libiqsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libiqsad
m.l la-mid: libiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libiqsad
-ka: (magac, lab, keli) si degdeg ah, isha isugu qabasho oo isla markiibana kala qaadid. Dh: libiqsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ma_libiqsado
de: has great courage; [atr.] brave Lit: does not blink an eye
lx: ma libiqsado
ps: vp-expr
key: ma_libiqsado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqsad
(Fiiqsad-ka)
Fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsad
m.l la-mid: fiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) heemis ama dhammayn; faaruqin iyo dhammaan laacid. Dh: fiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiqsad
(Jiiqsad-ka)
Jiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiqsad
m.l la-mid: jiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kaa itaal yar, u xoogsheego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libiqsi
(Libiqsi-ga)
Libiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libiqsi
m.l la-mid: libiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libiqsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg libiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libiqso
f.mg3 (-saday, -satay) Si deg-deg ah il isugu qabasho una kala qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
libiqso
f.mg3 (-saday, -satay) Si deg-deg ah il isugu qabasho una kala qaadid. m.f.dh, libiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libiqso
v. blink, wink an eye; flutter the eyelashes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
libiqso
-libiqsaday / libiqsatay: (v) blink (bilingk), twinkle (tuwin-kal); nictitate (nik ti teeyt), wink (wink), —libiqsad -ka: (n) the act of blinking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libiqso
(fal) si degdeg ah, isha baadadkeeda iskugu qabo oo haddana dhakhso u kala qaad. Dh: gibidhso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libiqso
de: blink, wink an eye; flutter the eyelashes
lx: libiqso
nt: libiqsad (ka) [vn-m], libiqsasho (/da) [vn-f], libiqsi (ga) [vn-m]
pd: (libiqsaday)
ps: v3a=intr
key: libiqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicsad
m.l la-mid: liicsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diriqsad
(Diriqsad-ka)
Diriqsasho; muquunsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diriqsad
m.l la-mid: diriqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diriqsad
-ka: (magac, lab, keli) wax xoog ku muquunsasho. Dh: dirqisad, qasbad. diriqsasho -da: (magac, dhedig, keli) qasab iyo xoog wax ku marsiin. Dh: qasbid, dirqisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libaysad
(Libaysad-ka)
Libaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libaysad
m.l la-mid: libaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid lala tartamayay, ka badin; cid kale ka guulaysasho. Dh: adkaad, libaysasho, libaysi.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
LIBI-CAD
Parkinsonia scioana 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libirsan
Meel gudaggalay oo ku qarsoomay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qarsoon ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libirsan
der. [adjective] vanished, hidden
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libirsan
(tilmaame) wax meel ku siibtay co qarsoomay. Dh: libidhsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libirsan
de: vanished, hidden
lx: libirsan
pd: (libirsanaa)
ps: adj-der
key: libirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliqsad
m.l la-mid: siliqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siniqsad
m.l la-mid: siliqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libiqsasho
(Libiqsasha-da)
Si degdeg ah, il isugu qabasho oo u kala qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libiqsasho
m.f.dh eeg libiqso. la-mid: libiqsad, libiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha oo kolba la isku qabto. Dh: gibidhsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiliqsad
m.l la-mid: dhillisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriqsad
m.l la-mid: jirriqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirriqsad
-ka: (magac, lab, keli) ilkahaaga xoog iskugu qabasho oo kaga jirriqsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libidhsan
(tilmaame) wax qarsoon oo aan muuqan. Qodax baa cagta kaga libidhsan. Dh: libirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milliqsad
m.l la-mid: milliqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milliqsad
-ka: (magac, lab, keli) carrabka iyo faruur yaha leefleefid oo wax macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirriqsad
(Mirriqsad-ka)
Mirriqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriqsad
m.l la-mid: mirriqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirriqsad
-ka: (magac, lab, keli) candho madhan caana ka dayid oo naaska ka xooxin. Dh: xooxsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bisad
(Bisad-da)
Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shinbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisad
m.dh (-do, m.l) Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bisad
m.dh (-do, m.l) Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bisad
f. n. cat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bisad
da: (n) [Plural. bisado-ha] kitty (kiti); cat (kaat) ~ mukulaal, yaanyuur, durmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisad
-da: (magac, dhedig, keli) xawayaan dhogor jilicsan, dabjoogta ka mid ah, dadka la nool. Bisidna waa ka ciyaar jiirna waa ka naf. Dh: dinnad, basho, dummad, mukulaal, yaanyuur, durruf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bisad
bw: Arabic
de: cat
lx: bisad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: dummad, mukulaal, yaanyuuro
key: bisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libiq
(Libiq-a)
Dhoobo ama wax loo ekaysiina hayo oo qoyan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libiq
libiq¹: m.l Dhoobo aad u qoyan.
libiq²: m.dh.sh.r L. ka sii: libiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libiq
m. n., (mass n.): mud, mire
libiq [feminine] n. vanishing, disappearance; being seen briefly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
libiq
-libqay / libiqday: (v) vanish (yaan ish)-, disappear (dis a piir)-, pass out of sight ~ libidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libiq
(ereycodeed) loo adeegsado liqidda fudud ee degdegga ah.
libiq -a: (magac, lab, keli) dhoobo qoyan oo wax sanam ah loo ekaysiiyay. Dh: dhoobodheri, lidiq.
libiq -da: (magac, dhedig, keli) aragtida muuqaal kol la arko haddana degdeg loo waayo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Libiq
Birta caynduubku ku dul wareegto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisad
m.l la-mid: lisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lisad
vl. n. act of milking; act of sharpening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisad
-ka: (magac, lab, keli) neef irmaan, lisasho. Dh: maalasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lisad
de: act of milking; act of sharpening
lx: lisad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: lisad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsad
-ka: (magac, lab, keli) baqagelin oo naftaada baqo ha laga qaado. Baqsad ka rido. Dh: didsad, eryoood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqad
-da: (magac, dhedig, keli) kolka intii hore laga tiro yarado ee lakala biiqbiiqo. Kala biiqad ayaa ku dhacay ciidankii. Dh: tafaraaruq. Li: midaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqad
m.dh Dareemidda la dareemo ciriiri ama farxad la'aan (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiqad
m.dh Dareemidda la dareemo ciriiri ama farxad la'aan (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibsad
(Iibsad-ka)
Iibsashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsad
m.l la-mid: iibsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibsad
vl. n. purchase (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibsad
-ka: (n) buying (baaying); purchase (peerjaasing) ~ iibsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo ama alaab suuqa la keenay, soo gadasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibsad
de: purchase (for oneself)
lx: iibsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: iibsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiisad
(Kiisad-da)
Kiis; kiish; kiishad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiisad
m.dh la-mid: kiishad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiisad
f. n. bag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiisad
-da: (magac, dhedig, keli) wax qalqale leh oo wax lagu rito ama la gashado. Dh: kiiishad Wa: kiisado, kiishado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiisad
de: bag
lx: kiisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kiisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libaad
(Libaad-da)
Idiin qurux badan oo kore-Soomaaliga docdiisa hoose lagu dhejiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libaad
f. n. decorative ~ artful leather applique
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libaad
de: decorative ~ artful leather appliquŽ
lx: libaad
pd: (-da)
ps: n-f
key: libaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libgad
libgad¹: m.l 1. L. ah: qof jisaar ah. 2. la-mid: libgadid.
libgad²: f.mg1 (-day, -dday) Ka l.: qof ku jisaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
libgad
libgad¹: m.l L. ah: qof jisaar ah.
libgad²: f.mg1 (-day, -dday) Ka l.: qof ku jisaarid. m.f.dh, libgadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libgad
m. n. (adj.): ingrate; unpleasant, ungrateful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libgad
-ka: (magac, lab, keli) qof wixii loo taray ku mahad niqin oo ka abaaldara. Libgad wax lama siiyo. Dh: abaallaawe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libgad
de: ingrate; [atr.] unpleasant, ungrateful
lx: libgad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: libgad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liifad
(Liifad-da)
Cad yar oo xarig ah ama daliig kale oo ama xirmo yar oo liilammo ah, oo feynuuska gaaska ku baxa ama shimica iyo waxyaalo kale, la dhexgeliyo oo inta daarma olola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liifad
m.dh (-do, m.l) 1. Tidac dun ah, la geliyo feynuusyada gaaska oo marka la shido bixiya iftiin. 2. Bir yar, buntuqa afkiisa hore ku samaysan oo wax lagu shiisho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liifad
m.dh (-do, m.l) 1. Tidac dun ah, la geliyo feynuusyada gaaska oo marka la shido bixiya iftiin. 2. Bir yar, buntuqa afkiisa hore ku samaysan oo wax lagu shiisho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liifad
f. n. wick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liifad
-da: (n) wick (wik); wick for oil lamp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liifad
-da: (magac, dhedig, keli) haylaaq yar oo faanuuska gaaska lagu rido si loo iftiinsado. Dh: dubaalad, dibaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liifad
de: wick
lx: liifad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: liifad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof wax illowsan ahaansho. 2. Wax saqraansan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqsan
der. [adjective] drunk (down), swallowed; forgotten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqsan
(tilmaame) wax lagay ama la dhunjiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqsan
a: laqsan
de: drunk (down), swallowed; [fig.] forgotten (s.t. that slips from one's mind)
lx: liqsan
pd: (liqsanaa)
ps: adj-der
key: liqsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisad
(Miisad-da)
Miis; shillal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisad
m.dh Qalab ka sameysan alwaax, bir, iyo wixi lamida fidsan oo lugo uu ku taagnaado leh oo siyaalo kala duwan guryaha iyo xafiisyada loogu isticmaalo. la-mid: miis¹ (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miisad
m.dh Qalab ka sameysan alwaax, bir, iyo wixi lamida fidsan oo lugo uu ku taagnaado leh oo siyaalo kala duwan guryaha iyo xafiisyada loogu isticmaalo. la-mid: miis.

f. n. table