liilamin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilamin
m.f.dh eeg liilami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilami
f.g2 (-iyay, -isay) Ku l.: wax meel ku safid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liilami
f.g2 (-iyay, -isay) Ku l.: wax meel ku safid. m.f.dh, liilamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawlid
(Qawlid-da)
1. (dhir) Hadba qawl curdan ah, soo saarid, dhalid.
2. Wax agtood isku liilamin, ku leexsanaan, ku garab jiidnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liillamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sidii liillin ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liilan
(Liilan-ka)
Dun la soohay oo miiqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilan
m.l (-mmo, m.dh) Dun dhuuban, miiqan oo wax lagu tosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liilan
m.l (-mmo, m.dh) Dun dhuuban, miiqan oo wax lagu tosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liilan
m. n. yarn (cotton, wool), length ~ piece (of thread, string)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liilan
-ka: (n) filament (filamant); yarn (yaan) ~ dun -ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilan
-ka: (magac, lab, keli) dun la soohay oo miiqan.
liilan: (tilmaame) wax tigtigan oo barbarka ka saaran. Joonyadaha awrka ku liilan soo dhaadhici.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liilan
de: yarn (cotton, wool), length ~ piece (of thread, string)
lx: liilan
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: liilan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilin
m.f.dh eeg liili.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilin
-ta: (magac, dhedig, keli) suun iyo wixii la mid ah, jilcin oo daguugid. Waxa la soo qaataa qori farraaro leh oo waxa la jilcinayo la dhexgeliyo oo marba dhinac loogu jiido ilaa uu ka jilcayo.
liilin -ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ul ku dhufasho; ul la dhacid. Dh: liilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciidamin
(Ciidamin-ta)
1. Adeegid; xoog yeelad, tabargelid.
2. Ciidan keenid; (ama ciidmid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidamin
m.f.dh eeg ciidami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciidamin
vl. n. service, servicing; facilities
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidamin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan keenid; ciidamis.
ciidamin -ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) u adeegid; cid kale u shaqayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciidamin
de: service, servicing; [ext.] facilities
lx: ciidamin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ciidamin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liillami
(fal) doc u dheellisii; liici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilkambin
m.dh la-mid: ciilkambiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilkambin
-ta: (magac, dhedig, keli) «is ~» ciil dartii, is haaraamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiitamiin
m. n. vitamin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiitamiin
-ka: (n) vitamin (vaay ta miin) feetamiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiitamiin
-ka: (magac, lab, keli) macdan cuntada ku jirta oo noolaha ka caawisa caafimaadka iyo korriinka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiitamiin
de: vitamin {Eng}
lx: fiitamiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: fiitamiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) caansiirin iyo silcin waxsiin iyo wax qabad lala daaho. Dh: gasacin, caansiirin, silcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ku l.: wax wax kale ku lammaan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilgelin
m.f.dh eeg liilgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) xal u helidda arrin markaa taagan. Dh: xallin. Li: qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miidaamin
(Miidaamin-ta)
Wax la nacay ama aan la rabin, meel xun oo fog oo uusan ka soo nabad-noqon, u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidaamin
m.f.dh eeg miidaami. la-mid: miidaamis, miidaamo (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) nafta halis gelin; is biimayn oo wax nafta halis gelinaya ku dhex tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liili
f.g2 (-iyay, -isay) Xaskul, harag iyo wixi lamida si ay u jilcaan garaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liili
(fal) suun iyo wixii la mid ah, jilci oo daguug.
liili: (fal) ku ul ku dhufo ama la dhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lilan
m.l Dhul mudda badan la daaqay oo xaalufay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilin
-ta: (magac, dhedig, keli) biil siin. Dh: biilid, masruufid, quudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilan
diilan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax ciid, neef iyo wixi lamida laga buuxiyey noqosho.
diilan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax ciid, neef iyo wixi lamida laga buuxiyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilin
m.dh la-mid: diillin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diilin
-ta: (magac, dhedig, keli) hal xarriiq oo dheer oo ka dhex muuqda meesha ama shayga uu ku dhex yaallo. Diilin cad buu daahu leeyahay. Dh: liid.
diilin -ta: (magac, dhedig, keli) xanjaadka badhtankiisa meesha inta kale ka godan kolka la buuran yahay kolka la dhuubtana lafaha dhabarku ka soo baxaan. Faras diilinta madaw aya na qaaday Dh: dhabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiilin
(Hiilin-ta)
Dad dagaallama haya, mid, af ama addin ka taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilin
m.f.dh eeg hiili. la-mid: hiilid, hiilis, hiillin, hiillis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiilin
-ta: (magac, dhedig, keli) «u» dad is haya midkood af ama addin ku taageerid. Dh: taageerid, garabsiin.
hiilin-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» dad is haya, dhinac ka eexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la kiilay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la kiilay ahaansho. m.f.dh, kiilnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiilan
der. [adjective] measured by weight and volume; full (load)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiilan
de: measured by weight and volume; [ext.] full (load)
lx: kiilan
pd: (kiilnaa)
ps: adj-der
key: kiilan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laamin
(Laamin-ta)
Badar karsamaya laan ku walaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laamin
m.f.dh eeg laami².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laamin
-ta: (magac, dhedig, keli) badar karsamaaya, laan dhexmarmarin oo ku walaagid. Dh: laaqid, walaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalmin
(Lalmin-ta)
Meel ka laallaadin, ka lulid, ka raaricin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmin
m.f.dh eeg lalmi. la-mid: lalmis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmin
-ta: (magac, dhedig, keli) maro iyo wixii la mid ah, hawada dhex ruxid oo kolba dhinac u wadid. Dh: lulis, ruxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicin
m.f.dh eeg liici. la-mid: liicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liicin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagan soo qalloocin; soo nadoocin. Dh: liicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liidin
-ta: (magac, dhedig, keli) yasid oo wax liita ka dhigid. Dh: yaraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liifan
liifan¹: f.mg1 (-fmay, -fantay; -fmi) Wax caatobay noqosho.
liifan²: f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax caatoobay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liifan
f.mg1 (-fmay, -fantay; -fmi) Wax caatobay noqosho. m.f.dh, liifmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liifan
der. [adjective] slender, thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liifan
(fal) mid jilicsan ama miisaan fudud noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liifan
de: slender, thin
lx: liifan
nt: liifan (liifmay) [v1=inch]
pd: (liifnaa)
ps: adj-der
key: liifan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIILAX
(Lilah) N Turraea holstii Guerke. Meliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilid
-da: (magac, dhedig, keli) dun soohid oo miiqid. Dh: liilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilis
-ka: (magac, lab, keli) eeg lilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimin
m.f.dh eeg siimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siimin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~, iska ~) sanka siin ka keened; ilmo yar duuf ka biin. Dh: duufin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vilain
vilain, adj. - aan wanaagsanayn; xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiimin
m.f.dh eeg xiimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiimin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xiin kaga keenid oo wax xiimaya ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidami
f.mg2 (-iyay, -isay) U c.: qof, cid hawl u qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciidami
f.mg2 (-iyay, -isay) U c.: qof, cid hawl u qabasho. m.f.dh, ciidamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciidami
v. rescue; help, serve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciidami
-yey / say: (v)[with preposition u] help someone; serve (seerv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidami
(fal) hanaqaad oo xoog yeelo; taagso oo toor laxaadsada noqo.
ciidami: (fal) «u ~» u adeeg; u shaqee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciidami
de: rescue; help, serve
lx: ciidami
pd: (ciidamiyey)
ps: v2a=
key: ciidami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diillin
(Diillin-ta)
Xarriiq; jiitin; daliig; dildil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diillin
m.dh (-imo, m.l) 1. Xarriiq; jiitin. 2. Roob xoog leh oo dabayl wata. 3. Caws cusub oo ka soo fufay meel gubad ah. la-mid: diilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diillin
m.dh (-imo, m.l) 1. Xarriiq; jiitin. 2. Roob xoog leh oo dabayl wata. 3. Caws cusub oo ka soo fufay meel gubad ah. la-mid: diilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diillin
f. n. line, stripe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diillin
-ta: (n) stripe (istraayp); streak (istiriik); line (laayn) ~ xariiqin, daliig
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Diillin
Grafico; linea
Graph; linea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diillin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah liidad is barbar yaal oo isku dhawdhaw oo dhererkooda iyo balladhkooduba kala duwan yihiin. Diillimo fallaadha ah ayaa cadceed dhaca laga arkaa geesta galbeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilmid
m.f.dh eeg diilan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiillin
m.dh la-mid: hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilayn
m.f.dh eeg kiilee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liibaan
(Liibaan-ta)
Guul; lib; khayr; wanaag; dhur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liibaan
liibaan¹: m.dh Khayr; baraare; guul.
liibaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) Khayr la kulmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Liibaan
name: Liban
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liibaan
f. n. success, victory; glory, triumph
liibaan v. come to a successful end, win, be victorious, succeed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Liibaan
name-m success, victory, glory, triumph; to come to a successful end, win, be victorious, succeed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liibaan
-ta: (n) victory (viktori); winning; successfulness ~ libin-ta; guul, lib -ta,
liibaan -ay / tay: (v) succeed (saksiidh); achieve success ~ guulayso, libin hel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Liibaan
magac loo baxsho wiil cawo iyo ayaan loo Allebarya oo iyo in uu guulaysto nolosha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liibaan
(fal) khayr hel; guulayso oo barwaaqow.
liibaan -ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqo iyo guul oo dhan. Liibaanta eebba lurka kaa bogsiisa. Dh: guul, lib, khayr, wanaag, dhur.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Liibaan
اسم، نجاح
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liifmid
m.f.dh eeg liifan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liifmid
-da: (magac, dhedig, keli) xadhiq, dun ama wax la mid ah, furfurmid oo liifaf u kala bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lilijin
-ta: (magac, dhedig, keli) lillijin oo ruxruxid: dhaqdhaqaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lillayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waxtar iyo faa'ido lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mitamin
(Mitamin-ta)
Tashiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitamin
m.f.dh eeg mitami. la-mid: miltamin.