lingaxid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lingaxid
-da: (magac, dhedig, keli) lingax dhexgelin; lingax ku xidhid. Dh: ningaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lingixid
m.dh la-mid: ningixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ningaxid
-da: (magac, dhedig, keli) lingax afka kaga xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lingax
lingax¹: m.l la-mid: ningax¹.
lingax²: f.g1 (-xay, -xday) la-mid: ningax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lingax
m. n. binding; gasket, washer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lingax
-ka: (n) see [eeg] ningax, nigax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lingax
(fal) lingax ku duub; lingax kala dhexgeli. Haanta lingax intaanad daboolin.
lingax-a: (magac, lab, keli) maydhax lagu adkeeyo haanta afkeeda iyo daboolka si aanay u daadan. Dh: ningax, shil.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Lingax
Ningax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lingax
de: binding; [ext.] gasket, washer
lx: lingax
pd: (-a)
ps: n2a-m
see: ningax
key: lingax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lingaxo
f.mg3 (-xday, -xatay) la-mid: ningaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libgadid
m.f.dh eeg libgad². la-mid: libgad¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lingaxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) la-mid: ningaxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lingaxan
(tilmaame) mid la lingaxay; wax lingax loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ningixid
(Ningixid-da)
Ningax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ningixid
m.f.dh eeg ningax². la-mid: lingixid, niggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirgaxid
m.f.dh eeg sirgax². la-mid: sirgixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirgaxid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sirgax ah ka dhigid; qalloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liinbixid
m.f.dh eeg liinbax². la-mid: dhiinbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liinbixid
-da: (magac, dhedig, keli) maydhmid oo fasaqmid. Dharka asalka ahi liinbixid ma yeesho. Dh: fasakhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirgaxmid
m.f.dh eeg sirgaxan¹. la-mid: sirga-camid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ligid
m.f.dh eeg lig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ligid
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax isdul saarsaarid.
ligid-da: (magac, dhedig, keli) isku jufid oo aad u adkayn. Dh: adkayn, ligis.
ligid -da: (magac, dhedig, keli) murjis ama wax kale oo fiiqan, meel ka taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingax
m.dh (-goxo, m.dh) Nooc dermooyinka ka mid ah oo cawda mayrada laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libgad
libgad¹: m.l 1. L. ah: qof jisaar ah. 2. la-mid: libgadid.
libgad²: f.mg1 (-day, -dday) Ka l.: qof ku jisaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
libgad
libgad¹: m.l L. ah: qof jisaar ah.
libgad²: f.mg1 (-day, -dday) Ka l.: qof ku jisaarid. m.f.dh, libgadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libgad
m. n. (adj.): ingrate; unpleasant, ungrateful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libgad
-ka: (magac, lab, keli) qof wixii loo taray ku mahad niqin oo ka abaaldara. Libgad wax lama siiyo. Dh: abaallaawe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libgad
de: ingrate; [atr.] unpleasant, ungrateful
lx: libgad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: libgad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ligand
ligand, n.m. - Ku xeerane
théorie du champ des ligands - Aragtiga badka ku xeeramaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liigid
-da: (magac, dhedig, keli) weel dareere ku jiro oo xidhan oo haddana wax ka socdaan oo wixii ku jiray wax ka sii deynaya. Dh: liigis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naaxid
(Naaxid-da)
Wax buuran oo shilis noqosho; cayilid; xawsid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cayilid oo aad u buurnaansho. Dh: shishlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ningax
(Ningax-a)
Labo weel oo laysku aabbura hayo, ama wax kale oo la mid ah, waxa labadooda qar dhexdooda la geliyo ama lagu duubo, si ay dhab isugu qabtaan, waxna uga daadan; (ama lingax).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ningax
ningax¹: m.l Mayrax, maro iyo wixi lamida oo qarka lagaga duubo haruub si uu weelka aad ugu qabsado. la-mid: lingax¹, niggax¹.
ningax²: f.g1 (-xay, -xday; -gixi) Haruub qarka mayrax, maro, iyo wixi lamida ugu duubid si uu weelka aad ugu qabsado. la-mid: lingax², niggax².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ningax
ningax¹: m.l Mayrax, maro iyo wixi lamida, oo qarka lagaga duubo haruub si uu weelka aad ugu qabsado. la-mid: lingax, niggax.
ningax²: f.g1 (-xay, -xday; -gixi) Haruub qarka mayrax, maro, iyo wixi lamida ugu duubid si uu weelka aad ugu qabsado. m.f.dh, ningixid. la-mid: lingax, niggax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ningax
m. n. material used to make a joint waterproof; washer, gasket; binding
ningax: v. seal, make a join ~ joint waterproof; place trimming ~ a ferrule on something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ningax
-a: (n) seal (siil); washer (waasher); gasket (gaas-kit) ~ nigax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ningax
(fal) maydhax ama maro yar dabool afka kaga mar. Dh: lingax.
ningax-a: (magac, lab, keli) maydhax ama maro yar oo daboollada haamaha afka lagaga maro si aanay u tiixtiixin. Dh: lingax, nigax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angarid
m.f.dh eeg angar². la-mid: angar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angarid
-da: (magac, dhedig, keli) ka tegitaan; ka dhaqaaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaxid
-da: (magac, dhedig, keli) aqbalka wax la qabtay oo camal wanaagsan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingaad
m.dh la-mid: higgaad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
invalid
/invaalidh/ (adj) aan la isticmaali karin, aan soconayn, aan shaqaynayn (aan qiimo lahayn). e.g.invalid passports.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
languid
/laang widh/ (adj) tabar darro (si daciif ah)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
languid
a., caataysan, weydsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minacid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta bubka laba dhagax oo lagaa wada dilayo mid badbaadin midna hannayn. Dh: midnicid, midnacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ningaxo
f.mg3 (-xday, -xatay) Haan ningax u yeelasho. la-mid: lingaxo, niggaxo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ringard
ringard, n.m. - birgaab; dab xaadh (walaxda dabka lagu qaado)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaxid
-da: (magac, dhedig, keli) bannaan u soo bixid; bannaanbax.
banbaxid -da: (magac, dhedig, keli) (u ~) hawl gaar ah u go'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) lo', ci' dheer ciyid. Bunaaxid dibiga markay dheregto weeyaane. Dh: bunaaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cinaadid
(Cinaadid-da)
Cinaad ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinaadid
m.f.dh eeg cinaad². la-mid: canaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cinaadid
-da: (magac, dhedig, keli) amardiiddo samayn; madax'adaygid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangarid
m.f.dh eeg fangar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firgaxad
-ka: (magac, lab, keli) wax xoog is kaga furfurid. Dh: firgad, firgaxasho.
firgaxad-ka: (magac, lab, keli) eeg firgasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fitaaxid
(Fitaaxid-da)
Wax fitaaxsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxid
m.f.dh eeg fitaax². la-mid: fataax¹, fataaxid, fitaax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fidsan noqosho oo ballaadhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganaaxid
(Ganaaxid-da)
Ganaax saarid; eedsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganaaxid
m.f.dh eeg ganaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, abaal xun marin. Dh: ciqaabid, tacsiir, taqsiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gingimid
(Gingimid-da)
Hab iyo qaab wanaagsan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gingimid
m.f.dh eeg gingin². la-mid: gingin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gingimid
-da: (magac, dhedig, keli) hab iyo qaab wanaagsan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaasid
(Hinaasid-da)
Qof isgarabtaagid, inuu qof kale ka adkaado darteed; hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaasid
m.f.dh eeg hinaas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hinaasan ahaansho. Dh: masayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hingilid
(Hingilid-da)
Dibbirid; is'afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingilid
m.f.dh eeg hingil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingilid
-da: (magac, dhedig, keli) dibbiridda iyo buurnaanta.
hingilid -da: (magac, dhedig, keli) dharkii asayda u xidhid. Dh: hagalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirgalid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqangalid, wax hawl galay noqosho. Dh: taabbagelid, hawlgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaaxid
(Jibaaxid-da)
Jibaax ku marid; jiirid; jeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaaxid
m.f.dh eeg jibaax². la-mid: jibaax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah dhexmaris; awood ku mar meel aan bannaan ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinaabid
m.f.dh eeg jinaab. la-mid: junoobid, junubid, junuubid, junuunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinaabid
-da: (magac, dhedig, keli) jinaabo yeelad oo cid u galmood ama biyo keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kifaaxid
m.f.dh eeg kifaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kifaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) loollamid oo halgamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libaasid
m.f.dh eeg libaas².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lifaaqid
(Lifaaqid-da)
1. Lifaaq u yeelid.
2. Indhaha wax ku fagiijin; u sii fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lifaaqid
m.f.dh eeg lifaaq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lifaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) aad ugu fiirsad: indhaha wax ku fiiqid.
lifaaqid-da: (magac, dhedig, keli) liil yar oo dun ah ku tolid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lingerie
/laanjarii/ (n) dharka hoos-gashiga ee dumarka, sida nigiska, sootaanada, iwm.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lingerie
lingerie, n.f. - Meesha dharka lagu dhago; doobi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minqixid
m.dh la-mid: manqixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niggixid
m.dh la-mid: ningixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nikaaxid
(Nikaaxid-da)
Nikaax samayn; guursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaaxid
m.f.dh eeg nikaax². la-mid: nikaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nikaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meher samayn, guursad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ningax_1
de: material used to make a joint waterproof; washer, gasket
hm: 1
lx: ningax
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: ningax_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ningax_2
de: seal, make a join ~ joint waterproof
hm: 2
lx: ningax
pd: (ningaxay)
ps: v1=tr
key: ningax_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ningaxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Haan wax la ningaxay. la-mid: lingaxan, niggaxan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ningaxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Haan wax la ningaxay. m.f.dh, ningaxnaan. la-mid: lingaxan, niggaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigaaxid
m.f.dh eeg rigaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) burburin ku samayn; aad u jejebin oo abshax ka dhigid. Dh: jejebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyaaxid
(Riyaaxid-da)
Riyaax ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyaaxid
m.f.dh eeg riyaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun rigaax ah yeelasho. Dh: rigaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirgixid
m.f.dh la-mid: sirgaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirgixid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wixii la mid ah, qalloocin oo murug galin. Dh: siragaxid.