liilow
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIILOW
(Lilow) S, May Celosia polystachia (Forsk) Townsend Amaranthaceae.
May Psilotrichum gnaphalobryum (Hochst) Schinz. Amaranthaceae.
N Eclipta prostrata (L) L. Compositae.
May, S Neurocanthus sp. Acanthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liilo
(Liila-da)
Hees la qaadi jirey oo hore oo Soomaaliyeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilo
m.dh Hees dhaqameed waaya hore la qaadi jirey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liilo
f. n. old traditional Somali song
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liilo
de: old traditional Somali song
lx: liilo
pd: (/da)
ps: n-f
key: liilo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixlow
m.l Rati lix haamood la saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lixlow
-ga: (magac, lab, keli) rati lix haamood la saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiclow
m.l (-wyo, m.dh) Wiil dhega-adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiclow
-ga: (magac, lab, keli) wiil dhega'adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilo
f.mg3 (iishay, iilatay) 1. U ii.: cid dhankeeda isu buurin. 2. Daciif noqosho. 3. Dhiibaato aan laga soo kaban karin la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iilo
f.mg3 (iishay, iilatay) 1. U ii.: cid dhankeeda isu buurin. 2. Daciif noqosho. 3. Dhiibaato aan laga soo kaban karin la kulmid. m.f.dh, iilasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iilo
v. turn (oneself) aside
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilo
(fal) waddada xaqa ah ka baydh; dhinac u leexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iilo
de: turn (oneself) aside
lx: iilo
nt: iilasho (/da) [vn6-f]
pd: (iishay)
ps: v3b=
key: iilo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilow
-iloobay / ilowday: (v) forget (fer get) ~ see [eeg] illow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liil
(Lii-sha)
1. Sooh wanaagsan; mayrax jilicsan oo aan go'in.
2. Waxtar danbe oo loo aayo; cirib; meecaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liil
m.dh 1. Dun mayraxeed oo adag. 2. L. ah: wax adkaysi leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liil
m. n. strong thread ~ fiber
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liil
cf: dun, mayrax
de: strong thread ~ fiber
lx: liil
pd: (/sha Pl: liilal (/sha))
ps: n4-m
key: liil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) Lacag biil ka dhigasho; masruufasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) Lacag biil ka dhigasho; masruufasho. m.f.dh, biilasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BIILO
(Bilo) NFD Jatropha dichtar Macbr. Euphorbiaceae.
May, S Stipagrostis hirtigluma (Trin & Rupr) De Winter. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilow
bilow¹: m.l 1. Tallaabada ugu horreysa hawl la fulinayo. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore. la-mid: billow¹.
bilow²: f.g1 (-laabay, -lowday; -laabi) 1. Hawl la fulinayo tallaabadeeda hore guda gelid. 2. Waqti xaddidan qeybtiisa hore gudagelid. la-mid: billow².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilow
bilow¹: m.l 1. Tallaabada ugu horreysa hawl la fulinayo. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore. la-mid: billow.
bilow²: f.g1 (-laabay, -lowday; -laabi) 1. Hawl la fulinayo tallaabadeeda hore guda gelid. 2. Waqti xaddidan qeybtiisa hore gudagelid. m.f.dh, bilaabid. la-mid: billow.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
bilow
start
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilow
m. n. beginning, start
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bilow
name-m beginning, start. Lit: first born son, the elder (sometimes written as Billow). Syn: Bilaw
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilow
-ga: (n) starting (istaarting)-, novice (noovas)-, beginning (bi-gin-ning) ~ bilaw, billaw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilow
a: bilaw ~ biloow
de: beginning, start
lx: bilow
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: bilow
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bilow
بِدَايَة، افتتاح، ابتِدَاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) Wax ciid, neef iyo wixi lamida ka buuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiilo
m.dh 1. Daliigo bir ama naxaas ama macdan kale ka samaysan oo korontada la raacsiyo. 2. (muus.) Xargaha shareerada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiilo
m.dh 1. Daliigo bir ama naxaas ama macdan kale ka samaysan oo korontada la raacsiyo. 2. (muus.) Xargaha shareerada.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiilo
-fiilada: (n) wire (wayar) ~ silig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiilo
-da: (magac, dhedig, keli) daliigyo bir ama naxaas ama macadan kale ka samaysan oo korontada tebiya. Dh: waayir, xadhig. Wa: fiilooyin.
fiilo-da: (magac, dhedig, keli) saf la is daba joogo. Booyaduhu fiilo ayay ku jiraan. Dh: saf, liin, kuyuu.
fiilo-da: (magac, dhedig, keli) eeg fiillo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilow
(Hilow-ga)
Jecayl la jeclaysto in la joogo ama la arko, meel hor loo joogi jirey ama qof hor loo yiqiin; xiiso; buseel; daltabyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilow
hilow¹: m.l Dareen jacayl ku jiro oo qof ama meel loo qabo.
hilow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Xiiso qof ama meel u qabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hilow
hilow¹: m.l Dareen jacayl ku jiro oo qof ama meel loo qabo.
hilow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Xiiso qof ama meel u qabid. m.f.dh, hiloobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilow
m. n. nostalgia, desire to see again
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HILOW
(Hilou) S Ecbolium viride (forsk) Alston. Acanthaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilow
-ga: (n) longing (loongin), nostalgia (nostaalja) ~ buseel, jamasho, hiloob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilow
(fal) wax aad hore u taqaannay ama ugu dhaqnayd dib u xusuuso oo jeclaw.
hilow: (fal) «u ~» wax ama qof aad ka baadday, u xiisoo.
hilow -ga: (magac, lab, keli) jacayl la jeclaysto in lala joogo ama la arko, meel horay la joogi jiray ama qof horay loo yiqiin. Dh: xiiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilow
de: nostalgia, desire to see again
lx: hilow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hilow
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hilow
اشتياق
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Iidow
name-m holiday, feast, blessed, festival. Lit: the one born during a religious holiday. Syn: Iidle, lido
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Iidow
magac loo baxsho wiil dhashay ayan iideed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimow
f.mg1 (-oobay, -owday) Wax iin yeeshay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimow
-ga: (magac, lab, keli) iin iyo ceeb yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illow
(Illow-ga)
Wax la ogaa oo la xusuusan waayo; garwaaqsiwaa; laabta ka bax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illow
illow¹: m.l Xasuus la'aanta loo yeesho wax hore loo yiqiin. la-mid: illowsho.
illow²: f.g1 (-laabay/-loobay, -lowday; - laawi/-loobi) Wax hore loo yiqiin xasuusan waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illow
illow¹: m.l Xasuus la'aanta loo yeesho wax hore loo yiqiin. la-mid: illowsho.
illow²: f.g1 (-laabay/-loobay, -lowday; -laawi/-loobi) Wax hore loo yiqiin xasuusan waayid. m.f.dh, illoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illow
inch. v. forget
illow: vl. n. forgetting, forgetfulness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illow
-illaabay / illowday: (v) forget (ferget) ~ illaaw, —illow -ga: (n) the act of forgetting
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Illow
Dimenticanza
Forgetfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illow
(fal) eeg illaw.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Islow
name-m chieftain. Syn: Islaaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Islow
magac loo baxsho wiil loo rajaynayo in uu noqdo hoggaamiye reer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiilo
* (Kiila-da)
Kun garaamme culayskood; (kg.) (ama kiilogaraamme).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilo
kiilo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Kun garaam culayskood; kiilogaraam.
kiilo²: f.g3 (-iishay, -iilatay) 1. Wax cabbirasho; miisaamid. 2. Ciyaar turub bilaabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiilo
kiilo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Kun garaam culayskood; kiilogaraam.
kiilo²: f.g3 (-iishay, -iilatay) 1. Wax cabbirasho; miisaamid. 2. Ciyaar turub bilaabasho. m.f.dh, kiilasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiilo
f. n. kilogram
kiilo v. measure out the weight and volume for oneself; fill to the brim, load up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiilo
-kiilada: (n) kilogram (kiila-garaam)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KIILO
(It.) Chilogrammo
Kilogram, kilogramme
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIBOW
(Libow) C Commiphora cyclophylla Chioy. Burseraceae.
S Commiphora rostrata Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liido
f.mg3 (-iitay, -iidatay) Cid cudur ama dhaqaale darro awgeed la tabar yarayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liido
f.mg3 (-iitay, -iidatay) Cid cudur ama dhaqaale darro awgeed la tabar yarayn. m.f.dh, liidasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liido
v. be weak
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liido
(fal) wax liita oo la yaso noqo.
liido: (fal) (ka ~) cid kale ka darraw oo ka xumaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liido
de: be weak
lx: liido
nt: liidasho (/da) [vn6-f] 'weakness'
pd: (liitay)
ps: v3b=
key: liido
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liili
f.g2 (-iyay, -isay) Xaskul, harag iyo wixi lamida si ay u jilcaan garaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liili
(fal) suun iyo wixii la mid ah, jilci oo daguug.
liili: (fal) ku ul ku dhufo ama la dhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liimo
* (Liima-da)
Liin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liimo
m.dh la-mid: liin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liimo
f. n. lime, lemon
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIIMO
(Limo) All. Som. Citrus sp. Rutaceae.
All. Som. Citrus limon (L) Brum.F. Rutaceae.
S Capparis sepiaria L. Capparidaceae.
May Maytenus undata (Thuunb.) Blakelock. Celastraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liimo
-liimada: (n) lemon (lemen); lime (laaym) ~ liimo-dhanaan, liin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liimo
-da: (magac, dhedig, keli) miro yaryar oo dhanaan badano oo fiitamiin laga helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liiro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg liire.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lillo
-da: (magac, dhedig, keli) hees lagu luuqayn jirey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lulow
inch. v. feel sleepy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lulow
de: feel sleepy {N}
lx: lulow
pd: (lulooday)
ps: v3a=inch
key: lulow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miilo
miilo¹: m.dh la-mid: miile.
miilo²: f.g3 (-iishay, -iilatay) la-mid: miileyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiilo
m.dh Gabar u saansaan eg wiil.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wiilo
nickname-f boyish; she who dresses or behaves like boys; tomboy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Wiilo
magac loo bixiyo gabadh wiil u eg ama keligeed rag la dhalatay ama raganimo laga filayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiilo
m.dh la-mid: xeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiilo
-da: (magac, dhedig, keli) tab iyo qaroome wax lagu furdaamiyo oo hibo Eebbe ah. Dh: qaroome, xeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax biir leh noqosho (biyo, caano iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirow
(fal) biirta ceelka guntiisa ku sumow. Dh: sumow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billow
billow¹: m.l la-mid: bilow¹.
billow²: f.g1 (-laabay, -lowday; -laabi) la-mid: bilow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billow
-ga: (magac, lab, keli) eeg bilaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislow
f.mg3 (-laaday, -laatay) Wax bisil noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bislow
f.mg3 (-laaday, -laatay) Wax bisil noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bislow
inch. v. be ripe, be mature; be cooked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislow
(fal) wax bisil oo la cuni karo noqo. Dh: bislaw.
bislow -ga: (magac, lab, keli) qof timo bis ah leh. Dh: bisle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bislow
de: be ripe, be mature; be cooked
lx: bislow
pd: (bislaaday)
ps: v3a=inch
key: bislow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidlow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Meel, wax cidla' ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlow
-ga: (magac, lab, keli) mid cidla' jooga noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diglow
(Diglow-ga)
Sharbad laysku dacarfaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diglow
m.l Cabbitaan laysku dacar falo oo laga sameeyo qashir bun oo la kariyey.