liilgeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilgeli
f.g2 (-iyay, -isay) 1 . Wax qiimaha ay leeyihiin siin. 2. Wax dhammaystir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilgelin
m.f.dh eeg liilgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) xal u helidda arrin markaa taagan. Dh: xallin. Li: qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilgelid
m.f.dh eeg cimilgal². la-mid: cimilgal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimilgelid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cimilgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liili
f.g2 (-iyay, -isay) Xaskul, harag iyo wixi lamida si ay u jilcaan garaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liili
(fal) suun iyo wixii la mid ah, jilci oo daguug.
liili: (fal) ku ul ku dhufo ama la dhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilli
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: hiili.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colgeli
(fal) dad isugu yeedh oo dagaal geli.
colgeli: (fal) qof ama reer nabdoon, weerar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelgeli
v. put in repeatedly, keep putting in
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelgeli
de: put in repeatedly, keep putting in
lx: gelgeli
pd: (gelgeliyey)
ps: v2a=pl
key: gelgeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Hawl, shaqo iyo wixi lamida sidii loogu talaggalay u fulin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hirgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Hawl, shaqo iyo wixi lamida sidii loogu talaggalay u fulin. m.f.dh, hirgelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hirgeli
v. apply, adopt, establish, accomplish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hirgeli
-yey I say: (v) carry out; fulfill also fulfil. Ex: ballantoodii way hirgaliyeen; they fulfilled their promises
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirgeli
(fal) taabbageli oo go'aan ama hawl dhaqangeli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hirgeli
de: apply, adopt, establish, accomplish
lx: hirgeli
pd: (hirgeliyey)
ps: v2a=tr
key: hirgeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilami
f.g2 (-iyay, -isay) Ku l.: wax meel ku safid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liilami
f.g2 (-iyay, -isay) Ku l.: wax meel ku safid. m.f.dh, liilamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggeli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Arrin aan wax ka qabashadeeda daacad loo ahayn isku dirqiyid. 2. Arrin, hawl iyo wixi lamida carqaladayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luggeli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Arrin aan wax ka qabashadeeda daacad loo ahayn isku dirqiyid. 2. Arrin, hawl iyo wixi lamida carqaladayn. m.f.dh, luggelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luggeli
v., [compound] intervene, interfere
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggeli
(fal) arrin dhex gal oo xallinteeda ama murginteeda qayb ka noqo. Luggeli arrinta cali iyo xaaskiisa ka dhaxaysa. Dh: farageli, dhexgal, dhexdhexaadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luggeli
de: intervene, interfere
lx: luggeli
pd: (luggeliyey)
ps: v2a=cmp
key: luggeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tixgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Cid qaddarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tixgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Cid qaddarin. m.f.dh, tixgelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tixgeli
v. consider, note, give thought to; respect, value
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tixgeli
-yey / say: (v) show consideration for; show respect; consider (kon-si-dhar)-, weigh (weey), regard (ri-gaardh)-, honor (ooner); take into consideration ~ xaqdhawr, xurmee
u tixgeli -yey / -say: (v) count, honor or give credit for; take into account; acknowledge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tixgeli
(fal) sharfi; qaddari oo xaqdhawr. Tixgeli dadka kaa waaweyn hadalkooda. Dh: muunay xurmay, xushmay, sharraf, qadderi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tixgeli
de: consider, note, give thought to; respect, value
initial: t
lx: tixgeli
pd: (tixgeliyey)
ps: v2a=tr
syn: aabee
key: tixgeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqalgeli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: aroosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Shaqo gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Shaqo gelin. m.f.dh, hawlgelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlgeli
v., [compound] put into effect, carry out; assign a task to someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlgeli
(fal) shaqo gal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlgeli
de: put into effect, carry out; assign a task to s.o.
lx: hawlgeli
pd: (hawlgeliyey)
ps: v2a=cmp
key: hawlgeli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaali
(fal) caansiiri oo kala raag ama ula kac u cadiigso oo waxbixin ama waxqabad kala daah. Gocor baa wax jiilaaliyiyo muudalkii go'an e, gabbalkoo aan dhicin xeedhyihii caasha maw geliyey. Dh: gasaci, caansiiri, silci. Li: dhaqso, horraysii, dedaal, dedeji, qaddin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liiliiji
-yey / say: (v) wiggle (wigel); move back and forth or from side to side; rock (rook) ~ liglig, gilgil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liillami
(fal) doc u dheellisii; liici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalgeli
f.mg2 (-iyay, -isay) Mashruuc hantigelin si loo hormariyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maalgeli
f.mg2 (-iyay, -isay) Mashruuc hantigelin si loo hormariyo. m.f.dh, maalgelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalgeli
v. invest capital
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maalgeli
-yey / say: (v) invest (in vest); finance (fenaasi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalgeli
(fal) muruq, maskax iyo maal geli si wax soo saar looga helo oo mustaqbalka looga macaasho. Maalgeli mashruuca beeraha ee Godey. Dh: hanti geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalgeli
de: invest capital
lx: maalgeli
pd: (maalgeliyey)
ps: v2a=intr
key: maalgeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilbeelid
(Ciilbeelid-da)
Wax ciilka bi'iya falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilbeelid
m.f.dh eeg ciilbeel. la-mid: ciilbeel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) wixii ciilka keenay, tirtirid; aargudasho dabadeed, ciil iska baabi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirigeli
(fal) wax ku tirtirsii oo inuu qaban karo ku calool adkaysii. Dh: dhiirri, dhiirigeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqalgelid
m.f.dh eeg aqalgal². la-mid: aqalgal¹, aroosgal¹, aroosgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqalgelin
m.dh la-mid: aroosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawilceli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhumay beddelkood siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawilceli
v. substitute something, change something (a lost thing); repair, mend
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawilceli
(fal) wax lumay ama dhintay, kaalintiisii cid kale u buuxi; u bedel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawilceli
de: substitute s.t., change s.t. (a lost thing); repair, mend
lx: cawilceli
pd: (cawilceliyey)
ps: v2a=tr
key: cawilceli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgelid
m.f.dh eeg hawlgal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgelin
m.f.dh eeg hawlgeli. la-mid: hawlgelis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlgelin
-ta: (n) operations (opareeyshinis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo gelin; hawl ku qaybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgelis
m.l la-mid: hawlgelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) caansiirin iyo silcin waxsiin iyo wax qabad lala daaho. Dh: gasacin, caansiirin, silcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liillamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sidii liillin ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilliiji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel suran oo adag ruxruxid. la-mid: liiqliiqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liilliiji
v. shake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilliiji
(fal) wax meel ku dhidban, dhaqdhaqaaji oo, nuglee. Iligga lilliyi oo rid hadduu dhacayo. Dh: dhaqdhaqaaji, lilliji, nunuji, nuuxnuuxi. Li: adkee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liilliiji
a: liglig
de: shake
lx: liilliiji
pd: (liilliijiyey)
ps: v2a=tr
key: liilliiji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liinxaali
m.dh la-mid: liimo-xaali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liinxaali
f. n. orange, tangerine, sweet lime
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liinxaali
-da: (n) orange (ooranji)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liinxaali
a: liimoxaali
de: orange, tangerine, sweet lime
lx: liinxaali
pd: (-da)
ps: n2a-f-enum
key: liinxaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liiqliiqi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: liilliiji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalgelin
m.f.dh eeg maalgeli. la-mid: maalgelis.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maalgelin
Investment
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalgelin
vl. n., [compound] investment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maalgelin
-ta: (n) investment (in-vest-mant); finance (fe naasi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maalgashi.
maalgelin -ta: (magac, dhedig, keli) hantida ama saamiga lacageed ee la gashado mashruuc si faa'ido looga helo kol dambe. Lacag maalgelin ah ayaa shirkadda la siiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalgelin
de: investment
lx: maalgelin
pd: (-ta)
ps: vn1-f-cmp
syn: hantiggelin
key: maalgelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalgelis
m.l la-mid: maalgelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalgelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maalgashad.
maalgelis-ta: (magac, dhedig, keli) hanti lacageed oo la galiyo mashruuc si faa'ido badan looga helo kol dambe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolgelid
m.f.dh eeg caloolgal². la-mid: caloolgal¹ (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiirigelin
-ta: (n) encouragement (inkooraj-ment); motivation (mow-ti-veey-shin); incentive (in-sen-tiv); moral support; inspiration (in-ispareey-shin); animation (ana-meey-shin) ~ dhiirrin, boorin, bogaadin, niyad gelin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirigelin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax wanaagsan oo uu ka maagayo ku tirtirsiin oo inuu qaban karayo ku calool adkaysiin. Dh: dhiirrin, calood'adkaysiin, tirtirsiin, dhiirrigelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirrigeli
f.g2 (-iyay, -isay) Hadal cid lagu geesinnimo gelid si ay ku tallaabsato fal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiirrigeli
f.g2 (-iyay, -isay) Hadal cid lagu geesinnimo gelid si ay ku tallaabsato fal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirrigeli
v., [compound] encourage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirrigeli
(fal) si calool adayg iyo isku kalsooni ah wax u abbaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirrigeli
de: encourage
lx: dhiirrigeli
pd: (dhiirrigeliyey)
ps: v2a=cmp
key: dhiirrigeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaangeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diiwaan ku qorid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiwaangeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diiwaan ku qorid. m.f.dh, diiwaangelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiwaangeli
v., [compound] register
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiwaangeli
(fal) diiwaanka ku qor. Diiwaangeli magacaaga iyo sooyaalkagaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiwaangeli
de: register
lx: diiwaangeli
pd: (diiwaangeliyey)
ps: v2a=cmp
key: diiwaangeli
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ficil celin
-ta: (n) reaction (riaakshari) -jawaab celin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raalliggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax ay raalli ku noqoto u sameyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raalliggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax ay raalli ku noqoto u sameyn. m.f.dh, raalliggelin.