lid-jidhdhaliye
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lid-jidhdhaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (baay.) Walax kasta oo uu jidhku u arko walax qalaad, sidaa darteed uu ka bixiyo jawaab is kabaxeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lid-jidh-dhaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (baayoloji) Walax kasta oo uu jidhku u arko walax qalaad, sidaa darteed uu ka bixiyo jawaab is kabaxeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lidjidh-dhaliye
-ha: (magac, lab, keli) walax kasta oo uu jidhku u arko walax qalaad, sidaa darteed uu ka bixiyo jawaab iskabaxeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lid-jidhgale
m.l (-layaal, m.l/dh) (baay.) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lid-jidh-gale
m.l (-layaal, m.l/dh) (baayoloji) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danabdhaliye
m. n., [compound] generator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabdhaliye
-ha: (magac, lab, keli) makiinadda dhalisa kooraanka ama danabka. Danabdhaliye weyn ha loo soo iibiyo magaalada. Dh: dabdhaliye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danabdhaliye
de: generator
lx: danabdhaliye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: danabdhaliye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danab dhaliye
(n) generator (jenareytar) ~ koronto dhaliye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xidid-dabciye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daawo) Dawo keenta ballaarashada xididdada dhiigga oo badisa socodka dhiigga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xidid-dabciye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daaw.) Dawo keenta ballaarashada xididdada dhiigga oo badisa socodka dhiigga.