libaaxbadeeb-ka
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Libaaxbadeeb-ka
requin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libaaxbadeed
m.l.u (cilmiga naflayda) Nafley badda ku nool oo kalluunka qaabkiisa leh aadna uga weyn, oo dadka iyo kalluunka yaryar cunta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
libaaxbadeed
m.l.u (cilmiga naflayda) Nafley badda ku nool oo kalluunka qaabkiisa leh aadna uga weyn, oo dadka iyo kalluunka yaryar cunta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaaxbadeed
-ka: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah oo waaweyn. Waa nafley waaweyn oo badda ku jirta, dadka iyo wax walbana cunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libaax-badeed
(Libaax-badeed-ka)
Magac kooba nafleyda waaweyn oo badda ku jirta oo kalluuuka qaabkiisa leh oo wax dadka cuna iyo wax kaleba leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libaax-badeed
m. n., [compound] shark
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
libaax-badeed
-ka: (n) shark (shaark)
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
libaax-badeed
قِرْش
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ilma adeer-ka
cousin (paternel).
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Lubaandar-ka
encens.