limmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limmo
f.mg3 (-imtay, -immatay) Dhiiqo darteed la socon waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limmo
(fal) biyo ku dhex qarsoon. Limmo galka biyaha ah. Dh: muquuro, limo, quus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limo
f.g3 (-intay, -imatay) Beer harammo ka gurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limo
(fal) dhiiqo iyo wixii la mid ah, ku dhaaban oo gal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himmo
m.dh Niyad rabitaan oo wax loo hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
himmo
m.dh Niyad rabitaan oo wax loo hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
himmo
f. n. good will; energy, vivacity, activity, interest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
himmo
-himmada: (n) ambition (aambishin); enthusiasm (in-thuu ziyaasim); motivation ~ himmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himmo
-da: (magac, dhedig, keli) niyad iyo haloosi in meel sare la gaadho. Dh: niyo, hammo.
himmo -da: (magac, dhedig, keli) shahwo iyo rabitaan galmood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
himmo
a: himmad
de: good will; energy, vivacity, activity, interest
lx: himmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: himmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lammo
(Lamma-da)
Labo sarood oo lo'aad oo isku midab ah iyo sar saddexaad oo midab kale ah oo iyagoo si farsamo ah isugu dhafan, laysku tolo oo mid laga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Laba maqaar lo'aad oo isku midab ah iyo maqaar saddexaad oo ka midab duwan oo inta si farsamaysan laysugu dhafo, laysku tolo oo mid laga dhigo. 2. la-mid: labo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lammo
num. two
lammo [feminine] n. hides sewn together as a mat, two of the same color and a third contrasting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lammo
-lammada: (n) two (tuu); couple (kapol) labo. Ex: lammo maalmood; two days
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lammallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liimo
* (Liima-da)
Liin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liimo
m.dh la-mid: liin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liimo
f. n. lime, lemon
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIIMO
(Limo) All. Som. Citrus sp. Rutaceae.
All. Som. Citrus limon (L) Brum.F. Rutaceae.
S Capparis sepiaria L. Capparidaceae.
May Maytenus undata (Thuunb.) Blakelock. Celastraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liimo
-liimada: (n) lemon (lemen); lime (laaym) ~ liimo-dhanaan, liin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liimo
-da: (magac, dhedig, keli) miro yaryar oo dhanaan badano oo fiitamiin laga helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lilmo
-da: (magac, dhedig, keli) biyo indhaha ka soo yaaca, farxad ama murugo awgeed. Dh: ilmo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
limbo
/limbow/ (n) jaaha-wareersanaan (xaaladda aan qofku ogeyn sida wax noqon doonaan, awoodna uusan lahayn). e.g. Refugees could remain in limbo for years.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqmo
(Liqma-da)
Liqdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqmo
m.dh (-ooyin, ml.) 1. Wax hal mar la liqi karo. 2. Dheef aad u yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqmo
f. n. swallow, mouthful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liqmo
-liqmada: (n) swallow (iswaaloow). Ex: laba liqmo: two swallows
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqmo
-da: (magac, dhedig, keli) cunto in hal mar ah cunaha la mariyo. Liqmada Eeboow noo shifee. Dh: kabbasho, luqmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqmo
a: liqdin
de: swallow, mouthful
lx: liqmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: liqmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lismo
m.dh Hab naasaha xoolaha looga saaro caano. la-mid: lismo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lismo
-da: (magac, dhedig, keli) neef caano ka maalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumbo
(fal) biyo fadhiya muquuro. Dh: limmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuunbo
(fal) muquuro oo biyaha limmo. War hooy yuunbo biyaha. Dh: limmo, dhunbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culimmo
m.dh.w Dad diinta Islaanka wax ka yaqaan, eeg caalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
culimmo
m.dh.w Dad diinta Islaanka wax ka yaqaan, eeg caalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culimmo
m. n., pl. ulama, religious scholars; scientists, experts
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Culimmo
name-f religious, scholar; scientist, expert
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culimmo
-culimmada: (n) Moslem scholars; experts (ekispeertis)-, scholars (iskoolaris), especially Islam, ulema or ulama ~ culummo, mashaa'ikh
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culimmo
bw: Arabic
de: ulama, religious scholars; scientists, experts
lx: culimmo
pd: (/da)
ps: n-m-pl
key: culimmo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalimmo
f. n., pl. pens
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalimmo
de: pens Sg: qalin
lx: qalimmo
pd: (/da)
ps: n2c-f-pl
key: qalimmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Rabitaan galmo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
himmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Rabitaan galmo dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limmasho
m.f.dh eeg limmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imo
(fal) meel kale soo gaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lim
(fal) eeg lib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idmo
(fal) qof kale u fasax in uu ku metelo. Dh: wakiilo, igmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
igmo
f.g3 (-maday, -matay) la-mid: igbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
igmo
(fal) gar ama hawl kale, cid u xilsaaro. Haddaad afka aqoon cid kale igmo Dh: wakiilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmo
1. (Ilma-da) Dhibco biyo ah oo dhanaan oo qanjirrada indhaha ka yimaada; illin.
2. (Ilma-ha) (keli iyo kooxba); dhal; dhallaan; carruur; ubad; gurbood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmo
ilmo¹: m.l.u Dhallaan; caruur; ubad.
ilmo²: m.dh.u Dhibco biyo dhanaan ah oo qanjirrada indhaha ka yimaadda; ilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilmo
ilmo¹: m.l.u Dhallaan; caruur; ubad.
ilmo²: m.dh.u Dhibco biyo dhanaan ah oo qanjirrada indhaha ka yimaadda; ilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmo
m. n., [collective] child; children, offspring; baby
ilmo [feminine] n., [collective] tear, tears
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilmo
-ha: (n) [Plural of cunung-ga] children (jiildareen); babys (beeybis) ~ carruur
ilmo -da: (n) [plural of illin] tears (ti-yaris)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmo
-ha: (magac, lab, keli) cunug ama qof yar oo dhallaan ah.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ilmo
طفل
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lido
s.m. - xeeb bacaad leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ligo
-da: (magac, dhedig, keli) xero xoolo loo dhiso oo loo adkeeyo. Dh: qalwo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liko
m.l/dh.kh U uga dhex muuqda dadka dabeecad gaar ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liko
m. n. one who stands out among others (for some characteristic)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liko
cf: lig
de: one who stands out among others (for some characteristic)
lx: liko
pd: (/ha ~ /da)
ps: n-m/f
key: liko
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lima
s.f. - soofe.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Limb
Addin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
limb
/limb/ (n) 1. addin (lugaha, jeenyaha, gacmaha, ama baalasha middood). 2. laan (geed laantiis).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
limb
n., adin, -ki, laxad, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lime
/laym/ (n) 1. nuurad 2. liimo-dhanaan. 3. geed dheer oo qurxoon.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Lime
Liin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lime
lime, n.f. - Soofe
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
lime
n., dareyo, -adi, malaas, -ti; quick, dhagax gubtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limf
m.l (-fo, m.l) (cilmiga naflayda) Dareere aan midab lahayn oo laga helo habdhiska limf, kaas oo ka soo shubma meelaha u dhexeeya unugyada. Limfku wuxuu u egyahay balaasmaha dhiigga wuxuuna ka koobanyahay biyo iyo walxo kale oo ku milan, sida cusbo iyo borotiinno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
limf
m.l (-fo, m.l) (cilmiga naflayda) Dareere aan midab lahayn oo laga helo habdhiska limf, kaas oo ka soo shubma meelaha u dhexeeya unugyada. Limfku wuxuu u egyahay balaasmaha dhiigga wuxuuna ka koobanyahay biyo iyo walxo kale oo ku milan, sida cusbo iyo borotiinno.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
limp
(v) to walk lamely, esp. with irregularity, as in favoring one leg.
jiis ama laangadhe
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
limp
/limp/limply; (v) 1. Dhutin, heetin.(adj) 2. tabar darri.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
limp
v.i., dhuti; n., dhukis, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Mindi iyo wixi lamida lisin ku afayn. 2. Xoolo maalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Mindi iyo wixi lamida lisin ku afayn. 2. Xoolo maalid. m.f.dh, lisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liso
v. milk for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liso
(fal) xoolo caano ka maal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liso
de: milk for oneself
lx: liso
pd: (listay)
ps: v3b=
key: liso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lixo
(Lixa-ha)
Xiddigo cuntub ah oo raqaha ku jira oo u dhexeeya listanta iyo cadaadka; urur; (ama laxo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixo
m.l la-mid: laxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lixo
pr. n., loc. name of a star constellation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lixo
-ha: (magac, lab, keli) xiddigo cutub ah oo raqaha ku jira oo u dhexeeya listanka iyo cadaadka. Dh: urur, laxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lixo
a: laxo
de: name of a star constellation
lx: lixo
pd: (/ha)
ps: n0-loc-m
key: lixo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nimo
-nimo
Ahaan (sida = ninnimo; naagnimo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Timo
(Tima-ha)
(kooxda tinka) kuwa ka baxa dadka oogadiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
timo
m. n., pl.-mass: hair ~ hairs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
timo
-timaha: (n) hair (heer) ~ tin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timo
-ha: (magacwadareed) daliigyo jiljilicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo naflayda kale qaarkeed ka soo baxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
timo
de: hair ~ hairs
initial: t
lx: timo
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl; n6-m-mass
xe: your hair
xv: tin
key: timo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biimo
m.dh la-mid: biime.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg biime.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bimbo
s.m. cunug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birmo
f.mg3 (-maday, -matay) Meel dhibaato ka aloosantay si degdeg ah ugu ciidamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birmo
f.mg3 (-maday, -matay) Meel dhibaato ka aloosantay si degdeg ah ugu ciidamid. m.f.dh, birmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birmo
v. rescue, come to the aid of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birmo
(fal) goob shil ka dhacay ama cid dhibaato haysato taageero degdeg ah sii. War adhigii wuu goosmay gabbalkiina dhacaye ha loo birmado qoyska. Dh: gurmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birmo
de: rescue, come to the aid of
lx: birmo
pd: (birmaday)
ps: v3a=
key: birmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammo
m.dh C. ah: qof aan indhaha wax ka arkayn. la-mid: cammoole.