lilmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lilmo
-da: (magac, dhedig, keli) biyo indhaha ka soo yaaca, farxad ama murugo awgeed. Dh: ilmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmo
1. (Ilma-da) Dhibco biyo ah oo dhanaan oo qanjirrada indhaha ka yimaada; illin.
2. (Ilma-ha) (keli iyo kooxba); dhal; dhallaan; carruur; ubad; gurbood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmo
ilmo¹: m.l.u Dhallaan; caruur; ubad.
ilmo²: m.dh.u Dhibco biyo dhanaan ah oo qanjirrada indhaha ka yimaadda; ilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmo
m. n., [collective] child; children, offspring; baby
ilmo [feminine] n., [collective] tear, tears
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilmo
-ha: (n) [Plural of cunung-ga] children (jiildareen); babys (beeybis) ~ carruur
ilmo -da: (n) [plural of illin] tears (ti-yaris)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmo
-ha: (magac, lab, keli) cunug ama qof yar oo dhallaan ah.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ilmo
طفل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limo
f.g3 (-intay, -imatay) Beer harammo ka gurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limo
(fal) dhiiqo iyo wixii la mid ah, ku dhaaban oo gal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmo
f.mg3 (-maday, -matay) Wax laallaada noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lalmo
f.mg3 (-maday, -matay) Wax laallaada noqosho. m.f.dh, lalmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lalmo
v. be suspended, hang down, dangle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmo
(fal) hawada ka soo laadlaadsan oo wax lusha noqo. Dh: laadlaadsanaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lalmo
de: be suspended, hang down, dangle
lx: lalmo
pd: (lalmaday)
ps: v3a=intr
key: lalmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liimo
* (Liima-da)
Liin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liimo
m.dh la-mid: liin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liimo
f. n. lime, lemon
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIIMO
(Limo) All. Som. Citrus sp. Rutaceae.
All. Som. Citrus limon (L) Brum.F. Rutaceae.
S Capparis sepiaria L. Capparidaceae.
May Maytenus undata (Thuunb.) Blakelock. Celastraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liimo
-liimada: (n) lemon (lemen); lime (laaym) ~ liimo-dhanaan, liin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liimo
-da: (magac, dhedig, keli) miro yaryar oo dhanaan badano oo fiitamiin laga helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lillo
-da: (magac, dhedig, keli) hees lagu luuqayn jirey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limmo
f.mg3 (-imtay, -immatay) Dhiiqo darteed la socon waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limmo
(fal) biyo ku dhex qarsoon. Limmo galka biyaha ah. Dh: muquuro, limo, quus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqmo
(Liqma-da)
Liqdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqmo
m.dh (-ooyin, ml.) 1. Wax hal mar la liqi karo. 2. Dheef aad u yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqmo
f. n. swallow, mouthful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liqmo
-liqmada: (n) swallow (iswaaloow). Ex: laba liqmo: two swallows
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqmo
-da: (magac, dhedig, keli) cunto in hal mar ah cunaha la mariyo. Liqmada Eeboow noo shifee. Dh: kabbasho, luqmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqmo
a: liqdin
de: swallow, mouthful
lx: liqmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: liqmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lismo
m.dh Hab naasaha xoolaha looga saaro caano. la-mid: lismo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lismo
-da: (magac, dhedig, keli) neef caano ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulmo
(Lulma-da)
Kolka hurdadu soo dhowdahay waxa layska dareemo; (ama lulo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulmo
m.dh Daal iyo caajis la dareemo marka jirku hurdo u baahanyahay. la-mid: lulo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lulmo
m.dh Daal iyo caajis la dareemo marka jirku hurdo u baahanyahay. la-mid: lulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lulmo
v. shake, be shaken; be churned; swing, dangle
lulmo [feminine] n., [abstract] drowsiness, sleepiness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lulmo
-lulmada: (n) sleepiness (isliipi-nes); drowsiness (darawsines); doziness (dowsi-nes); nod (naadh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmo
(fal) kolba dhan u ruxan; ahaw qof lulmnaya. Dh: ruxan.
lulmo -da: (magac, dhedig, keli) dareenka hurdo doonidda ah ee seexashada horteed la dareemo. Nin ay lulmo hayso waa nin ladan. Dh: lulmood, lilmo, lilo, lulo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
lulmo
وَسَن، نُعَاسِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milmo
(fal) dhaqan kale qaado oo kaagii illaw. Haddaad afkaagaba aqoon dadkaa ku dhex milmo. Dh: milan.
milmo: (fal) milan oo dareere isku beddel. Milixeey milmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boohi
(fal) ka oohi oo lilmo kaga keen. Yaa ka boohiyey agoonka?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boy
(fal) xanuun, dhib ama naxdin darteed indhahaaga lilmo ha ka soo daadato. Biyaha oo harraad gubahayoo, gal u arooraaya. Geeridoon wax dilin oo ninkii go'ay u booyeysa. Dh: ooy.
boy: (fal) erey lagu tilmaamo dibiga oo loola jeedo: kala durki faaggagga. Dibiga boy dheh.
boy -ga: (magac, lab, keli) tumbaakhada ama buuriga afka la gasho, kolka ay xumaato ee baraarujin laga waayo.
boy-ga: (magac, lab, keli) wiilka doobbiilaha ah ee dharka kaawiyadeeya.
boy-ga: (magac, lab, keli) meesha u dhaxaysa labada faag, abuurka lagu saydho oo dib loo mariyo marashida, qiyaasana marba intaad shinniyaysay. Shinnida ku saydh boyga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdaysnow
(fal) mid hurdo lulmaysan noqo; qof lulo hayso ahaw. Dh: luloo, lilmoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdood
-ka: (magac, lab, keli) lulood hurdo la dareemo. Hurdoodka carruurtu xilli ma leh. Dh: lulood, lilmood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illin
-ka: (magac, lab, keli) meesha furan ee guryaha, xeryaha, qolalka iyo wixii la mid ah laga galo. Dh: irrid.
illin-ta: (magac, dhedig, keli) sababo badan aawadood, biyaha indhaha ka yimaadda. Dh: ilmo, lilmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid lilmoonaya oo hurdo hayso ahaan. Dh: hurdaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqsin
-ka: (magac, lab, keli) qolalka aqalka midkood. Maqsinka hurdada wax laguma akhriyo haddii kale waad lilmoon. Dh: qol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilimo
m.dh Geeso xoolaad oo dhinacyada u kala jeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Lulmo dareemid. la-mid: luloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lulmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Lulmo dareemid. la-mid: luloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmoo
(fal) hurdo iska dareen. Dh: lulood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilo
m.l.u Dulduleelka oogada nafleyda ku yaal oo dhididku ka soo baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilo
m.l.u Dulduleelka oogada nafleyda ku yaal oo dhididku ka soo baxa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilo
-ilaha: (n) sources (soorsis),
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
ILO
Laanta Shaqada adduunka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilo
-ha: (magacwadareed) kolmo biyaxabeed ku jiro oo saableyda duunyada lagu arko oo cuyuun ama ilcayn loo nisbeeyo; hawo xoolo gasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imo
(fal) meel kale soo gaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lil
-sha: (magac, dhedig, keli) waxtar danbe oo loo aayo. Dh: cidhib, meecaad, aayatiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lim
(fal) eeg lib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
almo
-da: (magac, dhedig, keli) barmiilka badh ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilo
(Bila-ha)
Hadal-weynaha dhexdiisa, hadal yar oo la dhexgeliyo, haddii la doonona laga saari karo, astaamo bilaha qaabkooda leh oo midna horay laga geliyo (bil furan) midna gadaal (bil xiran); (...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilo
f.mg3 (bishay, bilatay) Bil dhalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilo
m. n., [collective] brackets, parentheses {punctuation}
bilo v. start ~ commence (of a lunar month)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilo
-bilaha: (n) bracket (baraakit); ( ) or [ ] ~ qawsayn, qaws
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
élmo
s.m. - koofiyad bir ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Film
Filin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
film
/film/ (n) 1. filin (n) 2. filinka wax lagu sawiro. (n) 3. xuub ama wax xaleef ah. e.g. a sheet of flexible film (v) 4. filin qaadid, filin-duubid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Film
Filin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
film
s.m. - filin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
film
film, n.m. - filin: biniikole.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
film
n., (of the brain) xuub, -ki; our brain is hidden by a thin pellicle, maskaxdeenu xuub bay ku qarsoon tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filo
f.g3 (-ishay, -ilatay) Wax malaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filo
f.g3 (-ishay, -ilatay) Wax malaysasho. m.f.dh, filasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filo
v. expect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filo
-fishay/filatay: (v) hope (hoop), expect (ikis pakt), anticipate (aan tisi peeyt), await (a weeyt) ~ rajee
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
filo
s.m. dun, fiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filo
(fal) quudarray; rajey; sug; dhawr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filo
de: expect
lx: filo
pd: (fishay)
ps: v3b=
key: filo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilo
(Hila-da)
Webiga, meelaha xooluhu ka cabbaan; malko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilo
hilo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Webiga meelaha xooluhu biyaha ka cabbaan.
hilo²: f.g/mg. 3 (-ishay, -ilatay) 1. (f.g) Weel afkiisa xarig ku dhuujisasho si aan wax uga daadan. 2. (f.mg) Ku h.: gaadiid xamuul culus saarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilo
v. pile up, heap up, accumulate for oneself
hilo [feminine] n. place on a river-bank where livestock are watered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilo
(fal) alaabo iyo wixii la mid ah, meel tuulo oo is duldhigdhigo.
hilo -da: (magac, dhedig, keli) meelo webiga ka mid ah oo ay xooluhu ka cabbaan. Dh: malko, dar, hulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idmo
(fal) qof kale u fasax in uu ku metelo. Dh: wakiilo, igmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
igmo
f.g3 (-maday, -matay) la-mid: igbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
igmo
(fal) gar ama hawl kale, cid u xilsaaro. Haddaad afka aqoon cid kale igmo Dh: wakiilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilo
f.mg3 (iishay, iilatay) 1. U ii.: cid dhankeeda isu buurin. 2. Daciif noqosho. 3. Dhiibaato aan laga soo kaban karin la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iilo
f.mg3 (iishay, iilatay) 1. U ii.: cid dhankeeda isu buurin. 2. Daciif noqosho. 3. Dhiibaato aan laga soo kaban karin la kulmid. m.f.dh, iilasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iilo
v. turn (oneself) aside
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilo
(fal) waddada xaqa ah ka baydh; dhinac u leexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iilo
de: turn (oneself) aside
lx: iilo
nt: iilasho (/da) [vn6-f]
pd: (iishay)
ps: v3b=
key: iilo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilko
m. n., pl. teeth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilko
-ilkaha: (n) [Plural of ilig-ga] tooth (tuuth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilko
-ha: (magacwadareed) lafaha yaryar ee Ilaahay afka noolaha ku dhex abuuray si wax loogu goosto ama loogu ridqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilko
de: teeth
lx: ilko
pd: (/ha Sg: ilig)
ps: n3-m-pl
key: ilko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illo
f.g3 (-laday, -latay) Kabo gashasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illo
v. put on ~ try on (shoes)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illo
cf: gasho
de: put on ~ try on (shoes)
lx: illo
pd: (illaday)
ps: v3a=tr
key: illo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
kilo
kilo, pref. - Kiilo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lido
s.m. - xeeb bacaad leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ligo
-da: (magac, dhedig, keli) xero xoolo loo dhiso oo loo adkeeyo. Dh: qalwo