limfosayt
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limfosayt
m.l (-tyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Nooc ka mid ah unugyada cad cad ee dhiigga oo leh bu' ballaadhan iyo saytoobalaasam yar. Limfosaytyadu waxay ku samaysanyihiin gummudka limfka, waxaanay soo saaraan ilaa rubuc ka mid ah unugyada cad cad. Muhimad weyn ayey ku leeyihiin xagga difaaca jidhka, waxaanay masu'uul ka yihiin falgallada ka baxeed marka ay jirto nashaadin lid jidh-dhaliye si loo soo saaro lid jidh-gale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limfosayt
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah unugyada cad cad ee dhiigga oo leh bu' ballaadhan iyo saytoobalaasam yar. Limfosaytyadu waxay ku samaysanyihiin gummudka limfka, waxaanay soo saaraan ilaa rubuc ka mid ah unugyada cad cad. Muhimad weyn ayey ku leeyihiin xagga difaaca jidhka, waxaanay masu'uul ka yihiin falgallada ka baxeed marka ay jirto nashaadin lidjidh-dhaliye si loo soo saaro lidjidhgale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeryaro
beeryaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
beeryaro²: m.l (c.daaw.) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbax
kabbax¹: m.l.kh K. ah: nafley cudur ku dhacay kana bogsootay oo jirkeedu sameystay difaac.
kabbax²: m.l (daawo) Xaaladda aanu xayawaanku u nuglayn caabuqa kaga yimaada noolayaasha cudurrada dhaliya ama waxyeellada ka soo gaadhi karta suntooda; kabbaxu waxa uu ku xidhanyahay marka ay dhiigga ku jiraan lid jidh-galayaal iyo unugyada cad-cadi (limfosayto) kuwaas oo soo saara jawaabis kabbaxeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lid-jidh-gale
m.l (-layaal, m.l/dh) (baayoloji) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeryaro
beeryaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
beeryaro²: m.l (cilmiga naflayda) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabbax
kabbax¹: m.l.kh K. ah: nafley cudur ku dhacay kana bogsootay oo jirkeedu sameystay difaac.
kabbax²: m.l (daaw.) Xaaladda aanu xayawaanku u nuglayn caabuqa kaga yimaada noolayaasha cudurrada dhaliya ama waxyeellada ka soo gaadhi karta suntooda; kabbaxu waxa uu ku xidhanyahay marka ay dhiigga ku jiraan lid jidh-galayaal iyo unugyada cad-cadi (limfosayto) kuwaas oo soo saara jawaabis kabbaxeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lid-jidhgale
m.l (-layaal, m.l/dh) (baay.) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lymphocyte
Limfosayt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lidjidhgale
-ha: (magac, lab, keli) borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo) waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lidjidh-dhaliye) si aanay wax dhibaato ah u geysan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
imposant
imposant, adj. - xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liyuukoosayt
m.l (-tyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Unug aan midab lahayn oo bu' leh, lagana helo dhiigga iyo limfka. Unugyada cad cad ee dhiigga waxa sameeya gumudyada limf iyo dhuuxa lafta ee cas, waxayna awood u leeyihiin inay sameeyaan dhaqdhaqaaq amiibeed. Waxay soo saari karaan lid jidh-galayaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liyuukoosayt
m.l (-tyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Unug aan midab lahayn oo bu' leh, lagana helo dhiigga iyo limfka. Unugyada cad cad ee dhiigga waxa sameeya gumudyada limf iyo dhuuxa lafta ee cas, waxayna awood u leeyihiin inay sameeyaan dhaqdhaqaaq amiibeed. Waxay soo saari karaan lid jidh-galayaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liyuukoosayt
-ka: (magac, lab, keli) unug aan midab lahayn oo bu' leh, lagana helo dhiigga iyo limfka. Unugyada cad cad ee dhiigga waxa sameeya gumudyada limf iyo dhuuxa lafta ee cas waxayna awood u leeyihiin inay sameeyaan dhaqdhaqaaq amiibeed. Waxay soo saari karaan lid jidhgalayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oosayt
m.l (-tyo, m.dh) (baayoloji) Unug taran laga helo ugxansidaha xilliga oojiniisiska. Waxay ka timaadaa korriinka oogooniyamka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oosayt
m.l (-tyo, m.dh) (baay.) Unug taran laga helo ugxansidaha xilliga oojiniisiska. Waxay ka timaadaa korriinka oogooniyamka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lignayt
m.l (-tyo, m.dh) (jooloji) (ama dhuxul-dhagaxda kafeega ah) Dhuxul dhagax leh muuqaal qori, oo loo aqoonsanyahay inay ka joogto heerka ee maatar hireedka dhalanroggu ku dhacay. Heerka koowaad oo ay soo martay inta aysan noqon dhuxul-dhagax waa heerka biitka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lignayt
m.l (-tyo, m.dh) (jool.) (ama dhuxul-dhagaxda kafeega ah) Dhuxul dhagax leh muuqaal qori, oo loo aqoonsanyahay inay ka joogto heerka ee maatar hireedka dhalanroggu ku dhacay. Heerka koowaad oo ay soo martay inta aysan noqon dhuxul-dhagax waa heerka biitka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lignayt
-ka: (magac, lab, keli) joolaji ahaan, (ama dhuxuldhagaxda kafeega ah) dhuxul dhagax leh muuqaal qori, oo loo aqoonsanyahay inay ka joogto heerka ee maatar hireedka dhalanroggu ku dhacay. Heerka koowaad oo ay soo martay inta aysan noqon dhuxuldhagax waa heerka biitka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
limonade
limonade, n.f. - Liin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
limonata
s.f. - liimonaato, nooc sharaab ka mid ah; dawo lagu baxo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
composant
composant, n.m. - Qayb wax ku idlaysa; Ku dhameystira,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moonosayt
m.l (-tyo, m.dh) (baayoloji) Nooca ugu weyn ee unugga dhiigga cad, kaasi oo uu soo saaro habdhiska limf, muhimaddiisuna tahay ka difaacidda jidhka cudurrada. Wuxuu leeyahay bu'weyn iyo saytobalaasam saafi ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moonosayt
m.l (-tyo, m.dh) (baay.) Nooca ugu weyn ee unugga dhiigga cad, kaasi oo uu soo saaro habdhiska limf, muhimaddiisuna tahay ka difaacidda jidhka cudurrada. Wuxuu leeyahay bu'weyn iyo saytobalaasam saafi ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moonosayt
-ka: (magac, lab, keli) nooca ugu weyn ee unugga dhiigga cad, kaasi oo uu soo saaro habdhiska limf, muhimaddiisuna tahay ka difaacidda jidhka cudurrada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liimoonaato
-da: (magac, dhedig, keli) cabbitaan laga sameeyey liin iyo biyo iyo sonkor: limonaato.