqdaar
-ay / tay: (v) stand something vertically.
ku liqdaar -ay / tqy: (v) block or retain in place a piece of a hard substance, such as wood; wedge
ka liqdaaran -ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqdaar
(fal) «ku si dherer ah, oo aan dhinacna uga dhicin, ku taag.
liqdaar -ka: (magac, lab, keli) si dherer ah meel iyo wixii la mid ah, ugu taagnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqdaar
cf: lig
de: stability, being erect ~ upright and fixed
lx: liqdaar
pd: (-ka)
ps: n-m
key: liqdaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqdaaran
Taagan oo aan nuuxnuuxsanayn; dhereran; likaysan; lig ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqdaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqdaaran
der. [adjective] stable, erect, fixed upright; solid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqdaaran
(tilmaame) tigtigan oo ku dhereran gidaar ama meel kale. Dh: liilsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqdaaran
de: stable, erect, fixed upright; [ext.] solid
lx: liqdaaran
pd: (liqdaarnaa)
ps: adj-der
key: liqdaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqdaarid
(Liqdaarid-da)
Wax liqdaaran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqdaarid
m.f.dh eeg liqdaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqdaarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax toosan meel ku tigtigid oo ku xajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqdaarnaan
m.f.dh eeg liqdaaran. la-mid: liqdaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqdaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tigtigan oo ku dhereran gidaar ama meel kale ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miqdaafi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: muqdaafi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidaar
(Bidaar-ta)
Gelgelin yar oo wareegsan oo timuhu ka dhacaan oo raggu dhalada ku yeesho kolkuu da' gaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidaar
bidaar¹: m.l Nin ay timaha bidaar ka gashay. la-mid: bidaarle, bidaarre.
bidaar²: m.dh Iin madaxa ragga gasha oo timaha hoosha ama wax yar ku reebta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidaar
bidaar¹: m.l Nin ay timaha bidaar ka gashay. la-mid: bidaarle, bidaarre.
bidaar²: m.dh Iin madaxa ragga gasha oo timaha hoosha ama wax yar ku reebta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidaar
f. n. baldness, bald patch, bald head
bidaar m. n. bald person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bidaar
nickname-m bolded. Cf: Hiiraale
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bidaar
-ta: (n) bald head; baldness (booldi nes); hairlessness; alopecia (a-la-piisha)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidaar
-ta: (magac, dhedig, keli) timaha oo madaxa ragga qaarkiis ka go'a ama ka daata. Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bidaar
أَصْلَع
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fidaar
nickname-m tall and thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fidaar
magac loo baxsho wiil abuur ahaan dhuuban oo dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gidaar
(Gidaar-ka)
Derbi, darbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaar
m.l (-rro, m.dh) Dhisme ballac leh, dhagax, shamiinto, iyo wixi lamida ka samaysan, oo wax celiya, ama waxyaabo lagu kala qoqobo; derbi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gidaar
m.l (-rro, m.dh) Dhisme ballac leh, dhagax, shamiinto, iyo wixi lamida ka samaysan, oo wax celiya, ama waxyaabo lagu kala qoqobo; derbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gidaar
m. n. wall
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gidaar
-ka: (n) wall (wool) ~ (derbi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gidaar
-ka: (magac, lab, keli) dhisme ka samaysan dhagax ama dhoobo oo sare u taagan lana wareejiyo si uu wax u qariyo ama u kala xidho. Dh: derbi, deyr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gidaar
bw: Arabic
de: wall
lx: gidaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gidaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iidaan
(Iidaan-ka)
Waxa cunnada korsaar looga dhigo ama yaabisnimada looga bi'iyo (caano, subag, fuud, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iidaan
iidaan¹: m.l Subag, caano, maraq iyo wixi lamida oo cuntada yaabisnimada looga ba'sho.
iidaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Subag, caano, maraq iyo wixi lamida cunno yaabis ah ku darid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iidaan
m. n. anything poured over food (sauce, milk, ghee, etc.)
iidaan: v. pour (sauce) over food
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Iidaan
name-m dressing, seasoned, spiced
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iidaan
-ka: (n) dressing, especially with ghee or oil.
iidaan -iidaamay / iidaantay: (v) add dressing, especially one with ghee or oil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Iidaan
magac loo baxsho wiil gabdho badan ka daba dhashay oo loola jeedo kii carruurta dhadhanka u yeelayay sida iidaanku cunnada u macaaneeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidaan
(fal) subag, caano iyo wixii la mid ah, ku dar cunto. Garaw si fiican loo iidaamay baan ku casheeyay xalay.
iidaan -ka: (magac, lab, keli) subag, caano ama wax caraf udgoon leh oo cunnada lagu daro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iqyaar
-ka: (magac, lab, keli) qof aad u ilbax ah oo ay dadka is fahmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kidaar
(Kidaar-ka)
Kimis, muufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kidaar
m.l Nooc kibis ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kidaar
m. n., (mass n.): flat bread
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kidaar
-ka: (magac, lab, keli) cunto bur iyo hadhuudh la qooshay laga dubo, oo loo sameeyo qaab balbaldhaban oo laxooxda u eg ka se qara weyn. Dh: moofo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kidaar
de: flat bread
lx: kidaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
syn: muufo {N}
key: kidaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabni
m.dh la-mid: laabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabni
-da: (magac, dhedig, keli) laabniin; laabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laarmi
-da: (magac, dhedig, keli) hubka fudud ee lagu dagaallamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laarri
(Laarri-ga)
Wax dhiba; laayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laarri
m.l (-iyo, m.dh) Qof dhib badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laarri
m. n. aggressive, rebellious ~ fearless person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laarri
-ga: (magac, lab, keli) qof wax dhiba. Dh: laayaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laarri
cf: laayaan
de: aggressive, rebellious ~ fearless person (one who inflicts harm and does not care)
lx: laarri
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: laarri
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libaan
f. n. success, prosperity, blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaan
-ka: (magac, lab, keli) xabag udgoon oo geedka beeyada la yidhaa uu bixiyo oo la uunsado. Geeska Afrika wuxu caan ku yahay dhoofinta libaanka. Dh: foox, beeyo, maydi, lubaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libaan
de: success, prosperity, blessing
lx: libaan
pd: (-ta)
ps: n0-f
see: liibaan
key: libaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaar
-ka: (magac, lab, keli) wax sii libdhaya. Dh: libaadh.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Limaan
name-m loving
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqdin
(Liqdin-ta)
In kol la liqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqdin
m.dh In cunno ama cabbid ah oo mar hunguriga la mariyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqdin
vl. n. swallow, swig, gulp, mouthful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqdin
a: liqmo
de: swallow, swig, gulp, mouthful
lx: liqdin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: liqdin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof wax illowsan ahaansho. 2. Wax saqraansan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqsan
der. [adjective] drunk (down), swallowed; forgotten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqsan
(tilmaame) wax lagay ama la dhunjiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqsan
a: laqsan
de: drunk (down), swallowed; [fig.] forgotten (s.t. that slips from one's mind)
lx: liqsan
pd: (liqsanaa)
ps: adj-der
key: liqsan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Lisaan
name-m tongue (Arb)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lixdan
(Lixdan-ka)
Lix meelood oo meeshiiba toban tahay oo laysku daray; (60).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixdan
m.l.t Tiro ka kooban lix meelood oo min toban ah; lix tobnaad; “60”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lixdan
m.l.t Tiro ka kooban lix meelood oo min toban ah; lix tobnaad; 60.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lixdan
num: sixty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lixdan
-ka: (n) sixty (sikisti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lixdan
-ka: (magac, lab keli) tirada u dhaxaysa 59 iyo 61; lix meelood oo meelshiiba toban tahay oo la isku daray. Lixdan aniga oo jira tashigu, laydhka iga raacye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lixdan
de: sixty
lx: lixdan
pd: (-ka)
ps: num-m
key: lixdan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midaar
(Midaar-ka)
1. Baaqa dadka dhegaha la' lagula hadlo.
2. Dadka dhegaha la' fartooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midaar
midaar¹: m.l Dhaqdhaqaaq baaq ah oo cid wax lagu garansiiyo siiba dadka dhegaha la'.
midaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dhaadhaqaaq baaq ah cid wax ku garan siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midaar
m. n. sign language
midaar v. sign, signal, make gestures, converse in sign language
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midaar
-ka: (magac, lab, keli) qaabka dadka dhegaha la' lagula hadlo.
midaar-ka: (magac, lab, keli) farta dadka dhegaha la' ay wax ku bartaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarri
f.g2 (-iyay, -isay) Mindi, masaar, toorray iyo wixi lamida oo afbeeshay soofayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qidaar
(fal) wax maanka ka qiyaas inta uu le'ekaan karo. Dh: qiyaas, cabbir
qidaar -ka: (magac, lab, keli) weel wax lagu cabiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarni
-da: (magac, dhedig, keli) meel saaran ahaansho. Dh: saarnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidaan
(sida + tan)
sida tan (ama sidan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidaan
fk. la-mid: si.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidaan
n. phr. or [adverb] thus, like this
sidaan n. phr., deictic: thus, like this, this way
sidaan [conjunction], vl. pron. how I ...; in order that I ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sidaan
(adv) this way; like this; in this way sidan. Ex: sidaan miyaad rabtaa? do you like it this way?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidaan
(falkaabee) sidatan; sidan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidaan
de: thus, like this See alphabetic entry
initial: s
lx: sidaan
ps: np / adv
key: sidaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidaar
-ka: (magac, lab, keli) garyaqaan rug caddaa ah. Dh: garyaqaan.
xidaar -ka: (magac, lab, keli) qof aad u yaqaan xidigiska iyo cilmiga xiddigaha. Dh: xidigiye. Wa: xidaarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidaa'i
m.l Bilow ah; aasaasi ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidaa'i
m.l Bilow ah; aasaasi ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidaa'i
m. n. (adj.): initial ~ original item, aboriginal person; primary; primitive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidaa'i
-ga: (magac, lab, keli) wax bilaw ah oo aan weli taabbagalin. Dh: bilaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bidaa'i
bw: Arabic
de: initial ~ original item, aboriginal person; [atr.] primary; primitive
lx: bidaa'i
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: bidaa'i
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaari
ciyaari¹: m.l.u la-mid: cayaari¹.
ciyaari²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: cayaari².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaari
(fal) cid kale, dheelsii. Dh: cayaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diyaar ka dhigid.