liisho
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liisho
-ah: (adj) smooth (ismuuth) ~ siman. Ex: sagxad liisho ah; smooth surface
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liisho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan girgirro lahayn oo sibiibix ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liisha
(magac, dhedig, keli) sooh wanaagsan maydhax jilicsan oo aan go'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liisto
m.dh la-mid: liis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liisto
f. n. list; schedule
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liisto
a: liis {It}
de: list; schedule
lx: liisto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: liisto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliisho
f.g3 (-shaday, -shatay) Wax daliil ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daliisho
f.g3 (-shaday, -shatay) Wax daliil ka dhigasho. m.f.dh, daliishasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daliisho
v. present something as proof ~ testimony; testify on one's own behalf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daliisho
(fal) wax, daliil ahaan u soo qaado. Aayad qur'aan ah daliisho. Dh: daliilso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daliisho
de: present s.t. as proof ~ testimony; testify on one's own behalf
lx: daliisho
pd: (daliishaday)
ps: v3a=tr
key: daliisho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liidasho
(Liidasha-da)
Qof ama wax liid ah, ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liidasho
m.f.dh eeg liido.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liidasho
-liidashada: (n) weakness (wiiknes); feebleness (fiibalnes); lack of strength, —liitay / liidatay: (v) be in poor health or condition; be weak or feeble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liidasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax tabar yar ahaan. Dh: daciifnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciishoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciishoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil dareemid. ciishood m.l eeg ciishoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciishoo
(fal) ciil iyo xumaan dareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciishow
v. provoke resentment toward someone; be irritated with someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciishow
de: provoke resentment toward s.o.; be irritated with s.o.
lx: ciishow
pd: (ciishooday)
ps: v3a=intr
key: ciishow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limasho
m.f.dh eeg limo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limasho
-da: (magac, dhedig, keli) beer, yaanbo ama wax kale ku falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisasho
m.f.dh eeg liso. la-mid: lisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo maalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liis
m.l (-sas, m.l) Magacyo badan oo meel ku tixan. la-mid: liisto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liis
m.l (-sas, m.l) Magacyo badan oo meel ku tixan. la-mid: liisto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liis
m. n. list
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liis
-ka: (n) list (Hist)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liis
-ka: (magac, lab, keli) taxane magacyo ah oo isku daba qoran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liis
a: liisto {Eng}
de: list
lx: liis
pd: (-ka Pl: liisas (ka))
ps: n4-m
key: liis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Mindi iyo wixi lamida lisin ku afayn. 2. Xoolo maalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Mindi iyo wixi lamida lisin ku afayn. 2. Xoolo maalid. m.f.dh, lisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liso
v. milk for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liso
(fal) xoolo caano ka maal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liso
de: milk for oneself
lx: liso
pd: (listay)
ps: v3b=
key: liso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisho
-da: (magac, dhedig, keli) waqti ka kooban maalin iyo habeenkeed. Dh: maalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiish
(Fiish-ka)
1. Indhaxanuun dhacaan iyo malax leh.
2. Qoyaanka iyo malaxda xanuunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiish
m.l 1. Daaf. 2. Malaxda ka timaad indhaha marka daaf ku dhaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiish
m.l 1. Daaf. 2. Malaxda ka timaad indhaha marka daaf ku dhaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiish
m. n. discharge from the eye (in the morning ~ from conjunctivitis)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiish
-ka: (n) eye discharge; pus (pas) ~ baqbaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiish
-ka: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca riyaha.
fiish-ka: (magac, lab, keli) bushi cudur ah oo ku dhaca riyaha.
fiish-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun dheecaan iyo malax leh oo indhuhu yeeshaan. Dh: dhalxan.
fiish-ta: (magac, dhedig, keli) halka kooraanka laga geliyo bareesada.
fiish-ta: (magac, dhedig, keli) meesha lagu kaydiyo faylalka macluumaadka dadka khuseeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiish
de: discharge from the eye (in the morning ~ from conjunctivitis)
lx: fiish
pd: (-ka)
ps: n-m
key: fiish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dalkugal.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hiish
Inch
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiish
(Kiish-ka)
Weel yar oo tolan oo wax lagu rito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiish
m.l Kolay maro, harag iyo wixi lamida ka samaysan oo wax lagu rito. la-mid: kiis¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiish
m.l Kolay maro, harag iyo wixi lamida ka samaysan oo wax lagu rito. la-mid: kiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiish
m. n. sack, bag, cover, envelope, case; pocket; burden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiish
-ka: (n) sack (saak)', bag (baag) ~ kolay, loor, jawaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiish
-ka: (magac, lab, keli) walax laga tolo maryaha oo alaabta lagu gurto. Dh: kiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiish
bw: Arabic
cf: kolay, qandi
de: sack, bag, cover, envelope, case; pocket; burden
lx: kiish
pd: (-ka Pl: kiishash (ka))
ps: n4-m, n2a-m
key: kiish
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liido
f.mg3 (-iitay, -iidatay) Cid cudur ama dhaqaale darro awgeed la tabar yarayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liido
f.mg3 (-iitay, -iidatay) Cid cudur ama dhaqaale darro awgeed la tabar yarayn. m.f.dh, liidasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liido
v. be weak
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liido
(fal) wax liita oo la yaso noqo.
liido: (fal) (ka ~) cid kale ka darraw oo ka xumaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liido
de: be weak
lx: liido
nt: liidasho (/da) [vn6-f] 'weakness'
pd: (liitay)
ps: v3b=
key: liido
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liilo
(Liila-da)
Hees la qaadi jirey oo hore oo Soomaaliyeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilo
m.dh Hees dhaqameed waaya hore la qaadi jirey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liilo
f. n. old traditional Somali song
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liilo
de: old traditional Somali song
lx: liilo
pd: (/da)
ps: n-f
key: liilo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liimo
* (Liima-da)
Liin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liimo
m.dh la-mid: liin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liimo
f. n. lime, lemon
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIIMO
(Limo) All. Som. Citrus sp. Rutaceae.
All. Som. Citrus limon (L) Brum.F. Rutaceae.
S Capparis sepiaria L. Capparidaceae.
May Maytenus undata (Thuunb.) Blakelock. Celastraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liimo
-liimada: (n) lemon (lemen); lime (laaym) ~ liimo-dhanaan, liin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liimo
-da: (magac, dhedig, keli) miro yaryar oo dhanaan badano oo fiitamiin laga helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liiro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg liire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lismo
m.dh Hab naasaha xoolaha looga saaro caano. la-mid: lismo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lismo
-da: (magac, dhedig, keli) neef caano ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiso
f.g3 (-stay, -satay) Cunto beegasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miiso
f.g3 (-stay, -satay) Cunto beegasho. m.f.dh, miisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miiso
v. measure out (grain, etc.) for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiso
(fal) wax shubo adoo weel ad ku miismiisayso ku qiyaasanaya. Raashinka miiso waa la baxayaaye. Dh: qiyaaso.
miiso: (fal) weel buuxso oo budh ka siiso. Labo saxni miiso ad si wanaagsan u dheregtide.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miiso
de: measure out (grain, etc.) for oneself
lx: miiso
nt: miisasho (/da) [vn-f]
pd: (miistay)
ps: v3b=
key: miiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siiso
(Siisa-ha)
Boor; siigo; (ama siise).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiso
siiso¹: m.l Boor; siigo; habaas. la-mid: siise.
siiso²: f.lg3 (-stay, -satay) 1. Qof la jecelyahay wax ku dhaqaalaysasho. 2. Wax, wax kale ku beddelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siiso
f.lg3 (-stay, -satay) 1. Qof la jecelyahay wax ku dhaqaalaysasho. 2. Wax, wax kale ku beddelasho. m.f.dh, siisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siiso
ditransitive v. buy, pay a price for something; exchange; give away something very dear
siiso m. n. dust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siiso
-siistay / siisatay: (v) pay or give [for example money] in exchange for goods or services. Ex: baabuurkaan meeqaad siisatay? how much did you pay for this car?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiso
(fal) qof adigu gacantaada wax ugu dhiib.
siiso-ha: (magac, lab, keli) toore, boor; boodh; siigo; siise.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiish
(Wiish-ka)
1. Makiinad waxyaalaha culculus lagu qaado; waxay leedahay sal negi iyo gacan dheer oo wareega oo afkiisa hore, xarig ama silsilad gan qaroofan leh oo wax loo suro, ka lushaan; waxaan weligi laga waayin dekedaha wax laga soo roga hayo ama laga saara hayo, aqallada waaweyn oo la dhisayo, maraakiibta dushooda, ...
2. Qalab laga sii daayo yeer, oo shaqaalaha loogu sheego bilaabadka iyo dhammaadka shaqada; qalabkaas oo kale oo maraakiibtu leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiish
m.l (-shash, m.l) 1. Makiinad waxyaalaha culculus lagu qaado, waxay leedahay sal nagi iyo gacan dheer oo wareega oo afkiisa hore xarig ama silsilad gan qaroofan leh oo wax la suro. 2. Qalab laga sii daayo yeer oo digniin bixiya. 3. Aalad guryaha dabaqyada dhaadheer leh lagu fuulo lagagana soo dego.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wiish
m.l (-shash, m.l) 1. Makiinad waxyaalaha culculus lagu qaado, waxay leedahay sal nagi iyo gacan dheer oo wareega oo afkiisa hore xarig ama silsilad gan qaroofan leh oo wax la suro. 2. Qalab laga sii daayo yeer oo digniin bixiya. 3. Aalad guryaha dabaqyada dhaadheer leh lagu fuulo lagagana soo dego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiish
m. n. elevator, lift; crane
wiish m. n. siren, signal alarm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wiish
-ka: (n) 1. elevator (ela-veey-ter); crane (kareeyn); lift (lift); derrick (deerik); hoist (hooysf) 2. siren (saay-ran)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiish
-ka: (magac, lab, keli) qalab laga sii daayo yeedh dhawaaq weyn leh oo laysugu sheego shaqada billawgeeda ama dhammaadkeed ama laysugu digo,
wiish -ka: (magac, lab, keli) makiinad keli ahaan. ama gaadhi dushii ku shaqaysa oo waxyaalo culculus lagu qaado waxay leedahay sal neg iyo gacan dheer oo wareegta oo afkiisa hore xadhig ama silsilad gan qaroofan leh oo wax loo sudhaa ka lushaan waxa lagaga hawlgalaa meelaha wax laga dejiyo ama laga raro oo lagu qaado waxa weyn oo culculus ama guryaha ayaa lagu dhisaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiiso
(Xiisa-ha)
Wax la jeclaan jirey, kolka danbe oo la helo, rabitinka la iska dareemo, ama loo qaado ama lagula dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiiso
m.l Wax la jeclaan jiray, kolka danbe oo la helo, rabitinka la iska dareemo ama loo qaado ama lagula dhaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiiso
m.l Wax la jeclaan jiray, kolka danbe oo la helo, rabitinka la iska dareemo ama loo qaado ama lagula dhaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiiso
m. n. interest, fascination, liking; longing, missing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiiso
-xiisaha: (n) emotional appeal; affection (a-fak-shin); love (laav) ~ xiise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiso
-ha: (magac, lab, keli) jacayl xoog ah oo la jeclaado in la arko wax in badan laga maqnaa oo araggiisa ama cuniddiisa la jeclaado. Dh: xiise.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiiso
de: interest, fascination, liking; longing, missing
initial: x
lx: xiiso
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: xiiso
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xiiso
اهتمام
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidho
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo fallaad cadho keento.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diismo
Compression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidho
-da: (magac, dhedig, keli) xashiishka dabaysh qaaddo sida buulallada, iyo buushiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firsho
m.dh 1. (-ooyin, m.l) la-mid: farsho. Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. 2. Degaan aan bacrin ahayn.