libi-cad
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
LIBI-CAD
Parkinsonia scioana 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LEBI-CAD
(Lebi-ad) C Parkinsonia scioana (Chiov.) Brenan. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gibilcad
(Gibilcad-da)
Dadka midabkiisu cad yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibilcad
m.dh.u Dadka midibkiisu cad yahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gibilcad
m.dh.u Dadka midibkiisu cad yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gibilcad
f. n., [collective] white ~ light-skinned person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gibilcad
-da: (n) white-coloured [skinned] person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gibilcad
-da: (magacwadareed) saanta cad; dadka midabka cad leh. Dh: diircad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gibilcad
de: white ~ light-skinned person
lx: gibilcad
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: gibilcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libiqsad
m.l la-mid: libiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libiqsad
-ka: (magac, lab, keli) si degdeg ah, isha isugu qabasho oo isla markiibana kala qaadid. Dh: libiqsi.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHEBI-CAD
(Debi-ad) NFD, S Grewia mollis Juss. Tiliaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
IL-CAD
(Ilad) N, C Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Lib-ta
victoire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libaad
(Libaad-da)
Idiin qurux badan oo kore-Soomaaliga docdiisa hoose lagu dhejiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libaad
f. n. decorative ~ artful leather applique
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libaad
de: decorative ~ artful leather appliquŽ
lx: libaad
pd: (-da)
ps: n-f
key: libaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libcas
(Libcas-ta)
(xiddigo) xiddigta u dhexaysa gudban iyo mareegadheer; xiddigta afraad oo daalallida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libcas
m.dh 1. Xiddigga afaraad ee daalallida una dhexeysa gudha iyo mareegadheer. 2. Nooc qodaxda ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libcas
f. n. thorn, spine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libcas
-ta: (magac, dhedig, keli) xiddigta afraad ee daalallada dayaxuna maro; waa xiddigta u dhexaysa gudban iyo mareega'dheer. Mushtarka iyo naafaha, libcas quruxda maamuusta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libcas
de: thorn, spine
lx: libcas
pd: (-ta)
ps: n-f
key: libcas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libgad
libgad¹: m.l 1. L. ah: qof jisaar ah. 2. la-mid: libgadid.
libgad²: f.mg1 (-day, -dday) Ka l.: qof ku jisaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
libgad
libgad¹: m.l L. ah: qof jisaar ah.
libgad²: f.mg1 (-day, -dday) Ka l.: qof ku jisaarid. m.f.dh, libgadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libgad
m. n. (adj.): ingrate; unpleasant, ungrateful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libgad
-ka: (magac, lab, keli) qof wixii loo taray ku mahad niqin oo ka abaaldara. Libgad wax lama siiyo. Dh: abaallaawe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libgad
de: ingrate; [atr.] unpleasant, ungrateful
lx: libgad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: libgad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liicid
(Liicid-da)
Doc u dheelliyid; dhicid ku dhowaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicid
m.f.dh eeg liic. la-mid: liicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liicid
-da: (magac, dhedig, keli) doc u dheelliyid oo janjeedhsad. Dh: liicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liifad
(Liifad-da)
Cad yar oo xarig ah ama daliig kale oo ama xirmo yar oo liilammo ah, oo feynuuska gaaska ku baxa ama shimica iyo waxyaalo kale, la dhexgeliyo oo inta daarma olola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liifad
m.dh (-do, m.l) 1. Tidac dun ah, la geliyo feynuusyada gaaska oo marka la shido bixiya iftiin. 2. Bir yar, buntuqa afkiisa hore ku samaysan oo wax lagu shiisho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liifad
m.dh (-do, m.l) 1. Tidac dun ah, la geliyo feynuusyada gaaska oo marka la shido bixiya iftiin. 2. Bir yar, buntuqa afkiisa hore ku samaysan oo wax lagu shiisho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liifad
f. n. wick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liifad
-da: (n) wick (wik); wick for oil lamp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liifad
-da: (magac, dhedig, keli) haylaaq yar oo faanuuska gaaska lagu rido si loo iftiinsado. Dh: dubaalad, dibaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liifad
de: wick
lx: liifad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: liifad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biircad
-da: (magac, dhedig, keli) dhuuso aad u qadhmuun. Biircad xoor baa loo ogaa markuu shinnida maagaayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabicad
f. n. behavior; character, temperament
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabicad
a: dabiicad
bw: Arabic
de: behavior; character, temperament
lx: dabicad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dabicad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diircad
-ka: (magac, lab, keli) dayrcad geel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giircad
m.l Midab madow oo caddaan badani ku dhafanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giircad
-ka: (magac, lab, keli) midabka giirka oo madaw caddaan badani fadhxay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicsad
m.l la-mid: liicsasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LO'-CAD
(Lo-ad) N Aeluropus lagopoides (L) Trimen. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabiicad
m.dh la-mid: dabci¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabiicad
f. n. character, attitude
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabiicad
-da: (n) behaviour also behavior (b-iheey-viyar); character (kaaraktar) ~ akhlaaq, dabeecad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabiicad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabeeco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabiicad
bw: dabicad
de: character, attitude
lx: dabiicad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: dabeec
xv: Arabic
key: dabiicad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LEBI-YAR
(Lebi-yer) N, Og, NFD Sesbania somalensis Gillett. Papilionaceae.
S Sesbania sericea (Willd) Link. Papilionaceae.
N Sesbania bispinosa (Jacq)W.F.Wight. Papilionaceae.
S Sesbania sesban (L) Merr. Papilionaceae.
N Parkinsonia scioana (Chiov.) Brenan. Caesalpinaceae.
C Entada leptostachya Harms. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libaysad
(Libaysad-ka)
Libaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libaysad
m.l la-mid: libaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid lala tartamayay, ka badin; cid kale ka guulaysasho. Dh: adkaad, libaysasho, libaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libirsan
Meel gudaggalay oo ku qarsoomay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qarsoon ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libirsan
der. [adjective] vanished, hidden
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libirsan
(tilmaame) wax meel ku siibtay co qarsoomay. Dh: libidhsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libirsan
de: vanished, hidden
lx: libirsan
pd: (libirsanaa)
ps: adj-der
key: libirsan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHICIR-CAD
(Deer-ad) N Ficus glumosa Del. Moraceae.
N Ficus quibeba Ficalho. Moraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqlibiyad
-da: (n) majority (maajoorati) ~ badni
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABAR-CAD
(Dabar-ad) S Commiphora africana (A.Rich.) Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HARBO-CAD
(Harbo-ad) N Chenopodium procerum Mog. Chenopodiaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HIRAN-CAD
Hildebrandtia sepalosa 20
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbisaad
-da: (magac, dhedig, keli) xidhashada labbis ama dhar isku socda. Dh: dharxidhasho, lebbisaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libidhsan
(tilmaame) wax qarsoon oo aan muuqan. Qodax baa cagta kaga libidhsan. Dh: libirsan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XAABA-CAD
(Haba-ad) N, C, S Sericocomopsis pallida (S. Moore) Schinz Amaranthaceae.
N Heliotropium sp. Boraginaceae.
S, N Ocimum tomentosum Oliv. Labiatae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DIDIB-CADDE
(Didib-ad) C Tetrachaeta elionuroides Chiov. Gramineae.
C Stipagrostis hirtigluma (Trin & Rupr) De Winter. Gramineae.