ereyga

lid-jidhgale

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

lid-jidhgale

DHAN

m.l (-layaal, m.l/dh) (baay.) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

lid-jidh-gale

DHAFAN

m.l (-layaal, m.l/dh) (baayoloji) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lidjidhgale

DHAFAN

-ha: (magac, lab, keli) borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo) waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lidjidh-dhaliye) si aanay wax dhibaato ah u geysan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lidjidhgal

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) walax ama maaddo yar oo qofka ama xayawaanka jidhkiisu sameeyo oo ka hortagta cudursidaha soo gala jidhka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

lid-jidhdhaliye

DHAFANDHAAF

m.l (-yayaal, m.l/dh) (baay.) Walax kasta oo uu jidhku u arko walax qalaad, sidaa darteed uu ka bixiyo jawaab is kabaxeed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lidjidh-dhaliye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) walax kasta oo uu jidhku u arko walax qalaad, sidaa darteed uu ka bixiyo jawaab iskabaxeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Ciidagale

DHAFANDHAAF

nickname-m reptile; sand borer; sand diver; sandie

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

ciidagale

DHAFANDHAAF

-ciidagalaha: (n) 1. worm (weerm); especially earthworm ~ ciidaggale 2. name of a Somali clan

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ciidagale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) bahal yar oo halaqa u eg oo ciidda gudaheeda ku dhuunta. Ciidagale ayaan mas mooday. Dh: isxabaal.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wedkiidhale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof isagoo gaboobay ilmo yar dhala. Raggu waa walaalkii dhale, wiilkii dhale iyo wedkiidhale.

waa la naqliyay ✓