libkeene
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
libkeene
-libkeenaha: (n) victor (vik-tar); winner (winnar).
ka libkeen -ay / tay: (v) make a success of; yield results; accomplish (akom-pliish)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libkeen
libkeen¹: m.l la-mid: niibkeen¹.
libkeen²: f.mg1 (-nay, -ntay) la-mid: niibkeen².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libkeen
m. n., [compound] success
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libkeen
de: success
lx: libkeen
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: libkeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libkeenid
m.dh la-mid: niibkeenid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keene
-da: (magac, dhedig, keli) xadhig inta la sooryeeyo oo awrka gafuurka loo sudho oo lagu wado. Keene la'aan awr hoggaan laguma wadi karo. Dh: keeno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libee
v. give victory, bring success
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libee
(fal) cid kale, guul sii. Dh: hibee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libee
de: give victory, bring success
lx: libee
pd: (libeeyey)
ps: v2b=
key: libee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
likee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) Ka l.: wax meel ka taagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
likee
v. erect, put up ~ in upright position; construct
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
likee
-yey I likeysay: (n) [with preposition ka] project or push outward; protrude ~ ka likee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
likee
de: erect, put up ~ in upright position; construct rw: lig
lx: likee
pd: (likeeyey)
ps: v2b=tr
key: likee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labeen
(Labeen-ta)
1. Lakab xalleefsan oo dufan ah oo badanaa caanaha dhayda ah, dusha ka fuula.
2.* Cunno macaan oo ka samaysan ukun iyo bur iyo sonkor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeen
m.dh Lakab xalleefsan oo dufan ah oo badanaa caanaha dhayda ah dusha ka fuula.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labeen
m.dh Lakab xalleefsan oo dufan ah oo badanaa caanaha dhayda ah dusha ka fuula.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labeen
f. n., (mass n.): cream
labeen [feminine] n. cake, cookie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labeen
-ta: (n) milk cream (kiriim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labeen
-ta: (magac, dhedig, keli) dufan cad oo caanaha dhayda ah dusha uga soo baxa, marka la dhigo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jabkeen
-a: (n) our loss; our failure
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
liberté
liberté, n.f. - xorriyad; gobanimo; madax banaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibakeen
(Jibakeen-ka)
Gungaar; niibkeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibakeen
jibakeen¹: m.l la-mid: jibakeenid.
jibakeen²: f.mg1 (-nay, -ntay) Arrin ama hawl xaqiiqdeeda ka lib keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibakeen
v. get to the bottom of a matter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jibakeen
de: get to the bottom of a matter
lx: jibakeen
pd: (jibakeenay)
ps: v1=
key: jibakeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niibkeen
(Niibkeen-ka)
Jibakeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niibkeen
niibkeen¹: m.l la-mid: nibkeenid.
niibkeen²: f.mg1 (-nay, -ntay) Ka n.: arrin ka guul gaarid. la-mid: libkeen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibkeen
(fal) (ka ~) natiijo ka gaadh; ka gun gadh. Bal raggaa ballangaadkooda ka niibkeen.
niibkeen -ka: (magac, lab, keli) «ka ka gun gaadhka arrin la ogaado waxay tahay. Dh: jibbokeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibakeenid
(Jibakeenid-da)
Wax ka niibkeenid; gungaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibakeenid
m.f.dh eeg jibakeen². la-mid: jibakeen¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka libkeen
v. succeed at doing something; manage to do something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_libkeen
de: succeed at doing s.t.; manage to do s.t.
lx: ka libkeen
pd: (libkeenay)
ps: v1=expr
key: ka_libkeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niibkeenid
(Niibkeenid-da)
(arrin ka niibkeenid) jibakeenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niibkeenid
m.f.dh eeg niibkeen². la-mid: libkeen¹, libkeenid, niibkeen¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibkeenid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ka salgaadhid; ka gungaadhid. Dh: jibbokeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibbakeen
(fal) «ka ka dhereg, ka gaadh baahidaada, haqab la'aana uga dhereg wax laguu diidanaa, ka salgaadhid hawl aad soo wadday.
jibbakeen -ka: (magac, lab, keli) (ka ~) arrin aad in badan ku mashquulsanayd oo aad ka salgaadhid, wax in badan laguu diidanaa intii laguu fasaxo ka warkeenid, sal gaadh.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lixgeesle
Hexagon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falgalkeene
m.l (-nno, m.dh) (kiimika) Iskudhis la falgala mid kale (oo ah ka la danaynayo). Ereygan, f., waxa badanaaba lagu isticmaalaa kiimikallada shaybaarka ee caadiga ah sida: naatriyam haydarogsaydh, haydarokoloorig asiidh, iyo wixi lamida ee loo adeegsado tijaabada iyo saafidda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falgalkeene
m.l (-nno, m.dh) (kiim.) Iskudhis la falgala mid kale (oo ah ka la danaynayo). Ereygan, f., waxa badanaaba lagu isticmaalaa kiimikallada shaybaarka ee caadiga ah sida: naatriyam haydarogsaydh, haydarokoloorig asiidh, iyo wixi lamida ee loo adeegsado tijaabada iyo saafidda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibbakeenid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) wax laguu diiddanaa ama aad ku hawlanayd ka warkeenid, ka salgaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibbakeenis
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) wax laguu diiddanaa ama aad ku hawlanayd ka jibbakeenis.