lidjidh-dhaliye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lidjidh-dhaliye
-ha: (magac, lab, keli) walax kasta oo uu jidhku u arko walax qalaad, sidaa darteed uu ka bixiyo jawaab iskabaxeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lid-jidh-dhaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (baayoloji) Walax kasta oo uu jidhku u arko walax qalaad, sidaa darteed uu ka bixiyo jawaab is kabaxeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lid-jidhdhaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (baay.) Walax kasta oo uu jidhku u arko walax qalaad, sidaa darteed uu ka bixiyo jawaab is kabaxeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lidjidhgale
-ha: (magac, lab, keli) borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo) waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lidjidh-dhaliye) si aanay wax dhibaato ah u geysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limfosayt
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah unugyada cad cad ee dhiigga oo leh bu' ballaadhan iyo saytoobalaasam yar. Limfosaytyadu waxay ku samaysanyihiin gummudka limfka, waxaanay soo saaraan ilaa rubuc ka mid ah unugyada cad cad. Muhimad weyn ayey ku leeyihiin xagga difaaca jidhka, waxaanay masu'uul ka yihiin falgallada ka baxeed marka ay jirto nashaadin lidjidh-dhaliye si loo soo saaro lidjidhgale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lid-jidh-gale
m.l (-layaal, m.l/dh) (baayoloji) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lid-jidhgale
m.l (-layaal, m.l/dh) (baay.) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xidid-dabciye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daawo) Dawo keenta ballaarashada xididdada dhiigga oo badisa socodka dhiigga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xidid-dabciye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daaw.) Dawo keenta ballaarashada xididdada dhiigga oo badisa socodka dhiigga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danabdhaliye
m. n., [compound] generator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabdhaliye
-ha: (magac, lab, keli) makiinadda dhalisa kooraanka ama danabka. Danabdhaliye weyn ha loo soo iibiyo magaalada. Dh: dabdhaliye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danabdhaliye
de: generator
lx: danabdhaliye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: danabdhaliye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danab dhaliye
(n) generator (jenareytar) ~ koronto dhaliye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidhida-dhexe
m.dh (botani) Geed abaareed gaaban ee ka baxa gobolka badda cad, wuxuuna ka koobanyahay dhir yaryar iyo qodxaaley. Kuwaas oo adkaysi u leh abaarta; dhirtaas waxaa ka mid ah oliifka iyo mayrtalka. Dhirtani faa'iidada ay u leedahay bani'aadamka waa yartahay, maxaayeelay waa adagtahay si loogu banneeyo beeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjidh-dhidid
m.l (-dho ..., m.l) (cilmiga naflayda) Qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka. Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjidh-dhidid
m.l (-dho ..., m.l) (cilmiga naflayda) Qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka. Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidh-dhidid
-ka: (magac, lab, keli) qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka, Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacaab-dhaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (c.nafl) Xayawaan badeed yar oo duudkiisa intiisa badani ka samaysanyahay kaalsiyam kaarboonayt. Marka xayawaankaasi dhin-to, kaalshiyam kaaboonaydkii ku jiray duudkiisa baa sameeya dhagax shacaabi, shacaabigaasina wuxu sameeyaa jasiirado shacaabi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shacaab-dhaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (c.nafl) Xayawaan badeed yar oo duudkiisa intiisa badani ka samaysanyahay kaalsiyam kaarboonayt. Marka xayawaankaasi dhinto, kaalshiyam kaaboonaydkii ku jiray duudkiisa baa sameeya dhagax shacaabi, shacaabigaasina wuxu sameeyaa jasiirado shacaabi.